
TRUMP oo ku hanjabay weeraro ka dhan ah burcad badeedda Soomaaliya
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin adag u diray kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, isagoo shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu qaadi doono tallaabooyin militeri oo la mid ah kuwa haatan lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada.
Hadalkan ayuu Madaxweyne Trump ka sheegay kulan uu la qaatay golihiisa wasiirrada ee Aqalka Cad, xilli uu dhinaciisa fadhiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth.
Trump ayaa cadeeyay in xoghaye Hegseth uu "si buuxda ugu idman yahay” inuu awoodda militeriga u adeegsado duqeynta doonyaha ay isticmaalaan burcad-badeedda ku sugan xeebaha Afrika.
"Waxay la kulmi doonaan isla gantaallada aan ku ridno dadka daroogada soo dhoofiya,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Hadalkani ayaa imaanaya xilli maamulka Trump uu bilihii la soo dhaafay fuliyay tobanaan weerar oo cirka ah oo lala beegsaday doonyaha daroogada ee marinka Badda Caribbean-ka iyo Badweynta Pacific-ga, hawlgalladaas oo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof.
Tallaabooyinkaas ayaa dhaliyay su’aalo sharci, inkastoo maamulka Washington uu ku adkeysanayo inay waafaqsan yihiin awoodaha dastuuriga ah ee dalkaas.
Sharciyadda iyo xaaladda Burcad-badeedda
Sharciyadda caalamiga ah ee howlgalada la-dagaallanka burcad-badeedda ee Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa salka ku haya qaraarro ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wixii ka dambeeyay sanadkii 2008-dii.
Hase yeeshee, warbaahintaABC Newsayaa Aqalka Cad weydiisay in Madaxweynuhu rumeysan yahay in awooddaasi ay Mareykanka xaq u siineyso inuu dilo burcad-badeedda Soomaalida.
Trump ayaa sheegay in shirkadaha caymiska maraakiibta lagu wargeliyay dhowr bilood ka hor in tallaabo noocan ah la qaadi karo.
"Way ogyihiin in haddii qof uu isku dayo inuu u dhawaado markab, ay la kulmi doonaan ciqaabta ugu dambeysa,” ayuu yiri Trump, isagoo raaciyay, "Ilaa hadda, ma aanaan arkin cid badda u soo baxday.”
Weerarrada burcad-badeedda ayaa aad hoos ugu dhacay sanadihii ugu dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, bishii November ee sanadkii 2025, koox burcad ah ayaa weerar ku qaaday markabka shidaalka eeHellas Aphroditeoo sitay calanka Malta, qiyaastii 560 mayl-badeed koonfur-bari kaga beegan degmada Eyl.
Inkastoo markabka la qabsaday, haddana ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan 24-kii shaqaale ee saarnaa.
Sida ay diiwaangelisay Xarunta Caalamiga ah ee Badaha (IMB), afduubkaHellas Aphroditewuxuu ahaa markabkii ugu horreeyay ee ganacsi oo lagu qabsado xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii May 2024. Sanadkii 2025, waxaa la diiwaangeliyay shan dhacdo oo kaliya.
Hanjabaadda Trump ee ku wajahan burcad-badeedda ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sare u qaaday weerarrada afka ah ee uu ku hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Trump ayaa horay ugu tilmaamay soo-galootiga Soomaalida ah "qashin,” isagoo sidoo kale eedeymo u jeediyay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo uu ku eedeeyay musuq-maasuq la xiriira xarumaha xanaanada carruurta.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, lagana soo doorto degmada 5-aad ee Minnesota.
"Maanta waxaan aragnaa burcad-badeednimo aad u yar. Waagii hore waxay afduuban jireen laba ama saddex markab toddobaadkii… laakiin hadda waxaa inoo hartay Ilhaan Cumar,” ayuu yiri Trump.
"Waxay inoo dhigeysaa casharro ku saabsan dastuurka Mareykanka. Dadkani waa — waxa ay ku sameeyeen dalkeenna waa wax aad u xun.”
Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo maalintii Talaadada nin uu weerar gacan-ka-hadal ah ku qaaday Ilhaan Cumar xilli ay ku sugneyd hool ku yaalla magaalada Minneapolis.
Shir jaraa’id oo ay qabatay Arbacadii, ayay Ilhaan Cumar ku eedeysay Madaxweyne Trump inuu mas’uul ka yahay weerarkaas sababo la xiriira hadalladiisa xanafta leh, halka Trump uu dhankiisa shaki geliyay dhacdadaas.


0 




TRUMP oo ku hanjabay weeraro ka dhan ah burcad badeedda Soomaaliya
.