DENI oo kulan xasaasi ah Nairobi kula qaatay beesha caalamka + Sawirro

0
Friday January 23, 2026 - 17:31:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DENI oo kulan xasaasi ah Nairobi kula qaatay beesha caalamka + Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay wakiillada beesha caalamka.

 
 
 

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah Madaxweynaha Puntland ula qaatay Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France, Netherlands iyo World Bank.

 

 

Kulanka waxaa looga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Madaxtooyada ay sheegtay in Puntland lagu boggaadiyey hawl-galka ay argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta simuqraadiyadda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha bani’aadanimo iyo iskaashiga horumarineed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safiiradda ayaa intii kulanka socday waxay Madaxweynaha Puntland ku booriyeen ka qeyb-galka gogosha wadatashi qaran, kaasi oo casuumaaddiisa ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Waxaa Madaxweyne Deni kulanka kala qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka, Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamka, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka iyo agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada, Jaamac Yuusuf Dabaraani.

Si kastaba, kulankan ayaa qeyb ka ah shirar ay beesha caalamka la yeelanayso hoggaanka Jubaland iyo Madasha Mucaaridka, si uu u qabsoomo shirka wadatashiga qaranka ee dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha Caalamka, gaar ahaan QM, Midowga Yurub iyo UK ayaa si wadajir ah culeys siyaasadeed u saaraya isbahaysiga mucaaradka ah ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si ay u aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee gogosha wadatashiga qaran.

 

 

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa adkeeyay in xilligan xaasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Cadaadiskan caalamiga ah ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aysan weli ka jawaabin casuumadda dowladda ee shirka furmaya 1-da Febraayo.

Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Si kastaba, Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 


XIGASHO:-CAASIMADDA.NET
 
 
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip