Maxay yihiin seddaxda qodob uu MW Xasan Sheekh ka dalbaday Guddiga Dastuurka ee BFS?.

0
Thursday January 22, 2026 - 13:07:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihiin seddaxda qodob uu MW Xasan Sheekh ka dalbaday Guddiga Dastuurka ee BFS?.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uuna kulankan uu socday ku dhowaad labo saacadood, isagoo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka, Xildhibaan Xuseen Iidoow, waxaana diiradda lagu saaray dardargelinta wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah ee dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Guddiga ka dalbaday saddex arrimood oo waaweyn:

1-In Guddiga Dastuurka ay ka codsadaan Guddoonka Baarlamaanka in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, lana kordhiyo muddo hal bil ah oo shaqo adag ah si loo dhammeystiro howlaha dastuurka.

2-In la diyaariyo wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo Madaxtooyadu si rasmi ah u soo gudbin doonto qodobada la beddelayo, kuwaas oo la sheegay inay ka kooban yihiin labo cutub oo muhiim ah oo ka mid ah Dastuurka.

3-In muddo kooban gudaheed wax-ka-beddelkaas loo horgeeyo Golaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si dood rasmi ah loogu furo, kadibna cod loogu qaado.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu horey gogol wadatashi siyaasadeed ugu fidiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo si cad u muujiyay shaki iyo walaac la xiriira habka iyo waqtiga wax-ka-beddelka Dastuurka.

Arrintan ayaa abuureysa jahwareer siyaasadeed, maadaama dhinacyadaasi ay dalbanayaan wadatashi ballaaran, heshiis qaran iyo in aan lagu deg-degin go’aamo masiiri ah.

Sidoo kale talaabadan ayaa culeys hor leh ku yeelan karto wada-hadallada mucaaradka, kuwaas oo haatan shir ugu socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, islamarkaana ka arrinsanaya jawaabta ay siinayaan dowladda Soomaaliya ee ku aadan casuumada ay fidisah Xukuumadda.

Mucaaradka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha ayaa laga filan karaa,

Inay qaadacaan ansixinta dastuurka haddii aan wadatashi buuxa la helin, waxaa ayna cadaadis siyaasadeed ay ku kordhin karaan dowladda.

Sidoo kale waxaa qaadi karaan talaabado seddexaad oo ah inay raadiyaan dhex-dhexaadin caalami ah si loo hakiyo geeddi-socodka wax-ka-beddelka Dastuurka.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sii adkeysto dhammeystirka Dastuurka isagoo aan helin is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, waxaana ka dhalan kara qodobadan soo socda:-

1-In dalka uu gali karo jahwareer siyaasadeed oo saameeya xasiloonida guud.

2-Inay hoos u dhaci karto Kalsoonida dowladnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah.

3-Iyo in Doorashooyinka iyo hannaanka dowladnimo ay wajahaan dib u dhac iyo muran sharciyeed.

Kulanka maanta dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka wuxuu caddeyn u yahay in dowladdu ku deg-degeyso dhammeynta dastuurka, sida ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hanaanka uu wax u wado dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

 
XIGASHO:RADIORISAALA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip