Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka

0
Thursday January 22, 2026 - 17:35:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Adam Macallin (Soomaali), oo shirkaa ku matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.

Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan si loo dhiso mustaqbal dijitaal loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya jihada horumarka dijitaalka ee gobolka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan hal-abuur aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip