Wasiirka gaashaandhigga XFS oo la kulmay Saraakiisha ciidanka Xoogga ee ka qalin jabiyey kuliyadda Militariga Qatar

0
Friday January 23, 2026 - 04:49:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka gaashaandhigga XFS oo la kulmay Saraakiisha ciidanka Xoogga ee ka qalin jabiyey kuliyadda Militariga Qatar

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ee ka qalin-jabisay Kulliyadda Milateriga ee Axmed bin Maxamed.

Kulanka, Wasiirku wuxuu ugu hambalyeeyay saraakiisha guusha ay kasoo hooyeen waxbarashada, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo heerka xirfadeed ee ay gaareen. Waxa uu ku dhiirrigeliyay in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka soo heleen kulliyadda ay u adeegsadaan difaaca qaranka, horumarinta CXD, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga waxaa kulanka ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip