Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan dhankeeda joojisay duulimaadyadii diyaaradda dalka Jabuuti ee Air Djibouti. Diyaaraddan ayaa afar maalmood isbuuc kasta duulimaad ka samayn jirtay garoomada diyaaradaha ee Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.
Somaliland ayaa tallaabadaas qaaday iyadoo ka jawaabaysa go’aan kasoo baxay Dowladda Jabuuti, kaasi oo lagu xiray xafiiskii Somaliland uga furnaa dalkeeda.
Xafiiskaas oo furnaa tan iyo sannadkii 2012-kii ayey dhawaan Dowladda Jabuuti sheegtay in albaabbada la isugu laabay sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay si adag u diiday.
Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsigaas uu ka hor imaanayo xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay si cad uga soo horjeeddo.Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ah ee sida adag uga horyimid go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna garab istaagtay Soomaaliya, iyadoo dhex-joogta Golaha Ammaanka ayey si adag u difaacday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




0 


Xiisadda Jabuuti iyo Somaliland oo kasii dartay iyo Jabuuti oo maanta joojisay…
.