Israel oo aad uga walaacsan tallaabooyin ay Masar ka waddo gudaha Soomaliya

0
Tuesday January 20, 2026 - 08:36:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israel oo aad uga walaacsan tallaabooyin ay Masar ka waddo gudaha Soomaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Warbixinno ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa ka digay in Masar ay ballaarineyso joogitaankeeda milatari iyo midka amni ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika, tallaabadan oo lagu sheegay mid jawaab toos ah u ah waxa ay Qaahira u aragto saameynta sii kordheysa ee Israa’iil ku leedahay gobolka.

 

Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay talefishinka ku hadla afka Cibraaniga eei24News, Masar waxay sare u qaadday lugta ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

 

 

Dhaq-dhaqaaqaas aqoonsiga ah waxaa la sheegay in hay’adaha amniga Masar ay u arkaan khatar toos ah oo ku wajahan xasilloonida gobolka iyo danaha istiraatiijiyadeed ee Masar.

Ilo dhanka amniga ah oo Israa’iiliyan ah, laguna xusay warbixinta, ayaa sheegay in Masar ay xoogga saareyso taageerada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ujeeddada Masar ayaa lagu sheegay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo ka hortagga cawaaqib-xumo dhanka amniga ah oo ka dhalan karta dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ee Geeska Afrika.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in saraakiisha Masar ay aaminsan yihiin in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo ay Yuhuuddu ku dooneyso inay saldhig istiraatiijiyadeed uga sameysato agagaarka Marinka Baabul Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo ah goobo halbowle u ah amniga badaha ee Masar.

 

 

Waxaa kale oo jirta cabsi ay Qaahira qabto oo ah in Israa’iil ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Itoobiya, xilli xiriirka Masar iyo Addis Ababa uu aad u xun yahay sababo la xiriira Biyo-xireenka GERD iyo arrimaha wabiga Nile.

Isagoo la hadlayay kanaalka, falanqeeye Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eddy Cohen ayaa Israa’iil ku tilmaamay "awood weyn” (Superpower) oo dooneysa inay saameynteeda ku fidiso meel ka baxsan Bariga Dhexe ilaa gudaha Afrika, si ay ugu dhowaato cadowgeeda gobolka.

Warbixintu waxay xustay in Masar ay billowday inay ciidamo iyo la-taliyayaal milatari u dirto Soomaaliya horraantii 2024-kii, kadib heshiis difaac oo dhexmaray labada dal. Wixii intaas ka dambeeyay, Qaahira waxay Muqdisho siisay taageero amni iyo mid saadka ah, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 

 

Qiyaaso dhanka amniga ah ooi24Newssoo xigatay ayaa tirada ciidamada Masar ee hadda ka hawlgala Soomaaliya ku sheegay dhowr kun, kuwaas oo ku jooga heshiisyo laba geesood ah iyo qeyb kamid ah howlgallada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.



XIGASHO:CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip