Ajendaha shirka dowladda iyo Mucaaradka ee Muqdisho oo la ogaaday

0
Friday January 30, 2026 - 08:19:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ajendaha shirka dowladda iyo Mucaaradka ee Muqdisho oo la ogaaday

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
-Guddiyada wada-hadallada Xukuumadda Federaalka & Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shir farsamo ku leh caasimadda ayaa isku raacay in ajandayaasha shirka madaxda DFS & Golaha Mustaqbalka 1-da Febraayo ay noqdaan; Doorashooyinka, Dastuurka, Midnimada, Dagaallada-xoraynta & Abaaraha.

Shirka ayey sida oo kale isku raaceen in uu ka qabsoomo hutel ku yaal gudaha xerada Xalane, iyada oo madaxda Puntland & Jubbaland ay diideen geista Villa-Somalia.

Guddiyada ayaa weli ka doodaya ammaanka & habmaamuuska madaxda, iyada oo DFS ka walaacsan tahay in Madaxweyne Deni & Madaxweyne Madoobe ay ciidamo culus la galaan caasimadda, si la mid ah wada-hadalladii doorashadii 2022.

Sida ay ilo-wareedyada gudaha tilmaameen; DFS ayaa taxadar badan ka muujinaysa ‘Dastuurka & Doorashooyinka’ halka Puntland & Jubbatland ay ka fekerayaan sida loo dhigayo ‘Midnimada’ oo aysan weli ka hadlin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip