Ciidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ah

0
Tuesday January 20, 2026 - 13:40:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ah

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidanka Booliska degmada Afmadow ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay rag ku lug lahaa laynta iyo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee ugaarta, kuwaas oo khatar weyn ku hayay duur-joogta deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin Cali ayaa sheegay in raggan la soo qabtay ay horey isaga dhega-tireen digniino ku saabsan mamnuucidda xaalufinta kheyraadka dabiiciga ah.

Wuxuu yiri "Raggan waxaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka ammaanka, Waxaan u gudbinaynaa hay’adaha cadaaladda, waxaana si degdeg ah maxkamadda loogu soo horgeyn doonaa si sharciga loo waafajiyo."

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa farriin u diray bulshada deegaanka isagoo ugu baaqay in muhiimad gaar ah iska saaraan Ilaalinta deegaanka, Ka fogaanshaha xaalufinta kheyraadka dabiiciga ah iyo laynta duur-joogta.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday In shacabku la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo soo qabto kuwa u taagan dhibaataynta deegaanka ayna bulshada umidoowdo ilaalinta bilicda iyo hantida dabiiciga ah ee dalka.

Maamulka Afmadow ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo duur-joogta, islamarkaana cid kasta oo ku xad-gudubta shuruucda deegaanka lagu qaban doono si adag.

Ciidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ahCiidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ahCiidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ahCiidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ahCiidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ahCiidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ah

Ciidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip