Taliyaha Ciidamada Gaarka oo kormeeray ciidamo uu tababar uga socdo Dugsiga Ballidoogle

0
Friday January 30, 2026 - 14:46:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidamada Gaarka oo kormeeray ciidamo uu tababar uga socdo Dugsiga Ballidoogle

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha Ciidamada Gaarka ee Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Saalax Cabdi ayaa kormeeray ciidamo lagu diyaarinayo Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Warbaahinta ayaa fahamsan in dugsigu uu tababar heer geba-gabo ah maraya uu uga socdo cutubyo lagu wado inay ku biiraan Ciidanka Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya.

Raadiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Jimcahan ku waramay in kormeerka Taliyaha Ciidamada Gaarka uu la xiriiro u kuurgelidda heerka tababarka, anshaxa iyo diyaargarowga askarta loogu diyaarinayo waajibaadkooda sugidda amniga iyo hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

"Taliyaha ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha iyo macalimiinta tababarka, isagoo ka dhageystay warbixino la xiriira marxaladda uu marayo tababarku.” Ayuu raadiyuhu tebiyay.

Raadiyaha ayaa sidoo kale sheegay "Korneyl Xasan Saalax Cabdi ayaa askarta ku dhiirigeliyay inay adkeeyaan feejignaanta, midnimada iyo ilaalinta sharciga ciidanimo, isagoo xusay in tayaynta Ciidamada Gaarka ah ay muhiim u tahay guusha hawlgalada amniga dalka.

Xerada Ballidoogle ama Gaashaanle Xasan Tuure ayaa waxaa si gaar ahi loogu tababaraa Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, iyadoona ay halkaasi ku tababaraan Saraakiisha Mareykanka ee dalka ku sugan.

Kumaandooska Danab ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ciidamada ugu firfircoon ee gaarka ah ee ay maanta Somaliya leedahay.

Ciidanka Danab ayaa ka qayb qaata hawlgalada lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab ee ka socda meelo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliy

 
xigasho:Dacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip