
HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 14- JAN-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dareenka waddaniyeed iyo wadajireed ee ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay mas’uuliyad weyn iska saareyso in wax kasta oo taabanayo nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso.
Nasiib darro dawladda Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dowlad madax banaan oo mid ah, wali maynaan degdegin marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal, qiimayn dheer ka dib waxaa qasab noqotay inaan qaadano go’aanadii shalay soo baxay, go’aanadani waa kuwo ku salaysan difaaca danaha Qaranka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxwaynaha ayaa xusay in sii socoshada heshiisyada Imaaraadka dowladdu kula jirtay ay khatar ku yihiin Qaranimada Soomaaliya iyo midnimada dalka, isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliyeed ay xiriir wanaagsan la leedahay caalamka, balse aysan aqbali doonin wax midnimadeeda dhuleed dhaawacaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaadday ee ku aaddan difaaca wadajirka, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal ay Madaxtooyadu ku baahisay boggeeda rasmiga ah ee Facebook ayaa lagu sheegay in khudbadda soo socota ay diiradda saari doonto xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku difaaceyso midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Khudbaddan ayaa imanaysa xilli ay jirto dareen iyo feejignaan bulsho oo sareysa, taas oo la xiriirta horumarrada siyaasadeed, amni, iyo diblomaasiyadeed ee socda, iyadoo Dowladda Federaalka ay mar kale adkaynayso masuuliyaddeeda dastuuriga ah ee ah ilaalinta danaha aasaasiga ah ee qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu mar kale xaqiijiyo go’aanka adag ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana uu faahfaahin ka bixiyo tallaabooyinka la qaaday si wax looga qabto caqabadaha halista ku ah xasilloonida dalka iyo nidaamka dastuuriga ah.
Khudbadda qaran ee Madaxweynaha ayaa si toos ah looga baahin doonaa warbaahinta dowladda, taasoo u oggolaanaysa muwaadiniinta dalka oo dhan inay si toos ah uga dhageystaan Madaxweynaha arrimaha muhiimka ah ee masiirka qaranka la xiriira.
Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari
Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray magaalada Laascaanood, caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda ee la xiriira wadashaqeynta maamul-goboleedyada.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Xasan iyo sidoo kale wasiirro kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada.
Masuuliyiinta waxaa ku jira xubno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo muujinaysa muhiimadda safarka iyo hab-fekerka loo dhan yahay ee Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamul wanaagga qaranka iyo dib-u-heshiisiinta.
Booqashada wafdiga ee Laascaanood ayaa la filayaa inay diiradda saarto xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari, ka hadalka arrimaha mudnaanta leh ee la xiriira maamul, amni, iyo horumarineed, iyo adkeynta midnimada qaranka iyo kala dambeynta dastuuriga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii waddaa inay mudnaanta siiso wadahadal toos ah iyo la-falgalka maamul-goboleedyada, iyadoo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo nabadda, kor loogu qaadayo adeegyada bulshada, laguna dardargelinayo dhismaha dowladnimo ee dalka.
Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo maanta yimid Muqdisho.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Itoobiya iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa maanta safar aan la shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho
Ridwan Xuseen, ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana lagu soo warramayaa inuu gaarsiiyay farrin uu ka siday raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Lama oga faahfaahinta farrinta, balse waxaa loo badinayaa inay ka wada hadleen isbedellada ka jira gobolka.
R/Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axaddii gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Abiy ku yiri "Waxaa aan imid dalka Jabuuti oo uu si diiran iigu qaabilay madaxweynaha.
Wada-hadalkeennu wuxuu diiradda saaray dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeedka, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga, saadka, iyo horumarinta, annagoo xaqiijinayna sida ay nooga go’an tahay xasilloonida, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo barwaaqada labada dhinac”.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Geeska Afrika ka dib markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.
Ilaa hadda war ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan safarka uu taliyaha sirdoonka Muqdisho ku tegay maanta.
Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta arxanka daran, si loo ilaaliyo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay walaac ballaaran oo ka taagan dunida Islaamka iyo tan caalamka.
Mowqifkan ayaa lagu muujiyay shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo dhawaan lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carbiya, halkaas oo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Indonesia, Anis Matta, uu sheegay in maamulka Waqooyi Galbeed Somaliland uu yahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya, isla markaana Indonesia ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
Indonesia ayaa si rasmi ah u diidday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, kana hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, waxay ku baaqday in arrinta Somaliland lagu xalliyo hannaan gudaha Soomaaliya ah, iyada oo aan faragelin shisheeye jirin.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Indonesia, Mudane Sugyono, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Soomaaliya.
Ka hor shirka OIC, Indonesia waxay ku biirtay bayaan wadajir ah oo ay hormuud u ahayd Masar, isla markaana ay taageereen 22 dal, OIC iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaas oo si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna adkeeyay ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Shirka OIC waxaa ka qayb galay 39 dal oo xubno ka ah ururka, waxaana gunaanadkii lagu ansixiyay laba qaraar, midkoodna si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana adkeeyay go’aanka OIC ee ilaalinta midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya.
Sucuudiga oo mar kale caddeeyey sida uu u diidan yahay kala qaybinta Soomaaliya
Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in Sacuudiga uu si adag uga soo horjeedo isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo ka hor imaanaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wadajirka dhulkeeda.
Goluhu sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan kala-qaybin kasta ama fal kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Dhanka kale, Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhoweysay go’aannada geesinimada leh ee horay uga soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maamulka Puntland oo war ka soo saaray go’aankii dowladda dhexe ee Imaaraadka
Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeedsaday go’aankii dowladda federaalka ee ahaa in dowladda Soomaaliya ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Bayaan ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay "in Puntland ay leedahay masuuliyadda ilaalinta, laalista iyo waxkabadlka heshiisyada hormarak taabana”.
Puntland waxay xustay in heshiiyadaas qaar ka mid ah ay gacan ka gaystaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Daacish & Al-shabaab, iyo sidoo kale la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ee halista ku ah adduunka.
Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta.
Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu buriyo heshiisyadii ay horay ula gashay Imaaraadka Carabta.
Jubaland waxay sheegtay in heshiisyada la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga ay ka mid yihiin awoodaha ay Dastuur ahaan u leedahay, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka xaq u lahayn inay baabi’iso ama wax ka beddesho.
Waxay sidoo kale xaqiijisay in heshiisyadaasi sii shaqaynayaan ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto.
Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay amar cusub oo ku saabsan la-wareegidda hubka loo adeegsado dambiyada ka dhanka ah nabadgelyada guud, kaddib marka ay maxkamaddu xukun ku riddo dambiilaha.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in amarkan uu dhaqan-gelayo, islamarkaana uu ka tarjumayo masuuliyadda dastuuriga ah ee Wasaaraddu ka saaran tahay sugidda amniga guud iyo xakamaynta hubka sharci-darrada ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hub kasta oo loo adeegsado fal dambiyeedyo wax u dhimaya nabadgelyada muwaadiniinta Galmudug, hantidooda iyo sharaftoodaba, laga la wareegi doono dambiilaha marka ay maxkamaddu xukun rasmi ah ku riddo.
Sida lagu caddeeyay amarkan, marka xukunka maxkamaddu dhaqan-galo, hubkii lagu galay dambigaas waxaa si rasmi ah maxkamaddu ugu wareejin doontaa Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug, si looga hortago in mar kale loo adeegsado falal amni-darro ah.
Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug ayaa fartay dhammaan hay’adaha ay khusayso amarkan, oo ay ku jiraan laamaha amniga iyo garsoorka, in ay si buuxda u fuliyaan amarkan, si loo xoojiyo nabadgelyada iyo kala dambeynta bulshada.
Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta.
Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriirtay awood ay ku sheegtay inay ku leedahay heshiisyada la xiriira Dekedda Berbera.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si buuxda u diidan tahay hadallada ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dooneyso inay ku sheegato awood sharciyeed oo ku saabsan heshiisyo ka dhacay Berbera.
Somaliland waxay caddeysay in Berbera ay tahay qayb ka mid ah dhulka madaxbannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya wax sharci ah, maamul ama awood wax ku ool ah ku lahayn dhulkaas iyo heshiisyada ka hirgalay.
Sidoo kale, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ahayn dhinac ka mid ah heshiisyada ay Somaliland la gashay dalalka kale, isla markaana aysan wax sharci ah u lahayn inay joojiso, wax ka beddesho ama faragelin ku sameyso heshiisyadaas.
Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah loogu xusay in dhammaan heshiisyada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwo sharci ah, ansax ah, islamarkaana si buuxda u waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah.
Somaliland waxay ku tilmaantay faragelin kasta oo ka timaadda Villa Soomaaliya mid aan sharciyad caalami ah lahayn, kana hor imaaneysa xaqiiqooyinka jira iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Somaliland ayaa muujisay mahadcelin ay u jeedisay Dowladda Imaaraadka Carabta, iyada oo xustay iskaashi muddo dheer soo jiray oo ku saleysan xasillooni, horumar dhaqaale iyo ixtiraam dhinac walba ah.
DP World oo ka hortimid go’aankii DFS”Dekedda Berbera Shaqadeedu way socotaa”
Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hawlaha Dekedda Berbera ay si caadi ah u socdaan, islamarkaana uusan wax saameyn ah ku yeelan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Qoraal ay DP World la wadaagtay wakaaladda wararka ee Reuters ayay ku caddeysay in shaqada dekedda, adeegyadeeda ganacsi iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ay sii wadaan sidii hore, iyada oo aan wax carqalad ah jirin, isla markaana ay ku shaqeynayaan heshiisyadii hore u jiray.
Tallaabadan ayaa imaneysa kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyada dekedaha, iskaashiga amniga iyo difaaca, iyada oo ku eedeysay Imaaraadka inuu ku xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya.
DP World ayaa si cad u diiday go’aankaas, waxayna sheegtay in arrimaha la xiriira go’aannada siyaasadeed, wada-hadallada dowladaha iyo mowqifyada diblomaasiyadeed ay tahay in loo daayo hay’adaha ay khuseyso.
Warbixinta Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in xiisadda ay kusoo beegantay kaddib kacsanaan ka jirta Yemen, halkaas oo ay isku hayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana Dowladda Soomaaliya ay billowday baaritaan ku saabsan eedeymo la xiriira in Imaaraadku hoggaamiye gooni-u-goosad ah uga saaray Yemen isagoo soo maray Soomaaliya.
DP World ayaa intaas ku dartay in ay diiradda saarayso badbaadada, hufnaanta iyo shaqo wanaagga dekedda Berbera, ayna ka shaqeynayso horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Shirkadda DP World ayaa maalgelin dhan 442 milyan oo dollar ku sameysay horumarinta iyo maamulidda Dekedda Berbera, taas oo ka mid ah xiriirrada dhaqaale iyo amni ee Imaaraadka Carabta la leeyahay Somaliland.
Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Soomaaliland ayaa kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee lagu burriyay heshiisyadii Imaaraadka ay horay ula gashay Dowladda Soomaaliya
Jubbaland oo si rasmi ah u diiday go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu laalay heshiisyadii Imaaraadka
Maamulka Jubbaland ayaa si adag u diiday go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi’inayay heshiisyadii ay Imaaraadka Carabta la galeen dowlad-goboleedyada, gaar ahaan heshiiska la xiriira dekedda Kismaayo.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uusan aqoonsanayn go’aankaas, isla markaana uu yahay mid baalmarsan dastuurka iyo awoodaha dowlad-goboleedyada.
Jubbaland waxay ku adkeysatay in Dastuurkeeda iyo kan Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay si cad ugu oggolaanayaan inay iyadu maamusho heshiisyada la xiriira ganacsiga, maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ka jira deegaannadeeda.
Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in kaliya Jubbaland ay xaq u leedahay in ay wax ka beddesho ama buriso heshiisyada la xiriira dekedda Kismaayo iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee ku yaalla dhulkeeda, taasoo ay ku tilmaantay arrin ku saleysan sharci iyo dastuur.
"Dowladda Jubaland kaliya ayaa leh awoodda buuxda ee wax ka beddelka ama baabi’inta dhammaan heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni, gaar ahaan kuwa ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha, sida uu si cad u qeexayo Dastuurka Jubbaland iyo kan Federaalka Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan marka la eego sida loo wajahayo xiriirka lala leeyahay dalalka shisheeye iyo heshiisyada istiraatiijiga ah ee la xiriira dekedaha, amniga iyo maalgashiga.
Maamulka Trump oo soo afjaray Xaaladda Ilaalinta Ku-Meelgaarka ah (TPS) ee Soomaalida ku sugan Maraykanka
Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in uu soo afjarayo Xaaladda Ilaalinta Ku-Meelgaarka ah (Temporary Protected Status – TPS) ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, taas oo ka dhigan in dadka barnaamijkaasi khuseeyo ay dalka ka baxaan ama ay helaan sharci kale oo ay ku sii joogaan, ugu dambayn 17-ka Maarso 2026.
Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka, Kristi Noem, ayaa sheegtay in xaaladaha ka jira Soomaaliya aysan mar dambe buuxin shuruudihii sharciga ahaa ee lagu siin jiray TPS, kaas oo u oggolaanayay muwaadiniinta dalal ay ka jiraan colaado ama masiibooyin inay ku noolaadaan kuna shaqeeyaan Maraykanka iyaga oo aan ka baqayn masaafurin.
"Ku-meelgaar micnihiisu waa ku-meelgaar,” ayay Noem ku tiri bayaan ay soo saartay. "Xaaladaha Soomaaliya way soo hagaageen heer aysan mar dambe u qalmin shuruudaha Xaaladda Ilaalinta Ku-Meelgaarka ah.”
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maraykanka (USCIS) ayaa sheegtay in ilaalinta iyo rukhsadda shaqada ee ay bixiso TPS ay si rasmi ah u dhammaan doonto marka uu gaaro waqtiga kama dambaysta ah. Waaxda Amniga Gudaha ayaa ku boorrisay dadka ay khusayso inay si iskaa ah dalka uga baxaan, iyadoo ka digtay in kuwa ku sii nagaada iyaga oo aan haysan sharci kale ay wajihi karaan xarig iyo masaafurin.
Qiyaasta tirada dadka ay arrintani saameyn doonto way kala duwan tahay. Xog ay soo xigteen warbaahinta Maraykanka ayaa muujinaysa in ku dhowaad 2,471 muwaadiniin Soomaaliyeed ay hadda haystaan TPS, halka 1,383 codsi oo kale ay wali sugayaan go’aan. Warbixin ay soo saartay Hay’adda Cilmi-baarista ee Kongareeska (Congressional Research Service) sanadkii 2025 ayaa sheegtay in qiyaastii 705 qof oo Soomaali ku dhashay ay markaas haysteen TPS guud ahaan dalka.
Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay Soomaaliya u asteeyay barnaamijka TPS sanadkii 1991, xilli ay dalka ka jireen dagaallo sokeeye oo baahsan. Barnaamijkan, oo Kongareesku sameeyay 1990, ayaa marar badan la kordhiyay sababo la xiriira amni-xumo iyo dhibaatooyin bani’aadannimo oo ka jiray Soomaaliya.
Go’aankan ayaa si gaar ah u saameyn kara gobolka Minnesota, halkaas oo aagga Twin Cities uu martigeliyo tirada ugu badan ee Soomaali-Maraykan ah dalka oo dhan. Tallaabooyinka la xiriira adkeynta socdaalka ee ka socda Minneapolis iyo nawaaxigeeda ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhaliyay mudaaharaadyo iyo walaac ay muujiyeen hoggaamiyeyaasha bulshada.
Maamulka Trump ayaa horey ugu dhaqaaqay joojinta TPS dalal kale oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Haiti, Koonfur Suudaan iyo Venezuela, iyadoo qaar ka mid ah go’aannadaas ay hadda horyaallaan maxkamadaha.
Puntland oo ka hortimid go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Imaaraatka
Puntland ayaa ka hortimid waxay ku tilmaantay faragelin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameyneyso arrimaha amniga gudaha ee Puntland, iyadoo mar kale xaqiijisay in wada-shaqeynta ay la leedahay Imaaraadka Carabta (UAE) ay tahay mid sharci ah oo ku saleysan dastuurka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay Puntland soo saartay, ayaa lagu sheegay in Puntland ay waajib dastuuri ah u leedahay, sida ku cad Dastuurka Puntland iyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya (2012), gaar ahaan Qodobka 142-aad, in ay maamusho oo ay ilaaliso amnigeeda, oo ay ku jirto ilaalinta xuduudaha iyo la-dagaallanka argagixisada sida Daacish iyo Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka aysan haysan wax saldhig sharci ah oo ay ku farageliso heshiisyada amniga ee la xiriira mashruuca horumarinta Dekedda Boosaaso ama iskaashiga amni ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo wada-shaqeyntaas lagu tilmaamay mid sharci ah oo lama huraan ah.
Puntland ayaa sidoo kale muujisay walaac ku saabsan waxa ay ku sheegtay ku-xadgudubyo dastuuri ah oo soo noqnoqday oo ay sameyneyso Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, iyadoo ka digtay in falalkaasi ay horseedi karaan xasillooni-darro siyaasadeed isla markaana wiiqi karaan midnimada qaranka. Puntland waxay ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku laabto jid dastuuri ah oo ixtiraamaya awoodaha dowlad-goboleedyada iyo hay’adahooda.
Puntland ayaa xusuusiyay go’aankii ay qaadatay sanadkii 2023 ee ahaa in ay hakiso wada-shaqeyntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, taasoo ay sabab uga dhigtay ku tumasho joogto ah oo lagu sameynayo nidaamka federaalka iyo qaab-dhismeedka dastuurka. Inkasta oo ay mar kale xaqiijisay diyaar u ahaanshaha wadahadal.
Puntland waxay mar kale ku celisay go’aankeeda ah in ay sii wadeyso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta iyo shirkadda fulineysa mashruuca Dekedda Boosaaso, iyadoo sheegtay in wada-shaqeyntani ay taageereyso amniga, koboca dhaqaalaha iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland oo baaq u diray Midowga Afrika iyo dalalka Carabta
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay waddamada Afrika iyo Carabta in aanay ka hadhin aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay raadinayso xidhiidho ku dhisan wax-wada-qabsi iyo is-ixtiraam.
Waxa uu sheegay in kaddib aqoonsiga Israa’iil ay dalal kale iyaguna aqoonsan doonaan Somaliland, isaga oo tilmaamay in cidda keliya ee aan ogayn shaqada ay Somaliland qabatay iyo dadaalka diblomaasiyadeed ee ay ku jirto uu aqoonsigeedu kadis ku noqday.
Waxa uu u mahadceliyay dowladda Israa’iil, intaa kaddibna isaga oo la hadlaya dalalka Islaamka iyo Afrika, waxa uu sheegay in looga baahna in ay hormuud ka noqdaan aqoonsiga Somaliland, haddiise looga hormaray, ay hadda ku soo biiraan waddada aqoonsiga, isaga oo xusay in Somaliland ay raadinayso xidhiidho ku dhisan is-ixtiraam iyo dano-wadaag.
"Waxa aanu idinka mudnayn in aad hoggaamisaan garab-siinta qadiyadda Somaliland; haddiise laydinka dheereeyay, weli fursado badan ayaa idiin furan idinka oo gobonnimada ilaalinaya. Yaannu muusanawga maan-gaabku idin hodin, hana ka hadhina aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sheegay in maanta ay kala cadaadeen waddamada cadowga ku ah Somaliland iyo kuwa saaxiibka la ah, isaga oo ku booriyay guud ahaan reer Somaliland in ay midnimo kaga hortagaan cadaadiska kaga imanaya waddamada kasoo horjeeda.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan wadatashi ah oo uu la yeeshay wasiirradii hore ee soo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, kuwaas oo siddeed ka mid ahi ka soo qayb-galeen kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland.
Sidee ayay Soomaalida u saameyneysaa sharciga TPS ee uu Trump joojiyay?
Maamulka Trump ayaa joojinaya Xaaladda Ilaalinta Ku-meel-gaadhka ah ee loo yaqaanno (TPS) ee la siin jiray dadka kasoo keynaanay deegaannada Soomaalida, taas oo fududaynaysa in kumannaan qof laga matatariyo dalka Mareykanka.
"Xaaladda dalka Soomaaliya ayaa soo hagaagtay [gaadhayna] heer aysan nidaamku u arkin inay weli buuxinayso shuruudaha," ayay tidhi Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem.
TPS waxay ka hortagtaa saraakiisha Mareykanka inay masaafuriyaan muhaajiriinta loo arko in dalalkoodu khatar yihiin. Laga bilaabo 17-ka Maarso, ku dhawaad 2,500 Soomaali ah ayaa lumin doona oggolaanshahooda shaqo iyo xaaladdooda sharci, taas oo ka dhigaysa kuwo la matatarin karo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad u sheegay inuusan rabin soo galootiga Soomaaliyeed ee Mareykanka, wuxuuna Minneapolis ka bilaabay olole ballaadhan oo lagu qabqabanayo laguna masaafurayo dadka sharci-darrada ku jooga dalka.
"Ku-meel-gaadh macnaheedu waa ku-meel-gaadh," ayay Noem ku tidhi bayaan ay BBC u dirtay. "Sidoo kale, oggolaanshaha muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si ku-meel-gaadh ah u sii joogaan Mareykanka waa ka soo horjeedda danaha qarankeena. Waxaan hormarinaynaa dadka Mareykanka ah." Golaha Congress-ka ayaa TPS ku aasaasay 1990 si loo siiyo magan-gelyo dadka ka yimid dalal ay ka jireen dagaallo ama masiibooyin dabiici ah. Muhaajiriinta leh oggolaanshaha TPS badanaa waxaa loo oggolaadaa inay si sharci ah ugu noolaadaan uguna shaqeeyaan Mareykanka.
Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa BBC u sheegtay in ay jiraan 2,471 Soomaali ah oo haysta TPS, iyo 1,383 qof oo codsiyadoodu wali sugayaan.
DHS ayaa ku jawaabtay qoraal internet-ka lagu faafiyay oo ku saabsan joojinta xaaladda ilaalinta, iyagoo soo dhigay sawir Trump ah oo wata qoraalka: "Aniga ayaa hadda taliyaha ah."
Noem bishii hore waxay ku dhawaaqday in Minnesota la geeyay saraakiil badan oo socdaalka ah, halkaas oo ay ku nool yihiin bulsho Soomaaliyeed oo badan isla markaana baadhitaan federaal ah oo musuq-maasuq ah uu dhibaato ku keenay xarumaha daryeelka carruurta ee gobolka, taas oo maamulka ku xidhay muhaajiriinta Soomaaliyeed.
Jonathan Ross, oo ah sarkaal fulinta socdaalka, ayaa todobaadkii hore toogasho ku dilay muwaadin Mareykan ah oo lagu magacaabo Renee Good iyadoo ku jirta gaarigeeda intii lagu jiray hawlgalka Minneapolis, taas oo kicisay mudaharaadyo waaweyn gudaha iyo dalka oo dhan. Maamulka Trump ayaa sheegay in sarkaalka uu is-difaacay, balse mas'uuliyiinta deegaanka ayaa ku adkaystay in haweeneydu aysan khatar ku ahayn.
Trump ayaa bilo badan sheegay inuu doonayo muhaajiriinta Soomaaliyeed inay dalka ka baxaan, isagoo leh waa inay "ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen" Trump wuxuu kaloo sheegay in Mareykanku "jid khaldan mari doono haddii aan sii wadno inaan qashinka [dalka] soo gelinno."
Ka hor intaan la shaacin Talaadadii, Trump ayaa internet-ka ku qoray: "HA CABSANINA, DADKA WEYN EE MINNESOTA, MAALINTA XISAABTA & AARGUDASHADA WAY SOO SOCOTAA!"
TPS ka Soomaaliya markii ugu horreysay waxaa la sameeyay 1991 waxaana sameeyay madaxweynihii Jamhuuriga George H W Bush, kadib markii dagaal sokeeye ka qarxay dalka, waxaana dib loo cusboonaysiinaayay tan iyo markaas madaxweynayaal Jamhuuri iyo Dimuqraadi ahba.
Maamulka Biden ayaa dib u cusboonaysiiyay TPS ee Soomaaliya muddo 18 bilood ah oo sharcigu oggol yahay, taas oo ku eg Maarso.
Sanadkii la soo dhaafay, maamulka Trump ayaa ku dhaqaaqay inuu joojiyo TPS ee muhaajiriinta ka yimid dalal hore loogu arkay khatar, oo ay ku jiraan Venezuela, Haiti, Afghanistan, iyo Nepal.
Isku dayadaas ayaa maxkamadaha lagu murmay, waxaana bishii Sebtembar garsoore federaal ah ku xukumay in joojinta TPS ee dadka reer Haiti iyo Venezuela ay ahayd sharci-darro.
Maxay Soomaalida uga dhigan tahay?
Amiin Haaruun oo ah garyaqaan arrimahanna si dhow ula socday ayaa sheegay inuu sharcigan yahay mid ku meel gaar ah oo la siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sharciga rasmiga ah ee Mareykanka waayay oo 18kii biloodba mar la cusbooneysiiyo.
Wuxuu xusay inay dad kooban oo Soomaali ah uun heystaan sharcigan, kaasoo ilaa 1991-dii ahaa sharci Soomaalida u furnaa.
Dadka sharcigan heysta ayuu sheegay inay caqabad lasoo gudboonaatay maaddaama ay dalka ku joogaan kuna shaqeystaan oo guud ahaan nolosha dalkaasna u fududeynayay.
"Markuu dhaco waxay noqonayaan dad aan sharci heysan oo halis ugu jira in musaafurin lagu sameeyo ama ay shaqeysan kari waayaan," ayuu yiri.
"Sanadkan maba kusii jiro oo dowladda olole xooggan ayay ka wadaan qabqabashada iyo musaafurinta."
Wuxuu sheegay inay jiraan dad sugayay kiiskooda oo sharciga dalbaday, kuwaasna ay hore usii wadan doonaan dacwaddooda balse kuwii hore sharciga u waayay ay halis ku jiraan.
Wuxuu xusay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in dadka ay diyaargarow galaan oo ay qareennadooda la xiriiraan si ay xaaladdooda ugu kala caddaato amaba xogta saxda ah uu helo.
"Laakiin qofkii aysan fursad kale usoo baxeyn waa inuu is diyaariyo, qoyskiisa iyo qarabadiisana uu diyaariyo, haddii ay timaaddo in la qabto oo la celiyo haddii uu hanti lahaa waa inuu u diyaaryo ciddii mas'uul uga noqon lahay." Ayuu intaa raaciyay.
Afwerki oo bixiyay xog xasaasi oo ku saabsan Imaaraadka iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay xaaladaha ka aloosan Geeska Afrika iyo Badda Cas, isagoo si cad uga hadlay ajandaha dagaal ee Itoobiya, faragelinta shisheeye, iyo doorarka Imaaraadka Carabta ee gobolka.
Madaxweyne Afwerki wuxuu sheegay in Eritrea aysan ka welwelin ajandaha dagaal ee Itoobiya, inkastoo ay ku faanayso hubka ay urursatay iyo diyaarado drone ah. Wuxuu caddeeyay in Eritrea aysan rabin dagaal, balse haddii lagu qasbo ay si buuxda isu difaaci karto, islamarkaana ay garanayso qaabka iyo xeeladaha difaaca dalkooda.
Afwerki wuxuu ku eedeeyay xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya in ajandahooda ay dabada ka riixayaan xoogag shisheeye oo doonaya in colaado ka aloosaan gobolka, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan Suudaan.
Wuxuu yiri: "Itoobiya waxaa majaraha u haya kuwa Suudaan qaska ka wadda, ee gobolkana doonnaya in ay xasilooni darro ka abuuraan. Anagu waan naqaana sida loo difaaco dalkeena.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Eritrea wuxuu ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inuu yahay jilaaga ugu weyn ee xasilooni darrada ka abuurey Suudaan, isagoo isku dayaya inuu xiisad ka abuuro Geeska Afrika, isagoo dabada ka riixaya Itoobiya iyo kooxo kale si loo sii huriyo khilaafaadka gobolka.
Afwerki wuxuu xusay in Badda Cas iyo Geeska Afrika ay leeyihiin muhiimad istiraatijiyadeed oo weyn, lagama maarmaan u ah ilaalinta marin-biyoodka, ka hortagga burcad-badeedda, iyo amniga gobolka. Wuxuu caddeeyay in iskaashiga dalalka xeebaha leh, sida Sacuudi Carabiya iyo Masar, uu yahay furaha xasilloonida iyo horumar waara.
Afwerki wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka Eritrea iyo gobolka uu ku xiran yahay nabad iyo iskaashi goboleed, isagoo tilmaamay in Eritrea ay qorsheyneyso mashaariic dhinaca badda, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xoojiyo horumarka mustaqbalka.


0 


HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 14- JAN-2026
.