Koonfur Afrika oo ceyrisay Safiirka Israel

0
Friday January 30, 2026 - 16:50:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Afrika oo ceyrisay Safiirka Israel

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa Jimcahan dalkeeda ka ceyrisay Safiirkii Israel, Ariel Seidman oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka diblomaasiyadda iyo inuu aflagaaddo u gaystay Madaxweynaha Qaranka, Cyril Ramaphosa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inaanan ninkaasi laga rabin dalka, waxaana loo qabtay in 72 saacadood uu dalka uga baxo.

Ariel Seidman oo ahaa Sii Haayaha Safaaradda Israel ee Pretoria ayaa lagu eedeeyay inuu barraha bulshada ee dowladda uu ku qoray hadalo aflagaaddo oo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Afrika iyo inuu dalkaasi ku soo casuumay Saraakiil Israeliyiin ah, isaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan dowladda dalkaasi.

Xiriirka labada dal ayaa meeshii ugu hooseysay gaaray, ka dib markii Dowladda Koonfur Afrika ay bishii December ee sanadkii 2023 Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ u gudbisay dacwad ah in Israel ay dembiyo dagaal ka gaysatay Marinka Gaza, welina ay ka waddo.

Dacwadda Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israel ayaa lagu sheegay in Israel ay dabeecad ka dhigatay ficiladeeda xun xun, waxayna Maxkamadda ICJ ka dalbatay in Israel laga joojiyo dadka rayidka ah ee ay ku leynayso Marinka Gaza.

Go’aanka Dowladda Koonfur Afrika oo soo jiitay indhaha bulshada caalamka ayaa horseeday in dalal kale ay qaadaan tallaabadaasi oo kale, taasoo Israel ka carreysiisay.

Maxkamadda ICJ oo bishii January ee sanadkii 2024 dhageysatay dacwadda la xiriirta dembiyada dagaal ee Israel ee Gaza ayaa 24-kii bishii May ee sanadkaasi soo saartay xukun ah in Israel ay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah iyo inay ogolaato in gargaarka la geeyo gudaha dhulka go’doonsan ee Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo saacado ka dib ka falceliyay go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ICJ ayaa sheegay inaanu Israel khuseyn xukunkaasi, wuxuuna wacad ku maray inay sii wadi doonaan duulaankooda Gaza.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip