
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 22-JAN-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Uganda oo mar kale la doortay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Yugaandha, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Yugaandha dib u doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaasi, isagoo u rajeeyay in muddada xil hayntiisa uu ku hoggaamiyo dalkiisa, nabad, xasillooni iyo horumar waara.
Intii uu socday wada hadalka, labada Madaxweyne waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo iskaashiga danaha guud ee labada shacab, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dalalka gobolka.
Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur goboleedka IGAD
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 30-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ugu horreyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta sedaxaad marsiiyey Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee heshiiskan Golaha la wadaagay Xildhi baan Aweys Xuseen Macallin oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka.
intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod u qaaday heshiiskan, waxaana ogolaatay 141-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena hal Xildhibaan ayaa ka aamusay.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedka weydiiyeen Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh inuu soo diyaariyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, dibna Golaha ugu soo celiyo si akhrinta labaad loo marsiiyo loogana doodo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo wadahadal khadka telefoonka ah kula yeeshay dhiggiisa Koonfur Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wadahadal khadka telefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Siril Ramaphoosa, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo xaaladaha guud ee gobolka.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed, labada madaxweyne ayaa diiradda saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan, gaar ahaan adkeynta amniga iyo xasilloonida, taageeridda dadaallada horumarineed ee gobolka, iyo is-waafajinta mowqifyada la xiriira caqabadaha taagan ee heer gobol.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo fursadaha iskaashi iyo shuraako siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, si loo xaqiijiyo danaha wadaagga ah loogana qeyb qaato nabadda iyo amniga gobolka Afrika, si kooban, wada-shaqayn aan hadal ku ekaan, balse ficil leh.
Dhankiisa, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Siril Ramaphoosa, ayaa mar kale adkeeyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan taageerada buuxda ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay in Koonfur Afrika ay sii wadi doonto garab istaagga Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Wadahadalkan ayaa imanaya xilli ay hoggaanka Soomaaliya dardargelinayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka ay la leeyihiin dalalka Afrika, lana kobcinayo iskaashiga goboleed ee lagula tacaalayo caqabadaha gobolka si wadajir ah.
Halkee ayuu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland?.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay ayaa baahiyay labadan Sawiradan iyo qoraalkan.
"Shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxa aan u soo dirayaa salaan & bogaadin, anniga oo u rejaynaya khayr, nabad, iyo barwaaqo” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Cirro ayaa saaran diyaarad nooceedu yahay Airbus Helicopters H135, taasi oo ku diiwaan gashan HB-ZYI.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay ka safray magaalada Hargeysa, isaga oo qariyay u jeedka socdaalkiisa,balse xilli madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in uu yahay socdaalkaan mid tahriib, shacabkana laga qariyay.
Warar la helay ayaa sheegaya in Cirro uu ka qeyb galayo madasha dhaqaalaha aduunka ee ka dhacaya dalka Switzerland.
Ciidamada Badda Turkiga oo sii Joogaya Gacanka Cadmeed Iyo Xeebaha Soomaaliya
Warbaahinta Daily Sabah ayaa sheegtay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga uu Talaadadii si rasmi ah u ansixiyay qaraar madaxweyne oo lagu kordhinayo muddada hawlgalka ciidamada badda ee Turkiga (TSK) ee ka howlgala Gacanka Cadmeed, biyaha Soomaaliya, Badda Carabta iyo deegaanada ku xeeran, muddo hal sano oo dheeraad ah.
Qaraarkan ayaa muujinaya sida ay Ankara uga go’an tahay ammaanka badda iyo ka qeybqaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo argagixisada badda.
Qoraalka qaraarka ayaa lagu xusay in Turkigu muddo dheer ka mid ahaa waddamada hormuudka ka ah la dagaallanka burcad-badeedda, weerarrada hubeysan ee badda iyo argagixisada badeed, iyadoo hawlgalka lagu sugayo ammaanka maraakiibta ganacsiga ee sita calanka Turkiga ama xiriirka la leh Türkiye, sidoo kalena lagu taageerayo hawlaha bani’aadannimo iyo iskaashiga dalalka saaxiibka ah ee gobolka.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada badda ee TSK ay si firfircoon uga qeyb qaateen hawlgallada caalamiga ah tan iyo 2009, oo ay ku jiraan hawlgalkii NATO ee Ocean Shield iyo Ciidanka Isbahaysiga Caalamiga ah ee CTF-151, oo hoos yimaada Combined Maritime Forces ee Mareykanku hoggaamiyo.
Turkiga ayaa hoggaamiyay CTF-151 7 jeer intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2025, waxaana markii ugu dambeysay uu hoggaanka la wareegay 24-kii July 2024, ka hor inta uusan xilka wareejin Janaayo 2025.
Qaraarka ayaa sidoo kale xusuusiyay in Turkigu yahay xubin aasaasi ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka La-Dagaallanka Burcad-Badeedda ee Xeebaha Soomaaliya, taas oo lagu dhisay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1851, isla markaana uu weli ka qeyb qaato barnaamijyada Midowga Yurub, NATO iyo Hay’adda Badaha Adduunka (IMO).
Inkasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uusan soo saarin go’aamo cusub oo ku saabsan biyaha Soomaaliya tan iyo 2022, haddana hawlgallada caalamiga ah ee ka dhanka ah burcad-badeedda ee ka baxsan biyaha Soomaaliya ayaa weli socda, sida Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta, oo la kordhiyay ilaa 28-ka Febraayo 2027. Ciidamada badda Turkiga ayaa weli si buuxda uga qeyb qaadanaya hawlgallada CTF-151.
Qaraarka ayaa carrabka ku adkeeyay in burcad-badeedda iyo argagixisada badda ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ay si toos ah u saameeyaan danaha qaranka Turkiga, maadaama marin-biyoodkaasi yahay mid aad u istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
Sida uu dhigayo qaraarka, ciidamada badda Turkiga ayaa sii wadi doona hawlgallada ka baxsan biyaha dalalka gobolka, iyadoo waqtiga iyo baaxadda hawlgallada uu madaxweynuhu go’aamin doono, sida ku xusan Qodobka 92-aad ee Dastuurka Turkiga. Muddadii hore oo ku ekaan lahayd 10-ka Febraayo 2026, ayaa hadda la kordhiyay ilaa Febraayo 2027.
Qaraarkan ku saabsan Gacanka Cadmeed, Soomaaliya iyo Badda Carabta ayaa markii ugu horreysay la ansixiyay 2008, waxaana si joogto ah sanad walba loo kordhinayay. Gacanka Cadmeed, oo u dhow Yemen isla markaana ku dhaw marin-biyoodka Bab al-Mandab, ayaa ah marinka afraad ee ugu weyn dunida ee shidaalka laga gudbiyo, taasoo ka dhigaysa goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah tamarta caalamka.
Ugu dambeyn, Turkiga ayaa sheegay in hawlgalkan uu sidoo kale gacan ka geysanayo kobcinta khibradda ciidamada badda, taageeridda siyaasadaha qaran ee Turkiga, xoojinta doorka dalka ee Qaramada Midoobay, iyo kor u qaadista muuqaalka iyo saameynta Turkiga ee caalamka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada shalay ah waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo isku xirka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga.
Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay kaalinta ay Dowladda Turkigu ka qaadan karto dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo mudnaanta la siiyay dhammeystirka waddooyinka halbowlaha ah ee dhiman, hirgelinta nidaamka bullaacadaha, horumarinta bilicda magaalada, tababaridda shaqaalaha maamulka, iyo kor-u-qaadista adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Safiirka Dowladda Turkiga, Mudane Alper Aktaş, ayaa ballanqaaday in Turkigu door muuqda ka qaadan doono garab istaagga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxa uu xusay in Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow Soomaaliya, mar walbana garab taagan yahay dadaallada lagu xallinayo caqabadaha jira, xilli uu dalka ku jiro marxalad soo kabasho iyo dib-u-dhis.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu fure u yahay horumar waara oo laga hirgeliyo Caasimadda, kaasi oo horseeda in la sii tayeeyo adeegyada ay horraanba helayeen shacabka ku nool Muqdisho.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan iyo agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, XFS iyo Wafdi sare oo uu hoggaaminaayo ayaa socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali – Xoosh iyo Wafdi sare oo uu hoggaaminaayo ayaa socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.
Wafdigan ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxay la kulmi doonaan madaxda kala duwan ee dalka Pakistan, iyagoo kala hadli doona dhinacyada kala ah iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee ku aaddan Dhinacyada Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangalinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka,Dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka.
Wafdiga Wasiirka Arrimah Gudaha XFS waxaa caasimadda Islamabad ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socda Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Pakistan Danjire Sheekh nuur Maxamed Xasan.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxa qayb ka ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Md Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md Maxamuud Macallin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan C/laahi Kaniif.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Gadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxda Shirkadda Horumarinta Cusub ee Muqdisho
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadii -dka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasima yaal, khubaro iyo masuuliyiin ka socday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, ayaa booqasho iyo kulan shaqo la yeeshay Shirkadda Horumarinta Cusub ee Muqdisho (New Mogadishu Development Company – NMDC).
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa waxa ay dhageysteen warbixin dhammaystiran oo faahfaahsan oo ku saabsan qaab-dhismeedka hawlgalka NMDC, nidaamka fulinta mashaariicda kaabayaasha horumarinta, gaar ahaan kaabayaasha korontada ee New Mogadishu, iyo doorka istaraatiijiyadeed ee Shirkaddu ku leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray qaybaha istaraatiijiyadeed ee Garoonka Caalamiga ah ee New Mogadishu (New Mogadishu International Airport – NMIA), iyadoo la falanqeeyey hindisayaasha horumarineed ee la xiriira kaabayaasha duulista hawada iyo gaadiidka qaranka.
Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu lafa-guray fursadaha iskaashi iyo wadashaqeyn ee u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Shirkadda NMDC, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lagu xaqiijinayo horumar waara, kobaca kaabayaasha istaraatiijiga ah, iyo taageeridda himilooyinka horumarineed ee qaranka.
21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.
Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas lehi ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.
Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo.
Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.
Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.
Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay.
Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.
Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo shalay waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.
Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga.
Arintani waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.
Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.
Ugu dambeyntii anigoo ka faaiideysanaya munaasabaddan waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan warfaafinta Soomaaliya meel kasta oo ay dunida ka joogaan waayeelkooda iyo dhallinyaradooda, Waxaan u rajaynayaa dhamaantood xirfadleyda warbaahinta Soomaaliyeed bad qab iyo caafimaaf. Waxaan ogahay in kuwooda xirfad-yaqaanka ah, daacadda ah ee uusan saameyn eex, qabiil iyo hunguri iney ugu shaqeyn doonaan dadkooda iyo dalkooda si hufan oo waxtar u ah bulshada iyo dalka.
WQ Abuukar Xaaji Goobdoon.
Dagaal ka dhacay Saylac oo u dhaxeeyay Jabhadda Ciise iyo Ciidamada Somaliland
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal culus oo ka dhacay degmada Saylac ee Gobolka Awdal, kaasoo u dhaxeeyay Jabhadda beesha Ciise iyo ciidamada maamulka Somaliland.
Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanka Riiga Indho Biraale, halkaasoo ay isku adeegsanayeen hub culus labada dhinac.
War kasoo baxay ciidamada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaare, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 2 ruux ay ku dhinteen dagaalka, halka 4 kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada ayaa tilmaamay in dagaalka uu ka dhacay koox burcad hubeysan oo ku sugan deegaanka.
Ciidamada Somaliland ayaa weli ka hawlgalaya degaanka si ay u sugaan nabadgelyada, isla markaana looga hortago falalka burcadnimada ah ee deegaanka ka dhaca.
Waxaa la sheegay in xaaladda Saylac ay xilligan tahay mid kacsan, ayna socdaan dadaallo lagu xakameynayo dagaalka iyo hubka ku soo rogmanaya.
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka iyo warbaahinta u diray hambalyo ku aaddan xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda warbaahinta, munaasabad da Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku asteysan xuska taariikhiga ah ee bilowga saxaafadda iyo qoraalka Af-Soomaaliga.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in maalintan ay tahay mid xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay soo bixitaankii wargeyskii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, kaas oo door weyn ka qaatay faafinta aqoonta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta fikirka guud ee shacabka. Sidoo kale, maalintan ayaa lagu xusaa bilowgii qorista Af-Soomaaliga, taas oo saldhig u noqotay kobaca warbaahinta, waxbarashada iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in warbaahinta Soomaaliyeed ay door lama huraan ah ka qaadatay difaaca qaranimada, mideynta shacabka, faafinta runta iyo la dagaallanka wararka marin-habaabinta ah.
Waxa uu xusay wasiirku in saxaafad masuul ah ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda, isla-xisaabtanka iyo horumarka dowladnimo.
Wasiirka ayaa ugu baaqay bahda warfaafinta in ay sii xoojiyaan anshaxa suxufinimo, xaqiijinta xogta, iyo u adeegidda danaha guud ee ummadda, isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay taageeridda xorriyadda hadalka, horumarinta xirfadaha saxaafadda iyo ilaalinta badbaadada wariyeyaasha.
Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa dhammaan wariyeyaasha, qorayaasha, tifaftirayaasha iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed u rajeeyay guul, horumar iyo midnimo, isaga oo xusay in Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ay tahay fursad dib loogu milicsado taariikhda, loogana shaqeeyo mustaqbal warbaahineed oo hufan, wacyigelin leh, kana tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.
Al-shabaab oo saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Jaziirada Kudhaa
Warar dheeraad ah iyo faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar culus oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday Jasiiradda Kudhaa, oo qiyaastii 100KM dhanka koonfur kaga beegan magaalada Kismaayo.
Weerarka oo la soo warinayo inuu ku billowday qaraxyo ayaa gaystay khasaare kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn karin baaxadda khasaaraha ka dhashay. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada Jubbaland ay xilligan ka durkeen deegaankaasi, kaddib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.
Jasiiradda Kudhaa ayaa ka mid ah jasiiradaha iyo deegaanada hoos yimaada degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ku hareeraysan xeebaha dhaadheer iyo dhul dabiici ah oo caan ku ah bilicda iyo khayraadka badda.
Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah oo ka socda ciidamada Jubbaland ay ku sii qulqulayaan deegaanka Kudhaa, si ay dib ula wareegaan gacan ku haynta aaggaas una xaqiijiyaan ammaanka.
Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay la wareegeen deegaanka, hase yeeshee sheegashadaas wali si madax-bannaan looma xaqiijin karo, maadaama ay socoto hubinta xogta iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Jasiiradda Kudhaa.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo cida sida rasmiga ah u maamuleysa deegaanka.
Booliska Kenya oo xiray dhalinyaro Soomaali ah
Ciidamada Booliiska ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 23 ruux oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay kula kaceen falal anshax-xumo ah, kadib markii ay soo gudbiyeen muuqaalo jirdil iyo xadgudubyo ka dhan ah gabdhaha Kenyan-ka.
Dhalinyaradan ayaa ka muuqday muuqaalo lagu baahiyay barta TikTok, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah gabdhaha ay si anshax-daro ah u taabtaan iyo in kale ay ku jirdilaan, sida ay Doreen warbaahinta Kenya.
Ciidamada booliiska ayaa si gaar ah ugu raad joognayay kooxdan dhalinyarada ah, kuwaasoo dhowr toddobaad loo haystay.
Dhalinyaradaasi ayaa ugu dambeyn lagu soo qabtay saldhiga booliiska ee magaalada Pangani, halkaas oo haatan lagu hayo.
Wararka ayaa sheegaya in dhammaan dhalinyaradan laga soo masaafurin doono dalka Kenya kadib markii kiiskooda la dhageysto, sidoo kalena waxaa loo sheegi doona in loo soo celiyo Soomaaliya.
Inta badan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka xabsiga lagu xiray dhalinyaradan, iyagoo u arka tallaabo muhiim ah oo lagu xakameynayo falalka noocan ah.
Waxaa la filayaa in dhalinyaradan la horgeeyo maxkamad, si loo qaado tallaabooyin sharciga ah oo ku aaddan falalka ay ku kaceen.
Trump oo weerar ku qaaday Soomaalida iyo Ilhaan Cumar
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo Soomaaliyaba.
Trump oo shir jaraa’d oo aqalka cad ka hadlayay ayaa dhaleeceeyay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay "meel aad u xun” isla markaana si xun uga hadlay Soomaalida.
Trump waxaa ii yiri:
"Ma jirto cid ka hadlaysa in ugu yaraan 19 bilyan oo dollar ay ku maqan tahay Minnesota, inteeda bandanna ay ku maqan tahay soomaalida. Way qaateen, bal qiyaas? Waa dad ay garashsadoodu yar tahay. Dadka kale way shaqaystaan lacag ayeyna helaan, ka dibna Mercedes benz ayey gataan haalkan ayeyna ka yimaadeen. Iyagu lacagna ma haystaan, marnaba lacag ma aysan yeelan, nolol ma yeelan, marnaba xukuumad ma yeelan, dal ma aysan yeelan, waayo dalba ma jiro”.
Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Soomaaliya xataa dal ma aha, soomaaliya ma laha wax xataa astaamihii dal lagu yaqanay u eg, waxaa loo arkaa halka ugu liidata dundia. Halkan ayey imaanayaan wayna taajirayaan, wax shaqo ahna ma hayaan.
Dhanka kale waxaa uu aflagaadeeyay xildhibanad Ilhaan Cumar isagoo yiri:
"Waxaa la ii sheegay in Ilhaan Cumar hantideedu gaarayso 30 milyan oo dollar. Marnaba ma aysan shaqayn. Waa xubin congress oo turufatoore ah”.
Trump ayaa marar badan hore u weeraray Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.
Hay’adda (MSF) oo ka digtay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad deg-deg ah oo caafimaad
Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad deg-deg ah oo dhinaca caafimaadka iyo nafaqada ah, taas oo ka dhalatay roobab la’aan soo noqnoqotay, sicir-barar ba’an oo ku yimid biyaha, iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid gargaarka bani’aadannimo.
MSF ayaa sheegtay in saameynta abaarta iyo gaabiska deeq-bixiyeyaashu ay si gaar ah u saameeyeen barakacayaasha iyo bulshooyinka nugul ee ku nool gobollada Bay, Bakool iyo Mudug, halkaas oo ay ka shaqeyso hay’addu. Kooxaha MSF ayaa arkaya koror aad u sarreeya oo nafaqo-darro ah iyo faafidda cudurro laga hortagi karo sida jadeecada, gawracatada iyo shuban-biyoodka daran.
Bishii Nofeembar 2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo abaar ah, kaddib markii dalka uu waayay afar xilli-roobaad oo xiriir ah. Warbixinnada Qaramada Midoobey ayaa muujinaya in 4.4 milyan oo qof ay wajihi karaan cunto-yari ba’an dhammaadka 2025, oo ay ku jiraan 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano kuwaas oo khatar ugu jira nafaqo-darro daran.
MSF ayaa sidoo kale tilshalayy in in ka badan 3.3 milyan oo qof ay horey uga barakaceen guryahooda, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo ciriiri ah oo ku yaalla Baydhabo iyo Mudug. Hoos u dhaca maalgelinta bani’aadannimo – oo ah midkii ugu hooseeyay tobankii sano ee la soo dhaafay – ayaa sababay in in ka badan 200 xarumo caafimaad iyo nafaqo ah la xiro tan iyo bilowgii 2025.
Magaalada Baydhabo, MSF waxay sheegtay in bishii Oktoobar 2025 tirada carruurta qaba nafaqo-darrada daran ay korortay 48 boqolkiiba, marka loo eego bishii ka horreysay. Isla bishaas, 189 carruur ah ayaa laga daweeyay jadeeco la tuhunsan yahay, iyadoo 95 boqolkiiba aan waligood la tallaalin. Gobolka Mudug, xarumaha quudinta carruurta nafaqo-darrada daran ayaa diiwaangeliyay koror gaaraya 35 boqolkiiba.
"Waxaan aragnaa carruur isbitaalladeenna imaanaya iyagoo xaalad aad u daran ku jira, safarro maalmo qaata ka dib, iyagoo aan helin cunto iyo biyo,” ayay tiri Allara Ali, Xiriiriyaha Mashruuca MSF ee Soomaaliya. "Abaartu kaliya ma engegin ceelasha, balse waxay burburisay nidaamyadii nololeed ee qoysasku ku tiirsanaayeen.”
Abaarta ayaa sidoo kale si weyn u saameysay helitaanka biyaha nadiifka ah. MSF waxay sheegtay in qiimaha fuusto 200-litir ah uu gaaray $2.50 ilaa $4.00 doollar magaalooyinka Baydhabo iyo Mudug, taas oo ka baxsan awoodda qoysas badan oo barakacayaal ah.
"Ma awoodno inaan biyo iibsanno, cuntada iyo biyuhuba way nagu yaryihiin,” ayay tiri Kaltuma Kerow, hooyo 35 jir ah oo ku nool xero barakacayaal oo Baydhabo ku taalla. "Waxaan ka baqeynaa cudurro sida daacuunka.”
Iyadoo laga jawaabayo xaaladda, MSF ayaa bishii Diseembar 2025 ka bilowday hawlgal biya-dhaamis deg-deg ah magaalada Baydhabo, waxayna ilaa bartamaha Janaayo gaarsiisay in ka badan 6 milyan oo litir oo biyo nadiif ah 17 goobood oo xeryo barakacayaal ah. Si kastaba ha ahaatee, MSF waxay sheegtay in baahida jirta ay weli aad uga ballaaran tahay awoodda hadda jirta.
"Xaaladdani waa mid la sii saadaalin karay isla markaana inta badan laga hortagi kari lahaa,” ayuu yiri Elshafie Mohamed, Wakiilka MSF ee Soomaaliya. "Jawaabta bani’aadannimo ee hadda jirta waxay gaartay heerkii ugu hooseeyay toban sano gudahood.”
MSF ayaa ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha caalamka iyo maamullada Soomaaliyeed inay si deg-deg ah u sii daayaan maalgelin lagu ballaarinayo barnaamijyada nafaqada, tallaalka iyo biyaha, isla markaana la maalgeliyo xalal waqti-dheer ah oo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, si looga hortago khasaaro nafeed oo ballaaran bilaha soo socda.
Iska hor imaad dhexmaray Militariga Somaliland iyo kooxo dablay ah
Iska hor imaad dhexmaray Militariga Somaliland iyo kooxo dablay ah
Ciidanka Militariga Somaliland ayaa shalay hawlgal amni ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Salal, kaas oo ay ku dileen qaar ka mid ah koox dablay ah oo dhawaan laba qof oo shacab ah dil u geystay.
War-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu qabtay hub sharci-darro ah oo isugu jira qoryo nooca AK-47 ah, kuwaas oo lagu qabtay deegaan lagu magacaabo Indho-Biraale. Ciidanku waxay sheegeen in hawlgalku ahaa mid qorshaysan oo lagu xaqiijinayay sugidda amniga iyo xasiloonida shacabka.
Sida lagu sheegay warka, hawlgalka ayaa sababay in laba kamid ah kooxda dablayda ah ay dhintaan, kadib markii ay dagaal la galeen ciidanka, "Hawlgalkaasi wuxu sababay in laba kamid ah budhacdu ay dhintaan halka afar kalena ay dhaawacmeen."
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta kusoo shigay qaar kamid ah kooxdan, oo ku eedaysan inay ku lug lahaayeen dilka laba qof oo dhawaan lagu dilay deegaanka, wuxuuna sheegay in qofkii lagu qabto falal noocan ah la horgeyn doono hay’adaha sharciga si baadhitaan loogu sameeyo, isla markaana tallaabooyin waafaqsan sharciga looga qaado.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidanku ay sii wadi doonaan hawlgalladan oo ay sheegeen in lagu sugayo nabadda, laguna ilaalinayo nafta iyo hantida shacabka, iyagoo mar kale digniin u diray cid kasta oo ku lug leh hub sharci-darro ah ama falal amniga wax u dhimaya.
Ciidanka Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah amniga guud.
Ilyaas Lugatoor: Puntland ma aqbalayso in Soomaaliya lagu koobo hal magaalo
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay inay noqoto maamul isku tashada, hodan ah, isla markaana door muuqda ka qaata badbaadinta iyo horumarinta Soomaaliya.
Ilyaas Lugatoor waxa uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay ku fashilantay waajibaadkeedii dastuuriga ahaa, isagoo sheegay in muddadeedii afar sano ay ka sii dhammaanayso, isla markaasna aysan jirin doorashooyin heshiis lagu yahay, halka uu sheegay in Dastuurkii 2012 meesha laga saaray.
"shalay dalka waxaa ka taagan laba dhibaato oo waaweyn; af-gambi siyaasadeed iyo khatar amni oo ay Al-Shabaab ku hayso meelo badan. Haddaba su’aashu waxay tahay: xaggee buu yaallaa furaha xalka Soomaaliya?” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku.
Wuxuu sheegay in Puntland, inkastoo ay ku jirto dagaal iyo duruufo adag, haddana ay qaadday tallaabooyin ay isugu tashanayso, isla markaana ay gacan ka geysatay hoggaaminta iyo abaabulka dadaallada siyaasadeed ee lagu doonayo in xal loogu helo mustaqbalka Soomaaliya, si la mid ah Jubbaland iyo hoggaamiyeyaasha kale ee dalka.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in ujeeddada Puntland ay tahay in Soomaaliya loo horseedo dowladnimo ku dhisan wadahadal, isla markaana la isugu yimaado miis looga heshiiyo doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka, si uu dalka horey ugu socdo.
Wuxuu ka digay in Soomaaliya lagu koobo hal magaalo, isagoo xusay in inkastoo Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, haddana aysan matalin dhammaan juqraafi ahaan iyo mas’uuliyad ahaan dalka oo dhan.


0 


HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 22-JAN-2026
.