Jubaland oo sheegtay in xaalad bini'adamnimo oo adag ay ka dhalatay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Kudha

0
Saturday January 24, 2026 - 14:18:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubaland oo sheegtay in xaalad bini'adamnimo oo adag ay ka dhalatay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Kudha

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ay u dirtay hay’adaha samafalka iyo bahda gargaarka caalamiga ah, kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u daran oo ka dhalatay weerarro ay Al-Shabaab ka geysteen tuulada Kudha, oo hoostagta degmada Badhaadhe, una jirta qiyaastii 130km magaalada Kismaayo.

Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarradaasi ay si ba’an u saameeyeen ku dhowaad 5,200 qoys, halka ilaa 3,500 qof ay barakac ku noqdeen, kuwaas oo wajahaya xaalad nololeed oo aad u adag, isla markaana ay ka jirto baahi degdeg ah oo dhinacyada biyo nadiif ah, cunto, daryeel caafimaad iyo hoy ah.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu xusay in xaaladda ay kasii dartay kaddib markii mid ka mid ah ceelasha gacanta ee tuulada la burburiyay, taasoo keentay in bulshada deegaanka ay waayaan ilo biyo oo ammaan ah. Sidoo kale, weerarradu waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay diyaar u tahay isku-duwidda iyo fududeynta howlaha gargaarka ee ay fulinayaan hay’adaha caawinaya dadka ay dhibaatadu saameysay.

Baaqan degdegga ah ayaa diiradda lagu saaray afar arrimood oo mudnaan gaar ah leh, Biyo nadiif ah, Gaadiid biyo dhaamin degdeg ah iyo helidda biyo la cabbi karo, Cunto gargaar Si looga hortago gaajo iyo nafaqo-darro ku dhacda qoysaska nugul, Hoy iyo ilaalin, Taageero dhanka hoyga ah si loo sugo badqabka iyo karaamada barakacayaasha, Caafimaad si Qalab caafimaad iyo sahay joogto ah oo la gaarsiiyo goobta.

Wasaaraddu waxay ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan hay’adaha gargaarka inay si degdeg ah uga jawaabaan baaqan, si loo yareeyo dhibaatada haysata dadka reer Kudha loona soo celiyo rajada iyo nolol ka wanaagsan mustaqbalka.

Jubaland oo sheegtay in xaalad bini'adamnimo oo adag ay ka dhalatay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Kudha




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip