Mooshin ka dhan Aadan Madoobe oo la diyaariyay.

0
Wednesday January 28, 2026 - 13:29:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshin ka dhan Aadan Madoobe oo la diyaariyay.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kadib muran xooggan oo ka dhashay wax ka beddelka Dastuurka iyo fadhigii maanta ee Baarlamaanka oo buuq ku soo xirmay.

Xildhibaanada wada mooshinkan ayaa gaaraya illaa 103 mudane, sida ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada saxiixay mooshinka.

Mudanayaashan ayaa si rasmi ah u saxiixay mooshin ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo sheegay inay kala laabteen kalsoonidii ay u hayeen.

Mooshinkan ayaa yimid kadib markii uu fashilmay kulankii maanta ee Baarlamaanka, kaas oo loogu talagalay in lagu qeybiyo lana meel mariyo wax ka beddelka Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka.

Kulankaasi ayaa ku soo dhammaaday buuq, sawaxan iyo is-qabqabsi, taasoo keentay in Guddoonka uu si degdeg ah uga baxo xarunta Baarlamaanka, fadhigiina uu xirmo.

Intii uu socday buuqa, xildhibaano ka tirsan labada dhinac ayaa gacmaha isula tageen, halka qaar ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ay jeex-jeexeen warqadihii ajandaha kulanka, iyagoo muujinayay diidmo cad oo ka dhan ah qorshaha Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Aadan Madoobe inuu u janjeero dhanka Madaxtooyada, isla markaana uusan si dhexdhexaad ah u maamulin shaqada Baarlamaanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira Dastuurka iyo muddo-kordhinta.

Tallaabadan ayaa sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, iy


a filayo in mooshinkan uu noqdo mid si weyn u saameeya hannaanka sharci-dejinta iyo xiriirka u dhexeeya Golaha Shacabka, Madaxtooyada, iyo mucaaradka.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip