DF oo ka hadashay dhismaha maamulka cusub ee Guban State

0
Friday January 23, 2026 - 13:14:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo ka hadashay dhismaha maamulka cusub ee Guban State

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo shalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aysheegeenin laga dhisayo magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay taageerayso dhismaha maamulkan cusub, isagoo sheegay in doonistii Somaliland ee gooni-goosadka ay sii itaal-darreysay.

 

 

"Mashruucii gooni-goosadku wuu sii itaal-darreynayaa, waana laga kala baxay, wuxuuna qarka u saaran yahay burbur aan lagu badbaadin karin dhabarka Netanyahu iyo telefoonkiisa!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas ku sii daray: "Anigoo sidoo kale dhammaan reer Awdal ku bogaadinaya halganka ay uga soo horjeedaan kala-goynta dalka. Guulaysta xildhibaannada sharafta leh.”

Taageeradan ayaa imaneysa saacado kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada Somaliland ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen dhismaha maamulka Guban State of Somalia.

 

 

Xildhibaannada beesha Ciise ayaa sheegay in caasimadda maamulka ay noqon doonto magaalada Saylac, iyagoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay taageerto oo kaalin weyn ka qaadato taaba-gelinta Guban State.

Ku dhawaaqista maamulkan cusub ayaa ku soo aadeysa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hore u shaacisay inay ka shaqeynayso sidii gobolka Awdal looga dhisi lahaa maamulka Awdal State, oo caasimaddiisu tahay magaalada Boorama.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip