
HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 12- JAN-2026
Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee shalay?
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, ayaa shalay guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulabkiisa 14-aad, kaas oo agendihiisu ahaa Akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka iyo Dhegeysiga Warbixinta Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee xaaladaha abaaraha dalka.
Ugu horrayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Awgab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka hannaanka lacag-bixinta Qaranka.
Guddoomiyuhu wuxuu faah-faahin ka bixiya sida uu guddigu u soo qaabeeyay aragtiyihii iyo talooyinkii ay horay u jeediyeen Sanatarradu. Intaas ka dib, cod ayaa loo qaaday hindise-sharciyeedka, waxaana si aqlabiyad leh ku ansixiyay 28 Sanatar, iyadoo aysan jirin cid diidday ama ka aamusay.
Dhinaca, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Sanatarrada Aqalka Sare xaaladda abaaraha ka jira dalka. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in abaaruhu saameyn ballaaran ku yeesheen nolosha bulshada, gaar ahaan deegaanada miyiga ah.
Guddoomiyaha wuxuu xusay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bani’aadannimo, iyadoo intaas kadib, Sanatarrada qaar ay su’aalo kala duwan ka waydiiyeen xaaladda abaaraha, meelaha ugu daran iyo ka hay’ad ahaan waxa uga diyaarsan xaaladaha degdega ah.
” Joogitaankeyga shalay ku caadi ma ahan, dalkana xaalad caadi ah kuma jiro, waxaan rabaa runtii inaan idin sheego in xaaladda dalka uu ku jiro aad iyo aad ciriiri u tahay, dadkeynii dhibaato qabaan, cimiladii isbedeshay iyo xaalado badan oo jira dhibaato ku qabaan, dad ka badan afar milyan iyo toddobo boqol oo maraya xaalad Abaareed oo aad u adag,”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty., inta uu socdey shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Intii lagu guda-jiray kulankani, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya, iyagoo si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, aya magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Dawladda walaalaha ah ee Kuweyt, Mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.
Kulankan ayaa dhacay intii uu socday shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku sheegtay inay aqoonsatay waxa loogu yeeray Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Waqooyi-galbeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa muujiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, isagoo garab istaagay dhammaan dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida iyo wadajirka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la yeeshay Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Jong Song.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo horumarinta xalal waara. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay xaaladda iyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha iyo qaxootiga, dardargelinta xalalka waara, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo barakaca.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka aqoonsi sharciyeed, ilaalinta xuquuqda barakacayaasha iyo qaxootiga, iyo fududeynta ka mid noqoshada bulshada ay ku dhex nool yihiin.
Labada dhinacba waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashi dhow oo lagu taageerayo mudnaanta qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana horumarinayo ilaalinta iyo helitaanka natiijooyin waara oo wax ku ool ah oo loogu adeegayo bulshooyinka barakacay iyo kuwa nugul ee dalka oo dhan.
Abiy iyo Geelle oo kulan ku yeeshay Jabuuti.
Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saakay gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Abiy ku yiri "Saaka waxa aan imid dalka Jabuuti oo uu si diiran iigu qaabilay madaxweynaha. Wada-hadalkeennu wuxuu diiradda saaray dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeedka, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga, saadka, iyo horumarinta, annagoo xaqiijinayna sida ay nooga go’an tahay xasilloonida, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo barwaaqada labada dhinac.
Fiqi: Israa’iil waxay doonaysaa in Falastiiniyiinta si xoog loogu soo raro Somaliland, Soomaaliya-na way ka hortagayso
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay heeyso macluumaad muujinaya in Israa’iil ay waddo qorshe halis ah oo lagu doonayo in Falastiiniyiin si khasab ah loogu soo raro Somaliland, taasoo ay Dowladda ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay Aljazeera Mubasher ayaa sheegay in hay’adaha amniga iyo diblomaasiyadda Soomaaliya ay heleen xog muujinaysa in Israa’iil ay xiriir la samaynayso hoggaamiyeyaasha Somaliland, si ay u fuliso qorshahan.
Wuxuu adkeeyay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uusan wax awood sharci ah u lahayn inuu aqoonsi siiyo ama heshiis ula galo maamul ka tirsan dhulka Soomaaliya.
"Arrintani waa weerar toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirku wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in Israa’iil ay danaynayso in ay saldhig ciidan ka dhisato waqooyiga Soomaaliya, sababo la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee goobta oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Badda Carabta.
Sida uu sheegay, qorshahan wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in lagu wiiqo xasilloonida Geeska Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay adeegsan doonto dhammaan dariiqyada diblomaasiyadeed iyo sharciyeed si ay uga hortagto tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada dalka.
Wasiir Fiqi wuxuu tilmaamay in Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah ay fahamsan yihiin khatarta ay arrintani ku leedahay nabadda gobolka.
Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa uga mahadceliyay dalal badan oo Carbeed iyo kuwo gobolka ah, sida Sacuudiga, Qadar, Masar iyo Turkiga, iyo sidoo kale Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka, taageeradooda ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Falastiin oo wadajir ah uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Falastiin Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Varsen Aghabekian Shahin ayaa magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ku yeeshay kulan gaar ah kula yeeshay oo labada masuul ay uga wada hadlaan arinta la xariirta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Labada Wasiir ayaa si wadajir ah u muujiyay walaacooda la xiriira aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland oo ay sheegeen inuu yahay mid si toos ah uga hor imaanaya shuruucda caalamiga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa dhigiisa dalka Falastiin uga warbixiyay sida dowladda Soomaaliya u xoojisay dadaaladeeda diblumaasiyadda iyo difaaca midnimada dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Falastiin Varsen Aghabekian Shahin ayaa dhankiisa sharci daro weyn ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay iney siisay Somaliland, isagoona balan qaaday iney Soomaaliya ka taageerayaan difaaca midnimada dalka iyo madaxbannaanideeda dhuleed.
Kulanka labadaan Wasiir ayaa imaanaya, xili ay ka qeyb galayaan shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Jeddeh ee dalka Sacuudi Carabiya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminaya ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah halkaas kula qaatay sacaadahii lasoo dhaafay masuuliyiin ka kala socotay dalalka Sacuudiga, Kuwait, Masar iyo wadamo kale oo qeyb ka ah shirkaan.
Ugu dambeyntii Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) kalfadhigiisa 22- aad oo ahaa mid deg dega ahaa kana dhacay xarunta OIC ee Jeddah ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay jebin cad oo sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo mowqif adag ka qaatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa qabtay kalfadhigii 22aad ee degdegga ahaa si looga doodo go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay "Somaliland” oo ay ugu yeertay dal madax-bannaa.
Shirka oo ka dhacay xarunta OIC ee Jeddah, Sacuudi Carabiya, ayna ka qeyb galeen wasiirrada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay jebin cad oo sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
OIC waxay ku adkaysay in go’aankan uu dhaawacayo midnimada, madaxbannaanida, iyo xuduudaha la aqoonsan yahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliiland tallaabo sharci daro ah oo halis ku ah amniga gobolka iyo weerar toos ah oo lagu hayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Pakistan ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay tahay "weerar siyaasadeed” oo ka dhan ah qiyamka caalamiga ah. Sacuudi Carabiya ayaa ku baaqday in diin ahaan loogu midoobo diidmada aqoonsiga Somaliland iyo in laga hortago dhammaan tallaabooyinka lagu jabi karo midnimada Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu ansixiyey qaraaro ay ka mid yihiin canbaarayn buuxda oo lagu sameeyey go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, taageero buuxda oo loo muujiyey madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo dib u xaqiijin in nabad waarta ee Bariga Dhexe ay ku xirnaan doonto in Israa’iil ay ka baxdo dhulalka Falastiin.
Trump oo ka digay weerar kale uu ku qaado Nigeria haddii la sii wado dilka Masiixiyiinta
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay inuu amri karo weerarro kale oo cirka oo uu ku qaado Nigeria, haddii la sii wado dilka Masiixiyiinta ee ka dhacaya dalka dhaca Galbeedka Afrika.
Wareysi uu siiyay wargeyska New York Times, Trump ayaa la weydiiyay in weerarradii Maalinta Kirismaska ee ka dhacay gobolka Sokoto ee waqooyiga Nigeria ee lagu bartilmaameedsaday kooxaha islaamiyiinta ay ahaayeen qayb ka mid ah olole militari oo ballaaran.
"Waxaan jeclaan lahaa in uu noqdo hal mar oo kaliya. Laakiin haddii ay sii wadaan dilka Masiixiyiinta, wuxuu noqon doonaa weerar joogto ah,” ayuu yiri.
Dowladda Nigeria ayaa horay u diiday eedeymihii Trump ee ahaa in ay ku guul-darreysatay ka ilaalinta weerarrada kooxaha jihaadiga ee ka dhanka ah masiixiyiinta , iyada oo sheegtay in "Muslimiin, Masiixiyiin iyo dadka aan diin lahayn” dhammaantood la beegsanayo.
Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa shalay qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo Xareynta Dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegga Baasaboorka.
Ujeeddada kulankan waxa ay ahayd xoojinta fahamka natiijooyinka qiimeynta, iftiiminta meelaha u baahan horumarinta, iyo dhiirrigelinta wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta hay’adaha Dowladda, si loo hubiyo in dakhliga Dowladda loo maareeyo si waafaqsan sharciyada iyo habraacyada dakhliga.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, waxaana goob-joog ahaa Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil Maxamed.
Agaasimaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Feysal Maxamed Hashi, ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku iftiimiyay muhiimadda ilaalinta dakhliga Dowladda, isla markaana Xafiiska Hantidhowrka Guud uga mahadceliyay doorka uu ka qaato hubinta iyo dabagalka dakhliga. Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.
Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan looga hadlay natiijooyinka qiimeynta, iyadoo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay in dakhliga Dowladda lagu qabto laguna shubo Khasnadda Mideysan ee Dowladda (TSA), si loo waafajiyo shuruucda iyo habraacyada maareynta maaliyadda dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay khataraha ka dhalan kara ku qabashada dakhli meel ka baxsan nidaamka rasmiga ah, waxaana lala wadaagay saraakiisha talo-soojeedinno lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegyada Dowladda.
Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon
Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa shalay ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir.
Boqolaal haween oo ka careysan falka xadgudubka Israa’iil ee midnimada Soomaaliya ayaa muujiyay dareenkooda, iyagoo si cad u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku kacday, isla markaana adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala qaybin karin.
Qaar kamid ah haweenka ka qaybgalay dibadbaxa, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin dowladdooda, kana go’an tahay difaaca dalka, isla markaana aysan marnaba aqbalayn in lagu xadgudbo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mid kamid ah haweenka dibadbaxa ka hadlay, Caasho Cali Caasho, ayaa tiri:
"Dib ugama laabanayno mowqifkeenna, Israa’iilna waan diidnay, diidmadana waan sii wadaynaa.”
"Dhulka Soomaaliyeed kalama go’i karo, dadka Soomaaliyeedna lama kala qeybin karo, isu soo baxaana waxaa uu qeyb ka yahay bannaanbaxyada looga soo horjeedo faragelinta Isrll ku sameysay madax bannaanida dalkeenna.” Guddoomiye Jawaahir Baarqab
"YHD-da dhiigii reer Falastiin ayaa gacmahooda ka qoyan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana uga mahadcelineynaa dadaallada uu dalka ku difaacayo.” Guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada Kaaraan Suldaano Axmed
"Midnimada iyo Madax-bannaanida dalka ma aha mid laga gor-gortami karo, Haweenka Soomaaliyeedna waxay codkooda si xooggan ugu muujinayaan in gobol ka mid ah Soomaaliya ayaan la aqoonsan karin.” Agaasimaha horumarinta Haweenka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee XFS Sacdiyo Maxamed Nuur
Dibadbaxyada ka dhanka ah Israa’iil ayaa sii kordhaya, iyadoo sidoo kale ay isa soo tarayaan cambaareynta ay jeedinayaan dowlado iyo ururro caalami ah, kuwaas oo si cad u sheegay in madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, isla markaana falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay mid baalmarsan qawaaniinta caalamiga ah.
Garyaqaanka Guud oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Boobka Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray dadka ku howlan boobka iyo ku-xadgudubka dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan Xaruntii Adeegga Ardayda iyo Gurigii Raktarka Jaamacadda, kuwaas oo ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Warqadda oo ku taariikheysan 11-ka Janaayo 2026, isla markaana loo diray hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Booliska Gobolka Banaadir, Maamulka Gobolka, Xeer Ilaaliyaha Guud, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa si cad u sheegtay in dhulkaasi yahay hanti qaran oo sharci ahaan u diiwaangashan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aan cid gaar ah loo oggolaan karin inay ku takri-fasho ama si sharci-darro ah u qabsato.
Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa xusay in falalka lagu hayo dhulkaasi ay si toos ah uga hor imaanayaan xeerarka dalka, gaar ahaan qodobada la xiriira ilaalinta hantida danta guud, isagoo ka digay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo sii wada boobka, burburinta ama isticmaalka sharci-darrada ah ee dhulka Jaamacadda.
Warqadda ayaa sidoo kale amartay hay’adaha ammaanka iyo kuwa garsoorka inay si degdeg ah u joojiyaan falalkaas, isla markaana ay ilaaliyaan dhulka iyo dhismayaasha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, warkan ayaa imanaya xilli meelo badan oo ka mid ah dhulalka ay leedahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kuwa ku yaalla degmooyin kala duwan oo Muqdisho ah horey loogu eedeeyay in boob iyo ku-xadgudub loo geystay, taas oo saameyn weyn ku yeelatay adeegii waxbarasho, hoygii ardayda iyo kaabeyaashii muhiimka u ahaa Jaamacadda.
Sidoo kale, warkan wuxuu ku soo aadayaa xilli dhulal badan oo danta guud ah sida xarumo dowladeed, iskuullo, isbitaallo iyo jaamacado ku yaalla caasimadda iyo gobollada dalka lagu eedeeyay in si sharci-darro ah loo qabsaday, iyadoo marar badan ay jireen amarro iyo digniino kasoo baxay dowladda, balse aan si buuxda loo hirgelin.
Ilaa iyo hadda ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo in digniintan ay u gudbi doonto howlgallo dhab ah oo lagu soo celinayo dhulka la boobay, ama ay ku ekaan doonto warqado iyo baaqyo sharci.
Horey siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka digay in la joojiyo dhul boobka lagu hayo xaruntii Kuliyadda Tababarka Abaanduulka ciidanka ee Axmed Gurey ee dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha xaruntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.
Somaliland oo dowlada Soomaaliya uga digtay adeegsiga ciidamo shisheeye si loo weeraro
Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in dowlado shisheeye ay xoog militari ku muquunin doonaan Somaliland.
Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland soo saartay shalay, ayaa lagu sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo halis ah, masuuliyad-darro ah, isla markaana si cad ugu xadgudbaya Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.
Somaliland waxay sheegtay in aanay hoos imanayn Muqdisho, isla markaana ay si sharci ah u soo ceshatay madax-bannaanideeda sanadkii 1991, iyada oo ku salaynaysa xuduudihii gumaystuhu ka tagay ee 1960-kii. Waxa kale oo ay xustay in tan iyo markaas ay Somaliland ku tallaabsatay nabad, xasillooni, iyo nidaam dimuqraadi ah oo shaqeeya.
Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda mas’uul uga dhigtay cawaaqibka ka dhalan kara hadallada hanjabaada ah, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah in ay si cad u diidaan tallaabo kasta oo noocaas ah.
Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, "balse ay mar walba ilaalinayso xaqeeda dabiiciga ah ee is-difaacidda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah".
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu baaqday Boqortooyada Sacuudiga iyo guud ahaan waddamada Carabta in ay tallaabo millateri ka qaadaan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, si lamid ah habkii uu Sacuudi Carabiya ula macaamilay Hoggaamiyihii Koonfurta Yemen ee Caydarus Al Subaydi.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay telefishinka Aljazeera, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna marnaba oggolaan doonin in Israa’iil ay saldhig militari ku yeelato dhulato Somaliland. Inkasta oo Somaliland ay beenisay in Israa'iil joogis millateri ku yeelanayso dhulkeeda.
Soomaaliya iyo Myanmar oo si rasmi ah u aasaasay xiriir diblomaasiyadeed
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u billowday xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Myanmar, taasoo lagu tilmaamay tallaabo muhiim u ah ballaarinta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ee qaaradda Aasiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Myanmar u gudbisay qoraal rasmi ah oo lagu shaacinayo magacaabidda Danjire Ali Mohamed Abukar (Ali Wolf) oo loo magacaabay Safiir aan degganayn (Non-Resident Ambassador) oo Soomaaliya u fadhiya dalka Myanmar.
Danjire Ali Wolf ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowdo Myanmar, isla markaana ah safiirkii afaraad ee ka socda qaaradda Afrika ee dalkaas laga aqbalo.
Munaasabad rasmi ah oo shalay ka dhacday Naypyidaw ayay labada dal ku kala saxiixdeen war-murtiyeed wadajir ah oo lagu aasaasayo xiriirka diblomaasiyadeed. War-murtiyeedka waxaa kala saxiixday Danjire Ali Mohamed Abukar iyo dhiggiisa Myanmar, Danjire Aung Kyaw Moe, kuwaas oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu xiriirkani u leeyahay iskaashi mustaqbalka fog ah.
Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa ballanqaaday inay si wadajir ah u xoojin doonaan xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana ay furi doonaan bog cusub oo ku saleysan is-ixtiraam, wadashaqeyn iyo dan wadaag.
Danjire Ali Mohamed Abukar oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa yiri:
"Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso dalka Myanmar si loo horumariyo danaha aan wadaagno, loona xoojiyo xiriirka labada shacab iyo cilaaqaadka labada dowladood.”
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad leh, iyadoo Safaaradda Myanmar ay soo dhaweyn rasmi ah ugu sameysay Danjiraha Soomaaliya iyo wafdigii la socday. Soo dhaweyntaas ayay ku muujisay sida ay dowladda Myanmar ugu faraxsan tahay xiriirka cusub ee ay la yeelatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa joogitaanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee Aasiya, isla markaana fure u noqon karta iskaashi u dhexeeya Muqdisho iyo Naypyidaw.
Machadka Nobel ee Oslo oo diiday dalab ay Machado ku dooneysay in Abaalmarinta Nabadda la wadaagto Trump
Machadka Nobel ee Norway ayaa Jimcihii sheegay in Abaalmarinta Nabadda ee Nobel aan la laali karin, la wareejin karin, ama lala wadaagi karin qof kale marka mar hore la bixiyo, kaddib hadallo ka soo yeeray hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela María Corina Machado.
Machadku wuxuu sheegay in shuruucda Aasaaska Nobel ay caddeynayaan in go’aanka guddigu yahay mid kama dambeys ah oo aan dib loo beddeli karin. "Marka abaalmarinta la shaaciyo, go’aankaasi wuu taagan yahay mar walba,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Machado, oo sannadkii hore loo magacaabay ku guuleystaha Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, ay sheegtay inay jeclaan lahayd inay abaalmarinta la wadaagto ama u hibeyso madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyada oo ku matalaysa shacabka Venezuela.
Wareysi ay siisay telefishinka Fox News toddobaadkan, Machado waxay ku tilshalayy tallaabooyinka Trump kuwo "taariikhi ah” isla markaana fure u noqon kara isbeddel dimuqraadi ah oo ka dhaca Venezuela. Waxay sheegtay inay rabto inay Trump si shaqsi ah ugu sheegto in shacabka Venezuela doonayaan in abaalmarinta lala wadaago.
Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku guuleysto Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, ayaa Khamiistii sheegay in arrintaasi ay ahaan lahayd "sharaf weyn,” isagoo sidoo kale xusay inuu qorsheynayo inuu Machado kula kulmo Washington toddobaadka soo socda.
Machadka Nobel ayaa carrabka ku adkeeyay in uusan ka hadlin hadallada ama tallaabooyinka ay qaadaan ku guuleystayaasha abaalmarinta kaddib marka magacyadooda la shaaciyo.
Machado ayaa dhawaan ashalayy tallaabooyin Mareykanku ka qaatay Venezuela oo horseeday qabashada madaxweynaha dalkaas Nicolás Maduro horaantii bishan. Si kastaba ha ahaatee, Trump weli si cad uma taageerin Machado inay noqoto hoggaamiyaha xiga ee Venezuela, isagoo halkii ka muujiyay taageero uu u hayo Delcy Rodríguez, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maduro.
Xildhibaan Ilhan Omar oo laga hor istaagay booqashada xabsi booliiska ICE ku xireen dadka sharci la'aanta ah
Saddex xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota, oo ay ku jirto xildhibaanadda Golaha Wakiillada Ilhan Omar, ayaa laga hor istaagay inay galaan xarun xabsi oo ay maamusho Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) oo ku taalla meel u dhow Minneapolis subaxnimadii Sabtidii.
Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow dhismaha federaalka ee Whipple ee Twin Cities, xilli mudaharaadyo iyo isku dhacyo ay ka socdaan magaalada ka dib markii wakiil ka tirsan ICE uu toogtay Renee Good oo 37 jir ahayd, taasoo ka dhacday koonfurta Minneapolis toddobaadkii hore.
Ilhan Omar ayaa sheegtay in marka hore loo ogolaaday inay gudaha galaan xarunta, balse kaddib si lama filaan ah loo faray inay baxaan. "Waxoogaa ka dib markii naloo ogolaaday inaan gudaha soo galno, laba mas’uul ayaa yimid waxayna sheegeen in la helay fariin ah in aan gudaha dhismahala ogolayn,” ayay tiri.
Ilhan Omar ayaa tallaabadan ku tilshalayy mid sharci darro ah. "Waxa shalay dhacay waa isku day muuqda oo lagu carqaladeynayo xubnaha Congress-ka si ay u gutaan waajibaadkooda kormeer,” ayay intaa ku dartay.
Bishii hore, garsoore federaal ah ayaa sheegay in maamulka Trump aanu ka hor istaagi karin xildhibaanada inay booqdaan xarumaha xabsiyada socdaalka, xitaa haddii aysan ogeysiin bixin. Garsooraha maxkamadda degmada ee US Jia Cobb ayaa sheegay in siyaasadaha ICE ee xaddidaada kormeerka Koongareeska ay ka hor imaanayaan sharciga federaalka.
Xildhibaanada kale ee booqday xarunta, Angie Craig iyo Kelly Morrison, oo labaduba matala degmooyinka ku dhow Twin Cities, ayaa sidoo kale loo diiday inay gudaha galaan. Sida ay sheegtay Ilhan Omar, waxay xarunta ogeysiisay booqashadooda ka hor, balse qiyaastii 10 daqiiqo kadib ayaa la faray inay baxaan.
"Waxaan ICE iyo Waaxda Amniga Gudaha u sheegnay inay jebinayaan sharciga federaalka,” ayay tiri Craig. "Uma muuqato inay ka walaacsan yihiin jebinta sharciga. Tani waa wax aan la aqbali karin. Maamulka hadda wuxuu Minnesota u isticmaalaa sidii qalab siyaasadeed, toddobaadkan horena, waxaa naftii laga qaaday haweeney,” Ilhan Omar.
Ilhan Omar ayaa sidoo kale xustay inay aragtay diyaarado ka baxaya xarunta ICE, iyadoo la sheegayo in aysan ahayn duulimaadyo soo celin ah balse ay u guurinayaan xabsiyada kale ee gudaha Maraykanka, sida laga soo xigtay Axios.
Hogaamiyayaasha Greenland "Ma doonayno inaan noqono Maraykan"
Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Greenland ayaa Jimcihii si wadajir ah u diiday hadallo uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo muujinayay in Washington ay qaadi karto tallaabooyin ku wajahan la wareegidda jasiiradda ku taalla Arctic-ga, iyaga oo sheegay in mustaqbalka Greenland uu go’aamin karo oo keliya shacabka Greenland.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay saxiixeen dhammaan shanta xisbi ee ku jira baarlamaanka Greenland ayaa lagu sheegay in la diidan yahay faragelin kasta oo dibadda ah, saacado kaddib markii Trump uu sheegay in Mareykanku "wax ka qaban doono Greenland, ha oggolaadaan ama yaanay oggolaan.”
"Ma doonayno inaan noqono Mareykan, mana doonayno inaan noqono Danish; waxaan doonaynaa inaan noqono Greenlanders,” ayaa lagu yiri bayaanka. "Dal kale naguma faragelin karo arrintan. Mustaqbalka dalkeenna annaga ayaa go’aansanayna.”
Trump, oo ka hadlayay Aqalka Cad, ayaa mar kale ku celiyay aragtidiisa ah in xakamaynta Mareykanka ee Greenland ay muhiim u tahay amniga qaranka, isaga oo sheegay in Ruushka ama Shiinaha ay ballaarin karaan saameyntooda Arctic-ga haddii kale. Waxa uu sheegay in Mareykanku uu ku dadaali doono in arrintaas lagu gaaro "hab fudud” oo ah heshiis, ama "hab adag” haddii loo baahdo, isaga oo aan gebi ahaanba meesha ka saarin adeegsiga awood ciidan.
Greenland, oo ah jasiiradda ugu weyn dunida, waxa ku nool qiyaastii 57,000 oo qof, waana dhul is-maamul ah oo hoos yimaada Kingdom of Denmark. Mas’uuliyiinta Copenhagen iyo Nuuk ayaa si isdaba joog ah u sheegay in Greenland aanu iib ahayn.
Marka laga soo tago goobteeda istaraatiijiga ah ee Arctic-ga, Greenland waxa ay hodan ku tahay khayraad dabiici ah, oo ay ku jiraan macdano dhif ah iyo walxo muhiim u ah tiknoolajiyada cagaaran. Waxa kale oo la rumeysan yahay in jasiiraddu ay leedahay kayd ballaaran oo shidaal iyo gaas ah. Inkasta oo inta badan khayraadkaasi ay adag tahay ama qaali ku tahay in la soo saaro, haddana muhiimaddiisu way korodhay, iyada oo ay sii xoogeysanayso tartanka caalamiga ah ee silsiladaha sahayda iyo Arctic-ga.
Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Greenland ayaa sheegay in la dedejin doono kulan baarlamaanka, oo loo yaqaan Inatsisartut, si looga doodo hadallada Trump loona xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda shacabka. Taariikhda kulanka lama shaacin. Baarlamaanka ayaa kulankiisii ugu dambeeyay yeeshay bishii November, waxaana la filayay inuu mar kale kulmo 3-da Febraayo.
Hadallada Trump ayaa sidoo kale walaac ku abuuray qaar ka mid ah dowladaha Yurub. Xubno ka tirsan North Atlantic Treaty Organization (NATO) ayaa ka digay in isku day kasta oo Mareykanku ku qabsado Greenland uu yeelan karo cawaaqib culus oo saameeya isbahaysiga. Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in tallaabo noocaas ahi ay si wax ku ool ah u wiiqi karto jiritaanka NATO sida hadda loo yaqaan.
Sida ku xusan heshiis la saxiixay sanadkii 2009, dadka Greenland waxay xaq u leeyihiin inay ku dhawaaqaan madax-bannaani, haddii ay sidaas doortaan, iyada oo loo marayo hannaan dimuqraadi ah. Inkasta oo dhammaan shanta xisbi ay mabda’ ahaan taageersan yihiin madax-bannaanida, haddana way ku kala aragti duwan yihiin waqtiga la qaadayo. Isbahaysiga talada haya ayaa doorbidaya hannaan tartiib ah, halka xisbiga mucaaradka ee Naleraq, oo helay 24.5% codadka doorashadii Greenland ee 2025 uu ku baaqay in si degdeg ah looga go’o Denmark.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda la kulmo wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark iyo wakiillo ka socda Greenland, sida ay sheegeen mas’uuliyiin. Trump ayaa markii ugu horreysay soo hadal qaaday fikradda ah in Greenland la iibsado sanadkii 2019, taas oo si degdeg ah loo diiday.


0 



HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 12- JAN-2026
.