
Gaari ay saarnaayeen shacab oo lagu qarxiyay Balcad + Khasaaraha
Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga oo ahaa NOA, kana baxay magaalada Muqdisho ayaa miino ay kula kacday koontaroolka koowaad ee degmadaasi, waxaana saarnaa shacab.
Qaraxa oo la dhigay waddada dhinaceeda ayaa si lama filaan ah u haleelay gaariga, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gaariga uu soo gaaray burbur xoogan, sida uu muujinayo muuqaal laga duubay oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.
Goobta uu qaraxu ku haleeyay gaariga ayaa waxaa badanaa adeegsida ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ka agdhowaa koontarool lagu hubiyo gaadiidka isaga kala goosho Muqdisho, Balcad, illaa Jowhar.
Xaaladda goobta ayaa hadda degan, waxaana gurmad deg-deg ah loo fidiyay dadka ay waxyeellada soo gaartay, oo ay u tageen dadka deegaanka iyo ciidanka amniga.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca jidadka muhiimka ah ee isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud oo ay weli ku xoogan yihiin Khawaarijta.
Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku fidineysay Shabeellaha Dhexe, waxaana maalin kahor ay weerar toos ah ku qaadday deegaanka Wargaadhi, inkastoo isla iyagii lagu jabiyay dagaalka.


0 




Gaari ay saarnaayeen shacab oo lagu qarxiyay Balcad + Khasaaraha
.