HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 20-JAN-2026

0
Tuesday January 20, 2026 - 08:14:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 20-JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xasan oo gogol wadatashi ugu yeeray axmed madoobe, deni iyo mucaaradka

Madaxweynaha jfs, mxasan sheekh maxamuud ayaa ku dhawaa qay gogol wad atashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay golaha musta qba lka soo maa liyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’ii sul wasa araha soomaaliya ayaa cas uumd rasmi ah u fidisay madaxwe ynayaasha jubaland iyo puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay golaha mustaqbalka soo maaliyeed.

Bayaan kasoo baxay xafiiska ra’ii sul wasaaraha soomaaliya, xamza cabdi bar re ayaa lagu shaaciyay in shirweynahan uu magaalada muqd isho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee febraayo 2026.

"xukuumadda jfs, iyadoo ka du uleysa talo soo-jeedinta madaxwey naha jamhuuri yadda mudane xasan sheekh maxamuud, waxay casuum aad rasmi ah u fidinaysaa golaha mu staqbalka soomaaliyeed,” Ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska ra’iisul wasa araha soomaaliya.

Qaban-qaabada shirkan waxa ay xukuu maddu u xil saartay guddi was iiro oo uu hormuud u yahay wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, xasan macallin max amuud sheekh cali.

"xukuumaddu iyadoo tixgelina ysa dada allada lagu xoojinayo midn imada ummadda iyo wadajirka dalka, taabba-gelinta dimuq raa diyad ku dhi san wadatashi iyo isu-tanaa sul, isla markaana tixraaceysa qodobka 6-aad ee baaqii golaha mustaqbalka so omaa liyeed, waxay ku dhawaaqa ysaa gogol wad atashi qaran oo furmi doona 1-da febraayo 2026, taas oo ka dhici doonta magaalada muqd isho.”

Sidoo kale waxay ugu baaqday golaha mustaqbalka soomaaliyeed in ay soo maga caabaan cidda dhinac ooda ugu xil saaran qaban-qaabada shirka si la isula sii lafa guro ajand ayaasha, shirkuna u noqdo mid mira dhal ah.

Madaxweyne xasan sheekh ayaa dhawa an soo dhaweeyay wada-hadal uu la galo mucaaradka, isagoo kulan gaara la yeeshay madaxweyn ihii hore shariif sheekh axmed, oo uu ka codsaday inuu kala shaqeeyo qaban-qaabada shirka haatan la iclaamiyay.

Golaha mustaqbalka oo hore shirwe yne ugu qabsaday kismaayo ayaa caddeeyay inay dhankooda diyaar u yihiin in madaxweyne xasan sheekh kala xaajoodaan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda, oo ah dhammaadka muddada xil-hayntiisa.

Sidoo kale, golaha ayaa waxba kama jira an ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee dowladda federaalka sameyay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marn aba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillo oni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni. Golaha mustaqbalka ayaa sidoo kale markaas ku goodiyay in haddii madaxweynaha uu iska dhago tiro baaq yada wada-hadallada in ay guda geli doon aan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Maxkamada racfaanka eac oo go’aan ka gaartay murankii xil dhibaannada soomaaliya

Maxkamadda racfaanka ee bulshada bariga afrika ayaa shalaygo’aan kama dam beys ah ka gaartay kiiska xildhibaanadii ay dirsatay , kadib markiikoox xildhibaano so omaali ah ay horay dacwad ka dhan ah doorashadooda u gudbiyeen maxka madda cadaaladda eac ee fadhig eedu yahay gu daha magaalada aru sha ee dalka tanzania.

Maxkamadda racfaanka oo kiis ka la wareegtay ayaa shaaicsay inay laashay dac waddii laga gudbiyay xil dhibaanada soomaaliya ku matalaya baarlamaanka bulshada bariga afir ka, iyada oo ku dhawaaqday in ay yihiin kuwa sharci ah.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa amar tay in la dhaariyo xubnaha sooma aliya oo ay horay u doorteen labada gole ee baarlama anka soomaaliya, si ay u gataan waajiba adkooda, uguna biiraan golaha.

Dhanka kale danjiraha soomaaliya ee tanzania iyo dalladda bulshada bariga afrika, ilyaas cali xasan oo qoraal soo saa ray ayaa soo dhawee yay go’aanka maxka madda, wuxuu na sheegay in tallaabo togan oo sharci ah loo maray ansixinta xildhi baa nadan.

"waxaan marlabaad hambalyo u dirayaa saaxiibadeey xildhibaanada soomaaliya kumatali doono eala, kadib go’aankii max kamadda racfa anka eac ay kulaashay go’aamadii hore”. Ayuu yiri danjire ilyaas cali xasan.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay "waa talla abo lagu xoojinayo ku dhaqanka iyo sare yn ta sharciga isla markaana xoojineysa kalso onida iyo dhexgalka soomaaliya ee eac. Waa talaabo guul ah, waa talaabo taar iikhi ah”.

Soomaaliya ayaa noqotay xubinta sidd eedaad ee ururka iskaashiga geeska afrika (eac) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horr aantii sannadkan. Bishii oktoobar, baar lamaanka federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u matali lahaa eala, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihii rag, halka 4 kalena ay yihiin dumar, waxayna ka yihiin;-

1. Xuseen xasan maxamed 2. Fadumo cabdullaahi 3. Sahra cali xasan 4. Cabdisa laam hadliye 5. Fahma axmed nuur 6. Abuu kar mardaadi 7. Feysal cabdi roob le 8. Ilhaan cali garas 9. Cabdiraxmaan bashiir shariif.

Si kastaba, go’aanka kama dambeysta ah ee ay shalayku dhawaaqday maxkamadda racfaanka eac ayaa noq dayimtixaan culus oo ay ka gudubtay soomaaliya, sidoo kalena lagu eegay sida ururka iyo xubintiisa cusub ay ugu tixgeliyeen mab aadi’da dimo qraadiyadda gobolka iyo hufna anta meta laadda.

Ra’iisul wasaare xamse oo qaabilay agaasimaha hay’ad damaliya dda caal amiga ah (ifc) ee bariga afrika

Ra’iisul wasaaraha xukuuma dda jfs md. Xamsa cabdi bar re ayaa shalayxafiis kiisa ku qaab ilay agaasimaha hay’adda maaliyad da caalamiga ah (ifc) ee bariga afrika, oo qeyb ka ah bangiga adduunka ma rwo mary porter peschka, oo booqasho ku timid magaalada muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowladda fede raalka soomaa liya iyo hay’adda, gaar ahaan hirgalinta qors haha isbe ddelka qaranka, (ntp 20025-2029), kaasi oo ah hiigsi weyn oo lagu horu marinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobci nta shirkadaha gaarka loo leey ahay, xoojin ta ka-qaybgalka mashaa ariicda dheef wada agga ah iyo dhiirri gelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.

Ra’iisul wasaaraha xamsa, ayaa u ga mahadceliyey hay’adda maaliy adda caal amiga ah ee bariga afrika, doorka ay ka qaa danayso taage era da maaliyadeed iyo hor um arinta dha qaalaha dalka, isaga oo xusay in soo maaliya ay ku tal

Laabsatay kobac dhan ka dakhliga ah.

Dhankeeda marwo mary porter pes chka, ayaa ra’iisul wasaaraha u ga mahad celisay qaabilaaddiisa, iya da oo xustay in ay xoojinayaan wa da-shaqaynta kala dhexa ysa dfs

 

Soomaaliya iyo qatar oo kala saxiixday heshiis difaac oo xasaasi ah

Dowladda federaalka soomaaliya iyo dowladda qatar ayaa shalaykala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojin ayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda fed eraalka soomaaliya, mudane axmed macallin fiqi, iyo ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha difaaca dowladda qatar, sheekh sacuud bin cabdiraxmaan bin xasan al thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee soomaaliya iyo qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga soom aaliya ayaa shalayka qayb-galay furitaa nka bandhigga iyo shirweynaha caala miga ah ee difaaca badda ee dooxa 2026, kaas oo si rasmi ah u daah-furay amiirka dowladda qatar, sheekh tamiim bin xamad aal thaani.

Bandhigga dooxa 2026, oo ka mid ah munaasabadaha caalamiga ah ee ugu waaweyn ee difaaca badda, ayaa lagu soo bandhigayaa teknoolojiyado casri ah iyo qalab milatari.ka qayb-galka wasiirka difaaca ee bandhigan ayaa muujinayaa dadaallada dowladda federaalka soomaaliya ay ku xooji nayso awoodda ciidamada iyo ballaar inta iskaashiga difaac iyo amni ee caalamka.

Socdaalka wasiirka waxaa ku wehliya taliyaha ciidanka xoogga dalka, s/gaas odo waa yuusuf raage, taliyaha ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha, s/guuto cabdiwahaab cabdullaahi cumar, saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, taliska ciida nka xoogga dalka iyo safaaradda soomaaliya ee dalka qatar.

Booliiska gobolka banaadir oo mamnuucay askarta hub eysan ee isticmaasha moot ooyinka fekonta, askari dhac geystayna la qabtay

Taliska ciidanka booliiska gobolka banaadir ayaa soo saaray amar cusub

Taliska ciidanka booliiska gobolka bana adir ayaa soo saaray ammar cusub oo ma mnuucaya in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka fekonta, sidoo kalena reebaya in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha caasimadda muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya falal dhac ah oo ay geysanayeen rag hubeysan, taas oo keentay in booliisku adkeeyo qorshayaasha sugidda amniga.

Qoraal ka soo baxay taliska booliiska ayaa lagu xaqiijiyay in la qabtay eedaysane d/le liiban mustaf aadan, oo ku eedeysan falal dhac isdaba joog ah oo ka dhacay dhowr degmo oo muqdisho ah. Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta booliiska, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Taliska booliiska gobolka banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in askari kasta oo ku xadgudba awaamiirta amniga laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Booliiska caasimadda ayaa sidoo kale bulshada ku wargeliyay in cid kasta oo la kulanta fal amni-darro ay si degdeg ah ula xiriirto saldhigga booliiska ee ugu dhow ama ay wacdo lambarka gaaban ee 991, si tallaabo degdeg ah looga qaado dembiilayaasha.

Amniga magaalada muqdisho ayaa lagu sheegay mid si tartiib tartiib ah u soo hagaa gaya, iyadoo ciidamada amniga ay kordhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo badqabka shacabka.

Xiisadda jabuuti iyo somaliland oo kasii dartay iyo jabuuti oo shalayjoojisay..

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa jabuuti iyo somaliland ayaa gaartay meel sare, kadib markii dowladda jabuuti ay si adag uga hortimid aqoonsiga israa’iil ay sheegt ay inay siisay maamulka somaliland.

Tan iyo markaas, jabuuti iyo somal iland ayaa qaaday tallaabooyin muujinaya sida uu u xumaaday xiriirkii labada dhinac, iyadoo shalayhay’adda socdaalka iyo jinsiyadda jabuuti ay gebi ahaanba joojisay daabicista baasabooradii u badnaa ee ay lahaayeen mas’uuliyiinta somaliland

.In ka badan 1,400 oo baasaboor oo jabuuti ah, kuwaas oo ay soo codsadeen dad isugu jira xildhibaanno, odayaal dhaqan iyo suxu fiyiin caan ah oo ka soo jeeda somaliland, ayaa gebi ahaanba la kansalay.

Baasaboorka jabuuti ayaa muddo dheer ahaa mid ay adeegsadaan madaxda iyo siy aasiyiinta somalila nd, si uu ugu fududeeyo isku-socodk ooda caalamiga ah, maadaama kan maamulka somaliland aan laga aqo onsan waddamada caalamka.

Arrintan ayaa muujinaysa heerka khilaa fka labada dhinac, iyadoo jabuuti ay sii kord hisay cadaadiska ay saarayso hargeysa, si ay u muujiso taageeradeeda ku aaddan mid nimada soomaaliya, xilli ay meel adag iska taagtay aqoonsi ku sheegga israa’iil.

Xukuumadda somaliland ayaa dhaw aan dhank eeda joojisay duulimaady adii diy aaradda dalka jabuuti ee air djibouti. Diyaa raddan ayaa afar maalmood isbuuc kasta duulimaad ka samayn jirtay garoomada diya aradaha ee somaliland, gaar ahaan magaal ada hargeysa.

Somaliland ayaa tallaabadaas qaaday iyadoo ka jawaabaysa go’aan kasoo baxay dowladda jabuuti, kaasi oo lagu xiray xafiis kii somaliland uga furnaa dalkeeda.

Xafiiskaas oo furnaa tan iyo sannadkii 2012-kii ayey dhawaan dowladda jabuuti shee gtay in albaabbada la isugu laabay sababo la xiriira aqoonsiga ay israa’iil siisay soma liland, kaas oo ay si adag u diiday.

Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsi gaas uu ka hor imaanayo xeerarka iyo shuru ucda caalamiga ah, isla markaana ay si cad uga soo horjeeddo.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dari ska ah ee sida adag uga horyimid go’aanka ay israa’iil ku aqoonsatay somaliland, wax ayna garab istaag tay soomaaliya, iyadoo dhex-joogta golaha ammaanka ayey si adag u difaacday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee jamhuuriy adda federaalka soom aaliya

Rump oo warqad caalamka ka yaabisay u diray ra’iisul wasa araha…

Madaxweynaha mareykanka don ald trump ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray ra’iisul wasaaraha norw ay ku sheegay in aanu mar dambe dareemayn waajibka ah in uu "ka fekero nabadda oo qura,” Maada ama aan la gudoonsiinin ab aalmar inta nabadda ee nobel-ka, isaga oo mar kale ku celiyay dalab kiisii ahaa in uu la wareego maam ulka jasii radda greenland.

Qoraalkan, oo maamulka marey ka nku uu si ballaaran ula wadaagay dal al kale, ayaa jawaab u ahaa farr iin kooban oo uga timid ra’iisul wasa araha norway, jonas gahrstøre, iyo madaxweynaha finland, alexander stubb.

Labadan mas’uul ayaa ka soo horje estay go’aanka trump uu cansh uur aha ku soo rogay xulafada yurub, ka dib mar kii ay diideen in mareykan ku la ware ego gacan ku haynta greenland, sida uu sheegay ra’iisul wasaa restøre.

Farriintooda ayeystøreiyo stubb ku tilmaameen baahida loo qabo in la dajiyo xiisadda hadallada kulul, iyag oo codsa day in ay qadka taleefo nka ku wada had laan trump. Hase yee shee, jawaabta trump ayaa timid wa qti yar uun kadib markii ay farriint ooda direen.

"gacaliye jonas: Maadaama dalk iinu go’aansaday in aanu isiinin aba alma rinta nabadda ee nobel-ka, ani goo joojiyay 8 dagaal iyo wax ka bad an, ma dareemayo waajib ah in aan si gaar ah uga fekero nabadda, in kasta oo ay mar walba muhiimad yee lan doonto. Balse hadda waxaan ka fekerayaa waxa wanaagsan ee danta u ah mareykanka,” Ayuu tru mp ku yiri jawaabtiisa.

Trump ayaa si furan ugu olole ynayay in la siiyo abaalmarinta naba dda ee nobel-ka, taas oo sannadkii hore la gudoonsiiyay hoggaamiyaha mucaar adka venezuela, maria co rina machado.

"dhowr jeer ayaan trump si cad ugu sharxay xaqiiqada la wada ogsoon yah ay ee ah in guddiga nobel-ku uu yahay mid madax-bannaan, oo ays an ahayn dowladda norway cidda bixisa abaalm arinta,” Ayuu yiristøre.

Machado ayaa toddobaadkii hore bilade edii dahabka ahayd guddoonsi isay tru mp intii lagu guda jiray kulan ka dhacay aqalka cad, inkastoo gu ddiga nobel-ka ee norway ay sheeg een in abaal marinta aan la wareejin karin, la wadaagi karin, ama lagala noqon karin qofkii la siiyay. Guddiga nobel-ka ayaan weli ka jawaabin codsi la xiriira arrintan.

Farriintiisa uu u diraystøre, trump wuxuu sidoo kale mar kale su’aal galiyay madax-bannaanida denmark ee gree nland, isagoo yiri: "denmark dhulk aas kama difaaci kar to ruu shka ama shiinaha, marka ho re ba maxay ‘xuq uuq lahaansho’ ugu sheeganay aan?”

"ma jiraan dokumeentiyo qoran, ee kaliya waa doon halkaas cago dhigatay boqollaal sano ka hor, laa kiin annaguna doonyo waan geynay halkaas.”

Lahaanshaha denmark ee jasiira ddan ballaaran ee kheyraadka mac dan ta hodanka ku ah ayaa ku cad dukum eentiyo sharci ah oo ay ku jirto heshiiskii 1814-kii. Mareykanka laftii sa ayaa dho wr jeer oo hore qiray in gree nland ay ka tirsan tahay boq ortooy ada denmark.

Trump ayaa farriintiisa uu u dir aystøreku soo xiray qaabkiisii xam aasadda lahaa:

"waxaan nato u qabtay wax ka bad an qof kasta oo kale tan iyo mar kii la aasaasay, haddana, waa in nato ay wax u qabato mareykanka. Adduun ku ma noqonayo mid amni ah illaa aan ka yeelanno gacan ku

Hayn

Xog: Deni oo safar qorso odi ah ku jooga imaara adka carabta

Madaxweynaha dowlad-goboleedka puntla nd, siciid cabdullaahi deni, ayaa wadahada llo xasaasi ah u jooga magaalada abu dhabi ee dalka imaaraadka carabta, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed iyo midka amni ee u dhexeeya dowladda federaalka soomaaliya iyo imaaraadka.

Madaxweyne deni ayaa magaalada abu dhabi gaaray laba maalin ka hor, kaddib safar saddex maalmood qaatay oo uu ku soo maray magaalada addis ababa ee dalka itoobiya. Safarka madaxweynaha puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya muqdisho iyo abu dhabi, kadib markii dowladda federaalku ay shaac isay inay laashay heshiisyadii iskaa shiga milatari ee ay la lahayd imaaraadka.

Maamulka puntland ayaa isniintii si adag u ganafka ku dhuftay go’aanka dowladda fed eraalka, iyadoo ku tilmaamtay mid "baalma rsan dastuu rka”. War-saxaafadeed kasoo baxay puntland ayaa lagu sheegay in gola ha wasiirrada ee federaalku aysan awood u lahayn inay si keli ah u baabi’iyaan heshiisyo ka howlgala gudaha dowlad-goboleedka iyadoo aan wax wadatashi ah la sameyn, sida uu qabo nidaamka federaalka soomaaliya.

"go’aanka ay shaacisay dowladda federaa lka ee lagu laalayo heshiis yada horumarinta dekedda boosaa so iyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya puntland iyo imaaraadka waa mid waxba kama jiraan ah (null and void),” Ayaa lagu yiri bayaanka puntland. Waxay intaas ku dareen in dowlad-goboleed yadu ay haysanay aan awoodahooda dast uuriga ah inta laga dhameystir ayo nidaa mka feder aaleynta dalka

Xiisaddan ayaa saamayn toos ah ku yeelatay xaaladda amni ee gobolka. Ilo-war eedyo ayaa sheegaya in dow ladda imaar aadku ay dhinacyo sad dexaad u gudbisay inay qorshe ynayso inay faarujiso saldhigg eeda magaalada boosaaso, balse ay wala ac ka qabto cidda buuxin doonta booskaas iyo saameynta ay ku yeelan karto howlg allada lagula dagaallamo kooxda daacish (is) ee ku dhuumaaleysata buuraha bari.

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa dha nkeeda shuruud uga dhig tay imaaraa dka inuu ka baxo boosa aso si uu u qaato qalab milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliy aha lahayn (drones), kuwaas oo ku xayiran garoonka muqdisho. Tan iyo markii shuru udahan la soo rogay, waxaan garoon ka boosaaso ka degin diyaaradihii ciidanka ee imaara adka saddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, khilaafka u dhexee ya do wladda dhexe iyo puntland ayaa dhaliyay dhaqdhaqaaqyo ciida n oo cusub. Wararka ka imaanaya garoowe ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyay caasimadda puntland, kaddib markii dowladda federaal ku ay diiwaan gelisay qaar ka mid ah ciida mada puntland.

Madaxweyne deni ayaa la xaqiijiyay inuu soo saaray amarro culus oo lagu mamnuuc ayo in ciidamada puntland ee iska diiwaang eliyay dowladda dhexe – gaar ahaan kuwii teg ay laascaanood – ay dib ugu soo lab taan deegaannada puntland. Sidoo kale, maa mulka ayaa bilaabay inuu waaran max kamadeed u jaro saraakiisha fulisa amar rada kasoo baxa muqdisho, taas oo sii

Kordhisay xasaradda siyaasadeed ee dalka.

Xigasho ;-caasimadda.net

 

Fahad yaasiin oo weerarCulus ku qaaday cirro

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sug idda soomaaliya, fahad yaasiin xaaji daa hir oo ka qayb-galay barnaam-ij dood ah oo lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa wee rar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha somaliland, mudane cabdiraxmaan cirro.

Fahad yaasiin oo si adag ua horyimid aqoon siga israa’iil ee somaliland ayaa tilmaamay in cirro uu ictiraafkii la galay meel xun, isla markaana uu xiriir la sameeyay yahuud oo aan laga fileyn inay cilaaqaad la yeeshaan dad soomaaliyeed.

"35-sano ayay soomaliland taleefan garaacaysay ugu dambeyn sheydaan ayaa kaqabtay iyaga in laga qabto ayaa u muhiim sanayd waxa ka qabtay waxba kama gelin” Ayuu yiri fahad yaasiin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha somaliland uu warqad isku mid ah u diray madaxda dalalka islaamka iyo ra’iisul wasaare netanyahu, taasina ay muujineyso caqiiqdo xumo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo carrabka ku dhuftay in kaliya uu rabay jawaabta, uuna ka helay isr aa’iil oo dhawaan uun ku dhawaaqday inay dal madax banaan u aqoonsatay somalil and.

"imtixaanka qofka u horreeyo ee ku dhacay waa cabdiraxmaan cirro maalin dh aweyd wuxuu yiri waxaan la hadlay boqor salmaan, madaxweynaha turkiga, madax weynaha masar iyo netanyahu wuxuuna yiri netanayahu ayaa isoo jawaabay had alkaas macnihiisa ma taqaanaan wax uu rumeyan yahay ma jiraan wuxuu warqad isku mid ah u qorayaa bin salman iyo netanyahu kii uga soo jawaabana wuu qaa danayaa” Ayuu mar kale yiri fahad yaasiin xaaji daahir.

Waxaa kale oo uu kusii daray "wax uu ilaalinaayo ma leh qiyam maleh, caqiido mal eh warqadahana wuu iska wada diri mee shaan doonaan ha’isaga dhacaano”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo somaliland ay dhaliil xooggan kala kulantay xiriirka ay la yeelatay israa’iil, waxaana inta badan ka horyimid ururrada caalamiga ah iyo dalalka saaxibada la’ah soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka hadhra maut oo ku eedeeyay imaaraatka ku tumash ada qiyamka wala altinimo, isla am iyo carabnimo

Guddoomiyaha gobolka hadhra maut ee dalka yemen, salam al-kha nb ashi, ayaa sheegay in dowladda imaar aadka carabta ay ka faa’iideyst een sha rciyadda isbahaysi ga taag eeraya dib-u-soo-celinta dowladnima da yemen, si ay u fuliyaan ajandah oda gaarka ah ee dalkaas.

"waxaan u malaynaynay in imaaraa dku noo noqon doono taageero iyo gar gaar, balse ficilladiisa ayaa naga yaa biyay,” Ayuu yiri.

Guddoomiyuhu wuxuu xaqiijiyay in gobolka hadhramaut uu la daalaa dhac ayo kooxo hubeysan oo xiriir la leh cidr uus al-zubaidi, kuwaas oo ay taageera yaan imaaraadka carabta. Wuxuu shee gay in kooxahan ay ku kaceen falal duul laan iyo argagax-gelin ah oo ka dhan ah muwaadi niinta, ayna geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dhac, afduub, dil, bar akicin, burburinta hantida dowladda iyo bililiqaysiga xarumaheeda, taa soo keen tay khasaare ballaaran oo saameeyay bulshada gobolka.

Intii lagu jiray shir jaraa’id, al-kha n bashi wuxuu caddeeyay in dowla dda yemen ay saldhigga rayyan ee magaa lada mukalla ka heshay qalab iyo wax yaabo aan waafaqsanayn ujeeddooyin ka isbahaysiga taagee raya sharciyadda ama qiyamka wal aaltinimo, islaam iyo carabnimo. Qal abkaas ayaa la sheeg ay inuu ka koobnaa fiilooyin, walxo qar xa, qalab qarxin ah iyo agab isgaa rsiin eed oo loo adeegsado dilal qorshey san iyo jirdil.

Wuxuu tilmaamay in agabka lagu ark ay gudaha xerada garoonka rayyan ee imaaraadku maamulay een uu muuji na yo in saldhiggaas loo adeegsa day xar un lagu qorsheeyo laguna fuliyo dam biyo iyo xadgudu byo ka dhan ah shac abka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in nooca qalabka la helay uusan la mid ahayn midka ay adeegsadaan ciidama da caadiga ah ee saldhigyada milatari.

Guddoomiyaha hadhramaut ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha hub eysan ee daacadda u ah al-zubaidi ay ka faa’iideysteen qaddiyadda ko onfurta yemen si ay dabool ugu sam eeyaan dambiyadooda, iyagoo iska indha-tiraya dalabaadka sharciga ah ee shacabka, isla markaana u adeegaya ajandaha imaaraadka ee lagu carqaladeynayo dadaallada siyaasadeed ee lagu xalli nayo arrinta koonfurta.

Ugu dambayn, al-khanbashi wuxuu xusay in caddeymaha la helay ay muuji nayaan jiritaanka xabsiyo qarsoodi ah oo ay maamulaan ciidamo imaaraad ah gudaha magaalada mukalla, kuwaas oo loo adeegsado xabsi sharci-darra ah, dad la waayo (qafaal qasab ah) iyo jirdil.

Itoobiya oo xabsiga dhig tay jeneraal gebre

Ciidamada ammaanka itoobiya ayaa xabsiga dhigay sarreeye guuto guesh gebre, oo hore u ahaa taliyihii ciidanka militariga qaybta 15-aad, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo gu daha.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday si waafaqsan sharciga, isa goo xusay in aanay jirin cid ka sarr eysa xeerarka, taasina ay sabab u tahay xarigga lagula kacay sarka alkan.

Sarreeye guuto guesh gebre ayaa lagu yaqaanay mowqifkiisa ka dhanka ah qaar ka mid ah hoggaa nka ciidamada ee taageeray shirwe ynihii guud ee tplf.

Waxa uu si cad u dalbanayay in wax laga beddelo maamulka ku-meel-gaarka ah ee tigray, kaas oo uu hoggaamiyo getachew reda. Doodahaas darteed, waxaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii janaayo ee sannadkii hore.

Xafiiska nabadgelyada iyo amniga ee tigray ayaa habeenimadii sabtida ku shaaciyay bartiisa facebook in ay qaadeen tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah xubno lagu eedeeyay ku xadgudub anshaxa iyo shuruucda ciidanka.

Xafiisku wuxuu sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada ay ku lug leeyihiin falal ka baxsan nidaamka, inkastoo uusan magacyadooda shaacin.

Dhankiisa, getachew reda ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa x ku muujiyay diidmo uu ka qabo xarigga guesh gebre, oo ay xabsiga dhigeen ciidamada ammaanka ee gobolka tigray.

Wuxuu sheegay in guesh lagu yaqaanay geesinimo iyo doorkii uu ka qaatay xilliyadii adkaa ee daga alka, gaar ahaan dadaalkii uu ku jooji nayay kala-daadashada ciidamada tigrayga.

Getachew ayaa su’aal geliyay sab abta loo xiray sarkaal sannad ka hor xilka si aan caddaalad ahayn looga qaaday, isaga oo xusay in eedey maha la xiriira gacan saar lala same eyay cadow ay yihiin kuwo aan la hubin.

Waxa uu intaa ku daray in arrintan lagu bartilmaameedsaday guesh iyo kooxdiisa sababo la xiriira mowqifkooda siyaasadeed.

"tigraay tuugta in la soo qabto ay yihiin kuwa qafaalanaya geesiyaal magac ku leh bulshada ayadoo marmarsiiyo laga dhiganayo sharc iga ayaa ah mid ka soo horjeedda jiritaankeeda. Cid kasta oo daneyn aysa tigrayga waa inay ka hortagtaa dambiilayaasha,” Ayuu yiri.

Waxaa la xaqiijiyay in sarreeye guuto guesh gebre ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka, iya doo la sheegay in kiiskiisa loo gudbin doono maxkamadda ciidama da qalabka sida ee dalkaas.

 


Senegal oo ku guuleysatay koobkeedii labaad ee AFCON


Xulka senegal ayaa ku guuleystay koobka qaramada afrika (afcon) markii labaad taariikhdiisa, kaddib kulan kama dambeys ah oo xamaa sad, muran iyo rabshado wata oo ay 1–0 kaga adkaadeen xulka martida loo ahaa ee morocco, kaas oo ka dhacay garoonka prince moulay abdellah ee magaalada rabat.

Ciyaarta ayaa gool la’aan ku dhammaatay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa, hase yeeshee waxay gashay waqti dheeri ah, kaddib markii xiddiga morocco brahim díaz uu qasaariyey rigoore daqiiqaddii 96-aad ee waqtiga dheeriga ah ee qaybta labaad.

Rigoorahaas oo ay var-ku ku abaalmarisay morocco, ayaa si weyn u kiciyey muran iyo caro, taas oo sababtay gacan ka hadal dhex maray ciyaartoyda, shaqaalaha farsamada iyo taageerayaasha, iyadoo taageerayaal senegal ah ay xitaa gudaha u soo galeen garoonka.

Booliska rabshadaha ayaa ku qasba naaday inay farageliyaan, halka qaar kamid ah taageerayaasha la xiray, mid kamid ah waardiyeyaa shana dhaawac loogu qaaday isbit aal.


Kadib rigooraha la qasaariyey, sene gal ayaa si buuxda ula waree gtay ciyaarta, waxaana daqiiqadihii hore ee waqtiga dheeriga ah goolka guu sha u dhaliyey pape gueye, kaas oo kubbad xooggan ku hubsaday shaba qa, kana adkaaday goolhay aha yassine bounou.kulanka ayaa ahaa mid ay labada dhinacba fursado badan lumiyeen, iyadoo bounou uu badbaadiyey dhowr kubbadood oo halis ahaa qeybtii hore, halka edouard mendy uu isna ka hortagay weerarro dhowr ah oo morocco sameysay.

Guushan ayaa senegal u xaqiijisay koobkoodii labaad ee afcon, iya goo raacaya kii ay ku guuleysteen 2022, halka morocco ay mar kale ku hungoobtay riyadii ay ku soo afjari lahayd 50 sano oo ay koobkan sugey say, gaar ahaan iyagoo ku ciyaara yay garoonkooda iyo taageerayaas hooda hortooda.

Markii uu yeeriyay seeriga dhamm aadka ciyaarta, ciyaartoyda senegal ayaa u dabaaldegay guusha iyagoo la dabaaldegaya taageerayaasho oda, halka ciyaartoyda morocco ay dhulka fadhiisteen iyagoo niyad-jab iyo argagax ka muuqdo, kaddib hab een taariikhi ah oo u noqday mid xanuun badan.

Guud ahaan, final-kan ayaa gal ay taariikhda afcon inuu noqdo mid ka mid ah kuwii ugu muranka bad naa, uguna xiisaha badnaa, balse nasiib darro ay hareeyeen rabshado iyo go’aanno muran dhaliyey.

Koonfederayshinka kubadda cagta afrika (caf) ayaa si adag u cambaa reeyay dhaqanka aan la aqbali karin ee ay muujiyeen qaar ka mid ah ciy aartoyda iyo mas’uuliyiinta intii lagu guda jiray final-ka koobka qaramada afrika, kaas oo xalay ka dhacay rabat, isla markaana u dhaxeeyay xulka morocco iyo senegal, caf ay aa si gaar ah u tilmaamtay in wixii fal al xun ah ee ka dhacay ciyaaraha, ga ar ahaan kuwa lala beegsaday gar soo rayaasha iyo qabanqaabiyeyaa sha ciyaarta, ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

Caf waxa ay sheegtay in hadda dib u eegis ku sameyneyso dhamm aan muuqaalada la duubay ee kulan ka, iyadoo ballanqaaday in arrintan loo gudbin doono hay’adaha ku hab boon si tallaabo sharci ah

Looga qaa do kuwa lagu helo inay galeen fala lkaas.


In ka badan 200 muhaaji riin ah oo ay ku jiraan so omaa l i oo laga xoreeyay maga faha libya


Hay’adaha ammaanka dalka liibiya ayaa xoreeyay in ka badan 200 muhaajiriin ah, kuwaas oo lagu hayay xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada kufra, ee ku taala koonfur-bari dalkaas, kaddib markii lagu hayay xaalado bani’aadannimo ka baxsan.Hay'adaha ammaanka ee dalka libya oo la hadlay wakaaladda reuters ayaa sheegay in la helay xabsi dhulka hoostiisa ah, oo sida ay sheegeen ay maamuli jirtay shabakad wax tahriibisa oo uu leeyahay nin liibiyaan ah.

Mid ka mid ah ilaha ayaa sheegay in shakhsigaas aan weli la xirin. Qaar ka mid ah muhaajiriinta la xoreeyay ayaa lagu hayay qolal dhulka hoostiisa ah muddo gaareysa ilaa laba sano, iyadoo falkaan lagu tilmaamay mid ka mid ah dambiyada ugu halista badan ee ka dhanka ah bini’aadannimada ee laga helay gobolka.

Howlgalku wuxuu horseeday weerar lagu qaaday xabsi qarsoodi ah oo ku dhex yaalla magaalada, halkaas oo laga helay dhowr qol oo dhulka hoostiisa ah oo si aad u xun loogu hayay boqolaal dad ah.

Muhaajiriinta la xoreeyay waxay ka yimaadeen dalalka afrika ee saxaraha ka hooseeya, gaar ahaan soomaaliya iyo eritrea, waxaana ka mid ah haween iyo carruur, sida ay sheegeen masuuliyiinta libiya.

Tan iyo markii la riday taliskii muca mmar qadaafi kaddib kacdoon ay nato taageertay sanadkii 2011, lii biya waxay noqotay marin ay muh aajiriintu uga gudbaan colaadda iyo saboolnimada iyagoo u sii maraya yurub, iyagoo wajahaya safarro kha tar ah.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan 21 meyd oo muhaajiriin ah ayaa laga helay xabaal wadareed ku taalla bariga liibiya, halka ilaa 10 qof oo ka badbaaday kooxdaas ay muujiyeen calaamado muujinaya in la jirdilay ka hor intii aan laga xoreyn gacanta dambiilayaasha, sida ay reuters u sheegeen laba saraakiisha hay’ada ha ammaanka.

Bishii febraayo ee sanadkii hore, 39 meyd oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray ku dhowaad 55 xabaal wadareed oo ku yaalla kufra. Magaal adaas waxaa ku nool tobanaan kun oo qaxooti suudaaniyiin ah oo ka cararay colaaddii ka qaraxday suu daan sanadkii 2023.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip