HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 17- JAN-2026

0
Saturday January 17, 2026 - 07:28:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 17- JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha jfs oo ku adke eyey odayaasha dhaqanka waq ooyi bari xoojinta midnimada, nabadda iyo dowlad-dhiska

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa kulan la qaatay odeyaasha dhaqanka dowlad-goboleedka waqooyi bari oo uu kala hadlay adkeyntamidnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa odeyaasha dhaqanka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka soomaaliyeed, isaga oo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Dhankooda, odeyaasha dhaqanka ee uu la kulmay madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha maamulka waqooyi bari, iyagoo muujiyey dareen soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Raysal wasaare xamse cabdi barre oo ka degay laascaanood

Raysal wasaaraha somaliya, xamse cabdi barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalaygaaray magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool.

Wafdiga raysal wasaaraha somaliya oo la socday diyaarad ka timid dhinaca magaalada muqdisho ayaa salaaddii jimcaha ka dib ka degay garoonka diyaaradaha laascaanood.

Madaxweynaha maamulka waqooyi bari, cabdiqaadir axmed aw-cali (firdhiye) iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa wafdiga raysal wasaaraha ku soo dhaweeyay diyaaradda afkeeda hore, ka dib markii ay ka deggeen garoonkaasi.

Raysal wasaaraha ayaa waxaa safarkiisan ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka.

Raysal wasaare xamse cabdi barre ayaa la filayay in ay hal mar magaalada wada iman doonaan isaga iyo madaxweyne xasan sheekh maxamuud, lamana oga sababta ka dambeysa dib u dhaca madaxweynaha.

Madaxda dowladda federaalka ayaa lagu wadaa in ay laascaanood kaga qaybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha maamulka waqooyi bari.

Booqashadan ayaa waxay noqoneysaa middii labaad ee raysal wasaaraha somaliya uu ku tago magaalada laascaanood ee xarunta maamulka waqooyi bari.

Raysal wasaare barre ayaa 12-kii bishii april ee sanadkii 2025 gaaray laascaanood, isaga oo sida la sheegay noqday raysal wasaarihii ugu horreyay ee soomaaliyeed ee xil haya ee taga laascaanood.

Haddii madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu saacadaha soo socda gaaro laascaanood ayaa waxa uu noqon doonnaa madaxweynihii ugu horreyay jamhuuriyadda federaalka ee taga magaaladaasi, tan iyo intii dib loo yegleelay dowladnimada somaliya, muddo laga joogo ku dhawaad 26 sano.

Madaxweynaha galmudug oo ka degay magaalada laascaan ood

Madaweynaha dowlad goboleedka galmu dug, axmed cabdi kaariye (qoorqoor) ayaa shalaygaaray magaalada laascaa nood, iyadoo ayna noqoneyso booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago magaaladaasi.

Madaxweynaha galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha laascaanood ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulka waqooyi bari, cabdiqaadir axmed aw-cali (firdhiye).

Madaxweyne qoorqoor ayaa waxaa ka soo horreyay oo magaalada ka degay ciidanka ilaalada madaxtooyada galmudug.

Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka ayaa laascaanood kaga qaybgelaya caleemo-saarka madaxweyne firdhiye.

Madaxda maamulka waqooyi bari iyo dadka reer laascaanood ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta madaxda gaaraya magaaladaasi.

Dowladda oo ku dhawaaqday go’aan kale oo lagu diiday…

Dowladda soomaaliya ayaa mar kale ku dhawaaqday go’aan kale oo xasaasi ah, kadib tallaabadii ay ka qaaday imaara adka carabta oo ay ku eedeysay inuu sameeyay xadgudub wayn.

Wasiirka warfaafinta soomaaliya, daa’uud aweys jaamac oo wareysi siiyay bbc-da ayaa ka digtay inaan la geli karin heshiis aanay ogeyn dowladda federaalka, waana go’aan saameyn doono maamul-goboleedyada dalka.

Daa’uud aweys ayaa tilmaamay in sharci aanu noqon doonin heshiis kasta oo aqbalaad aanu ka haysan dowladda dhexe ee soomaaliya.

"waxaa dalka mas’uul ka aha dowladda dhexe ee federaalka heshiis kasta oo la galaya si uu sharci u noqdo waxaa qasab ah inuu ogolaansho ka haysto dowladda federaalka marka heshiis aysan dowladdu ka haysan aqbalaad amaba aysan ka haysan ogolaasho heshiis sharci ah ma noqon karo” Ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dalalka la macaamila soomaaliy, isaga oo ku wargeliyay inay la socdaan go’aamada soo baxay oo muhiim u ah dalka.

"dalka waxaas ku dhiirada waxaa uu u bareerayaa heshiis sharci darro ah inuu doonayo inuu ka fuliyo dalka soomaaliya” Ayuu mar kale yiri daa’uud aweys.

Go’aankan ayaauu daba socda kulankii golaha wasiirrada ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii ay dowladda kula jirtay dalka imaaraatka carabta.

Si kastaba, go’aanka dowladda federaalka ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaat aynayo gobonnimada, midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasa deed ee jamhuuriydda federaalka soomaaliya

 

Wasiirka gaashaandhigga xfs oo kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan cxds iyo daraawi ishta dawlad goboleedka waqo oyi bari ee ku sugan guumays

Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya mudane axmed macalin fiqi ayaa shalaykormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidamada.

Xoogga dalka soomaaliyeed iyo daraaw iishta dawlad goboleedka waqooyi bari ee ku sugan difaacyada aagga guum ays.

Wasiirka ayaa ciidamada iyo saraaki isha kula dardaarmay xoojinta nabadda, ilaalinta midnimada dalka iyo ka hortagga mashruuca shisheeye ee kala goynta dalka.

"waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in calanka jamhuuriyadda federaalka soo maaliya, kan ciidanka xoogga dalka iyo kan dowlad goboleedka waqooyi bari ay ka babanayaan guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa, waxaana raj aynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaa nnada gooni-goos adka gacantooda ku haray soomaalini madu ha guulaysato,” Ayuu yiri wasiirka gaasha andhigga soomaaliya axmed macalin fiqi.

Argagixisada, tahriibinta sharci-darrada ah iyo falalka kale ee amniga lidka ku ah.

Dowladda federaalka soomaa liya oo ciidamadii uga diiwaan gashanaaa puntland u dirtay laascaanood

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa jiidaha hore ee dagaalka ee gobolka sool geysay ciidamo horay uga tirsanaa puntland, sida guutada danab iyo ciidanka psf, kuwaas oo la geeyay goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka waqooyi bari.

Madaxweynaha maamulka waqooyi bari, cabdiqaadir axmed cali (firdhiye), oo ciidamadan ku soo dhoweeyay magaalada laascaanood, kaddib markii ay ka yimaadeen garowe iyo boosaaso, ayaa sheegay in ciidamadan ay gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan difaaca dhulka maamulka waqooyi bari. Wuxuu intaas ku daray in ciidamadu si toos ah uga howlgalayaan aagga guumays, oo masaafo kooban u jira goobta ay isku horfadhiyaan ciidamada somaliland iyo kuwa waqooyi bari.

Madaxweyne firdhiye ayaa sheegay in ciidamadan lagu soo diray amar ka yimid dowladda federaalka soomaaliya, isla markaana ay ka mid yihiin ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed ee ka howlgalla puntland iyo waqooyi bari.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay yihiin isla ciidamadii hore uga qeyb qaatay xoreynta gobolka sool, isla markaana ay mar kale diyaar u yihiin difaaca sool iyo guud ahaan dhulka hoos yimaada maamulkiisa, si looga hortago weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca somaliland.

Madaxweyne xasan sheikh ayaa ku wajahan magaalada laascaanood, isagoo noqon doona madaxweynihii ugu horreeyay ee soomaaliyeed ee halkaas taga, kaddib geeridii madaxweyne cabdirashiid cali sharmaarke oo halkaasi tagay sannadkii 1969, isagoo kaddibna lagu dilay markii uu halkaas tagay saacaddo kaddi

Soomaaliya oo taageertay qa raar cusub oo golaha ammaan ka ah oo xoojinaya amniga bad da cas

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa u codeysay ansixinta qaraarka golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee tirsigiisu yahay 2812, kaas oo lagu xoojinayo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo amniga badda cas, oo ka mid ah marin-badeedka ugu muhiimsan caalamka marka loo eego ganacsiga adduunka iyo dhoofinta tamarta.

Qaraarkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya halista sii kordheysa ee ka taagan marin-badeedkan istiraatiijiga ah, iyadoo ay sare u kaceen falalka khatar gelinaya maraakiibta ganacsiga, amniga tamarta, iyo isku socodka badeecadaha caalamiga ah. Badda cas ayaa ah marin isku xira qaarado kala duwan, waxaana maalin walba adeegsada boqolaal maraakiib ah oo xambaarsan shidaal, badeecooyin ganacsi iyo sahay caalami ah.

Diblomaasiyiinta soomaaliya ee ka qeyb galay doodaha golaha ammaanka ayaa adkeeyay in amniga badda uusan noqon karin mid waara haddii aan si buuxda loo tixgelin madaxbannaanida dowladaha ku teedsan aagga, isla markaana aan wax laga qaban sababaha dhabta ah ee keena colaadaha iyo qalalaasaha amni.

Waxay sheegeen in xalalka ku-meel-gaarka ah aysan ku filneyn, ayna lama huraan tahay in la wajaho caqabadaha salka u ah khataraha amni ee badda.

Soomaaliya ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan qodobbo asaasi ah oo ay rumeysan tahay in ay horseedi karaan amni waara, kuwaas oo ay ka mid yihiin in si buuxda loo ixtiraamo madax-bannaanida iyo karaamada dowladaha mandiqadda, isla markaana la joojiyo dhibaatooyinka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee keena isku dhacyada halista ah.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan sharciyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa quseeya badaha, maraakiibta ganacsiga iyo xuquuqda dowladaha xeebaha leh. Soomaaliya ayaa tilshalayy in jebinta shuruucdan ay abuureyso jawi amni-darro oo saameyn ku yeesha dhammaan caalamka, gaar ahaan dalalka nugul.

Qodob kale oo muhiim ah oo soomaaliya ay carrabka ku dhufatay ayaa ah in hoggaaminta dadaallada amniga badda cas ay hormuud ka noqdaan dalalka leh xeebaha ku teedsan baddan, maaddaama ay yihiin kuwa ugu saameynta badan uguna xog-ogaalsan xaaladaha dhabta ah ee ka jira aagga. Hoggaan mas’uuliyad leh oo maxalli ah, ayay soomaaliya ku tilshalayy mid fure u ah xal waara.

Sidoo kale, soomaaliya waxay ku baaqday in la xoojiyo iskaashi caalami ah oo dhab ah, kaas oo ku saleysan isku-duwid, kalsooni iyo wadaagidda xogta amniga, si looga hortago khataraha sida burcad-badeedda,

Howlwadeenno ka tirsan gaa shaandhigga oo loo qabtay tab abar aqoon kororsi ah

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga, mudane cabdifataax cabdulqaadir faarax ayaa shalayfuray tababar aqoonkororsi ah oo loogu talagalay kor u qaadista hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maareynta maaliyadda ee waaxyaha wasaaraddaasi. Tababarkan waxaa bixinaya khubaro ka socda mashruuca sjgap, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta awoodda shaqaalaha, fahamka habraacyada hanti-dhowrka gudaha iyo hirgelinta nidaamyada casriga ee lagu ilaalinaayo hantida wasaaradda.

Mudane cabdifataax cabdulqaadir faarax ayaa xusay muhiimadda uu tababarkan u leeyahay horumarinta shaqada wasaaradda, isagoo ugu baaqay ka-qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana aqoonta ay ka helaan ku dabbaqaan waajibaadkooda shaqo, si loo xoojiyo nidaamka maamul iyo maal iyadeed ee wasaaradda gaashaa ndhigga.

Dowladda oo xog ka bixisay dagaalka imaaraadka kala dhaxeeya iyo arrimo dhacay

Go’aankii soomaaliya ay ku laashay dhammaan heshiisyadii kala dhexeeyay imaaraadka carabta wuxuu ahaa mid sharci ah, lagama maarmaan u ahaa ilaalinta madax-bannaanida qaranka, nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dalka, waxaa sidaas yiri wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda soomaaliya, cali cumar (cali balcad).

Cali balcad ayaa beeniyey sheegashooyinka ah in tallaabadani ay ahayd mid degdeg ah ama mid xasilooni-darro abuuraysa.

Go’aankan, oo golaha wasiirrada soomaaliya ay ansixiyeen 12-kii janaayo, ayaa yimid kadib sannado ay muqdisho sheegtay inuu jiray xiriir cakiran oo kala dhexeeyay abu dhabi, kaas oo salka ku hayay iskaashiga amniga iyo hawlgallada dekedaha ee ay la galeen dowlad-goboleedyada, iyagoo aan soo marin dowladda dhexe.

Maqaal ra’yi ah oo uu ku qoray al jazeera english, cali balcad ayaa sheegay in dowladdu ay tallaabadan qaaday kadib "dulqaad muddo dheer qaatay” Iyo isku-dayo diblamaasiyadeed oo soo noqnoqday, kuwaas oo lagu guul-darreystay in wax looga qabto waxa uu ku tilmaamay heshiisyo shisheeye oo baal-marsan dastuurka.

"samirka dowladda soomaaliya ma ahayn mid aan xad lahayn ama shuruud la’aan ah,” Ayuu qoray cali cumar, isagoo ku dooday in iskaashiga lala sameynayo dhinacyada shisheeye uu isku beddelayo "faragelin sharci-darro ah” Marka uu baal-maro hay’adaha federaalka ee la aqoonsan yahay, isla markaana uu kala dhantaalo awoodda qaranka.

Awoodda dowladda

Xudunta khilaafka ayaa salka ku haysa heshiisyada amniga iyo dekedaha ee lala galay berbera, boosaaso iyo kismaayo — oo ah xarummo istiraatiiji ah oo ku yaalla maamullada somaliland, puntland iyo jubbaland — kuwaas oo muqdisho ay sheegtay in la saxiixay iyadoon oggolaansho laga haysan dowladda federaalka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in madax-bannaanida qaranku ay waajibinayso in xiriirrada siyaasadeed, kuwa amni iyo kuwa dhaqaale ee lala yeelanayo dalalka shisheeye ay si gaar ah u soo maraan hay’adaha qaranka. Wuxuu ka digay in heshiisyada barbar-socodka ah ee lala galayo maamullada hoose ay si tartiib-tartiib ah u wiiqayaan jiritaanka dowladnimada.

"marka iskaashiga amnigu uu ka shaqeeyo meel ka baxsan kormeerka federaalka, ama heshiisyada dekeduhu ay wiiqaan awoodda qaranku u leeyahay hantidiisa istiraatiijiga ah, waxaa halkaas ku duma nidaamka dastuuriga ah,” Ayuu yiri.

Dowladda soomaaliya waxay ku adkeysanaysaa in laalista heshiisyadan aysan ka dhignayn in la diidayo xiriirka caalamiga ah, balse ay tahay dalab ku aaddan in iskaashigu uu ku dhaco "qaab hufan, oo dowlad-la-dowlad ah,” Kuna saleysan sharciga caalamiga ah.

Dadka dhaliilaya tallaabadan ayaa ka digay in joojinta heshiisyada ay carqaladeyn karto amniga iyo ganacsiga, gaar ahaan gobollada ku tiirsan dekedaha. Balse, cali cumar ayaa walaacyadaas ku tilmaamay "fikir gaaban” Oo aan fahansanayn dhismaha dowladnimada.

"waddamada jilicsan kuma xasilaan in loo dulqaato awoodo kala daadsan oo ay dano shisheeye wadaan,” Ayuu qoray, isagoo raaciyay in xasilloonida fog ay ku xiran tahay hay’ado dowli ah oo mideysan iyo nidaam kala-dambeyn oo cad. Wuxuu sheegay in dowladdu ay dejisay habab lagu xaqiijinayo sii socoshada hawlgallada dekedaha iyo amniga, oo ay ku jirto isticmaalka shirkado caalami ah oo dhex-dhexaad ah haddii loo baahdo.

Loolanka gobolka

Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro loolan siyaasadeed oo xooggan oo ka jira badda cas, gacanka cadan iyo guud ahaan geeska afrika, halkaas oo dekedaha iyo iskaashiga amnigu ay noqdeen hanti istiraatiiji ah oo lagu loolamo.

Cali cumar ayaa ka digay in isticmaalka dhulka soomaaliya si loogu fuliyo dano shisheeye ama ajandayaal goboleed ay khatar ku tahay ma ahan oo kaliya soomaaliya, balse sidoo kale ganacsiga iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in soomaaliya oo mideysan ay tahay "hanti u taal gobolka iyo caalamkaba.”

"muddo aad u dheer, soomaaliya waxaa loola dhaqmayay sidii aalad loo adeegsado siyaasadda gobolka, halkii ay ka ahaan lahayd dowlad leh xuquuq caalami ah,” Ayuu qoray.

Go’aanka golaha wasiirrada ayaa noqonaya mid ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee lagu xoojinayo awoodda federaalka tan iyo markii madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu xafiiska ku soo laabtay 2022-kii, xilli muqdisho ay doonayso inay dib u soo ceshato gacan-ku-haynta siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca iyo kaabayaasha istiraatiijiga ah.

Dowladda soomaaliya waxay sheegtay in wada-hadalka imaaraadka uu weli furan yahay, balse uu ku xiran yahay oo kaliya xuduudaha dastuuriga ah.

"wada-shaqeyntu waa mid la soo dhaweynayo,” Ayuu qoray cali cumar, "balse mabaadi’da qaranku gorgortan ma galaan.”

Xisbiga xaqsoor oo si weyn u taageeray go’aankii ka dhanka ahaa imaaraatka

Xisbiga xaqsoor ayaa si buuxda u taageeray go’aankii golaha wasiirrada ee lagu baabi’iyay heshiisyadii dowladda soomaaliya la gashay imaaraadka carabta, iyagoo ku tilmaamay tallaabo lagu difaacayo midnimada dhuleed iyo madaxbannaani da qaranka.

Xisbigu wuxuu ku baaqay in muxaafad iyo mucaaradba ay u midoobaan difaaca dalka, isla markaana dowladda federaalka ay dejiso qorshe mideynaya shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale, xisbiga xaqsoor wuxuu dalbaday in la joojiyo tallaabooyinka kala fogeynaya shacabka, sida hadallada xanafta leh, isbeddellada iyo doorashooyinka aan loo dhammeyn, heshiisyada qarsoodiga ah iyo ku takri-falka hantida qaranka.

Ugu dambeyn, xisbigu wuxuu adkeeyay muhiimadda wadajirka ummadda, gaar ahaan dhageysiga tabashooyinka walaalaha waqooyi galbeed, wuxuuna muujiyay diyaar garowgiisa ka-qaybgalka dadaallada lagu xaqiijinayo midnimo ku dhisan caddaalad iyo sinna

Aussom oo war kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan al-shabaab

In ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal milatari oo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka soomaa liyeed (sna), hawlgalka taageerada iyo xasilinta midowga afrika ee soomaaliya (aussom), ciidanka uganda (updf) iyo saaxiibada caalamiga ah, kaas oo ka dhacay deegaanka bulunagaad ee gobolka shabeellaha hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay aussom ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday dagalamayaal ka tirsan al-shabaab ee ku sugnaa agagaarka saldhigga hore ee ciidamada ee bulunagaad, iyadoo ay taageero ka bixinayeen diyaarado dagaal. Ciidamada huwanta ayaa la galay dagaallo culus, iyagoo isku daray weerarro dhulka ah iyo duqeymo cirka ah.

Aussom ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: "isku-duwidda weerarrada dhulka iyo cirka awgeed, in ka badan 30 dagaalyahan oo al-shabaab ah ayaa lagaga takhalusay, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.”

Dagaalamayaasha al-shabaab ayaa la sheegay inay horey u qaadeen weerarro ka dhan ah ciidamada sna iyo aussom xilli ay wadeen howlgallo lagu daba-joogay haraaga al-shabaab ee laga saaray magaalada xeebta ah ee gendershe iyo deegaannada ku teedsan wadada jilib–marka, dhammaan howlgaladan ayaa qeyb ka ahaa ololaha ay hoggaamineyaan ciidanka dowladda ee loo bixiyay "operation hidden sword”.

War-saxaafadeedka aussom ayaa sidoo kale lagu yiri: "ciidamada soomaaliya, aussom iyo saaxiibadooda waxay si degdeg ah oo go’aan leh u wajahayeen una ciribtireen halista argagixisada ee ku wajahneyd ciidamada amniga iyo shacabka ku nool aagga.”

Aussom ayaa mar kale xaqiijisay in ciidamada huwanta ay ka go’an tahay ilaalinta rayidka, sugidda amniga, iyo hubinta in gargaar bani’aadannimo iyo sahay logistik ah ay si nabad ah u gaaraan bulshooyinka ay saameeyeen dagaallada.

Adaxweynaha al jeeriya oo qaabilay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha jfs ahna wasiirka waxbarashada

Madaxweynaha al jeeriya abdelmadjid tebboune ayaa qaabilay mudane faarax sheekh cabdulqaadir ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha jfs ahna wasiirka waxbarashada xfs, kaasoo farriin uu ka siday madaxweynaha soomaaliya u gudbiyay madaxweyne tebboune.

Ergeyga madaxweynaha wasiir faarax sheekh waxaa kulanka ku wehliyay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda cali balcad iyo safiirka soomaaliya ee al jeeriya amb. Yuusuf jeego.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay mudane boualem boualem, agaasimaha golaha wasiirada ee madaxtooyada mudane amar abba, la-taliyaha madaxweynaha ee u qaabilsan arrimaha diblomaasiyadda iyo mudane mohamed seghir saadaoui, wasiirka waxbarashada qaranka.

Cxds oo howlgalo culus ka bilaabay degmada masjid cali guduud

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa howlgal culus shalayka bilaabay degmada masaajid cali guduud ee gobolka shabeellaha dhexe.

Ciidanka xoogga ayaa howlgalkaas ku burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka khawaarijta, waxaana howlgalka lagu dilay tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadkii halkaas joogay. Ciidanka ayaa weli wada howlgalka, kaas oo isugu jira mid cirka iyo dhulka ah.

Howlgalkaan wuxuu qayb ka yahay guluf ballaaran oo ciidanka qaranku bilihii dambe ka wadeen goobo kala duwan oo ay ku sugnaayeen khawaarijtu, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo xalay degmada bu’aale uu ka dhacay weerar qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka nabad-sugidda iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirka gaadiidka xfs oo la kulmay madaxda wasaaradda hawlaha guud ee waqooyi bari

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka soomaaliya xildhibaan maxamed faarax nuux ayaa la kulmay maamulka wasaaradda howlaha guud ee dowlad goboledka woqooyi bari.

Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo wasiirka uga warbixiyey hawlaha shaqo ee ka socda wasaaradda iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa u kuur-gelidda hawlaha shaqo ee ka socda wasaaradda, qiimeynta heerka horumarineed ee mashaariicda socota, xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyo la socodka caqabadaha jira ,si xal waara loogu helo, loona dardargeliyo horumarinta adeegyada gaadiidka.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xfs maxamed faarax nuux ayaa ballanqaaday in wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee jfs ay sii xoojin doonto taageerada farsamo iyo tan siyaasadeed ee ku aaddan horumarinta adeegyada gaadiidka, si loo xaqiijiyo gaadiid hufan, ammaan ah, isla markaana u adeegaya bulshada.

Madaxweyne cirro oo sheegay in dowladda federaalka ay qorsheynayso duulaan ku wajahan somaliland

Madaxweynaha somaliland, cabdiraxm aan maxamed cabdullaahi (cirro) ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka, ka dib booqash adii la sii qorsheeyay ee ay jimcahan ku taggeen magaalada laascaanood.

Madaxweynaha somaliland ayaa safarka madaxweyne xasan sheekh maxamuud iyo raysal wasaare xamse cabdi barre ee laascaanood ku tilmaamay daandaansi iyo fara-gelin qaawan oo ka dhan ah somaliland.

Waxa uu ka digay in tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda somaliya ay cawaaqib ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida ee gobolka geeska afrika.

"dowladda somaliya waxay alooseysaa (qorsheynaysaa) duulaan ay ku soo qaaddo somaliland. Waxay dayuurado laga leeyahay dalka turkiga laba dhigayaa ciidan iyo hub la keenayo laascaanood.” Ayuu yiri madaxweynaha somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri "waxa uu xasan sheegay in isaga iyo dowlado ay xulafo yihiin ku soo duulayaan somaliland, si somaliland ugu celiyaan inay somaliya ka sii mid ahaato. Dowladaha uu xasan ka sheekeeyay ee xulafada yihiin way soo bixi doonaan. Waxaan uga digayaa inaanay ka mid noqon fara-gelinta somaliland iyo ka qayb noqoshada xasillooni darro ka dhalata somaliland ama geeska afrika.”

Madaxweynaha oo farriin u diray beesha caalamka ayaa yiri "waxaan u sheegayaa dowladaha aanu deriska nahay, dalalka carbeed, kuwa islaamka, qaramada midoobey, ururka midowga afrika iyo dalalka midowga yurub in arrintaasi tahay daandaansi, fara-gelin qaawan oo aan geedna loogu soo gamban iyo duulaan cad.”

Madaxweyne cirro ayaa ka digay "waxaan ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta falalkaas masuuliyad darrada ah ee xukuumadda somaliya ee xasan sheekh hoggaaminayo oo saamayn doonta nabadda iyo xasilloonida geeska afrika.”

Cirro oo sii hadlayay ayaa yiri "aniga iyo shacbigaygu, yar iyo weyn, rag iyo dumar waxaan diyaar u nahay, aniguna aan ku horgelayaa inaan dhiigayaga iyo naftayada ku difaacno dhulka somaliland. Waxaan shacbigayga ugu baaqayaa inay u diyaargaroobaan difaaca qaranka. Waxaan hoosta ka xariiqayaa inaanay somaliland cidna duulaan ku ahayn. Cid kasta oo duulaan ku soo qaadda somaliland, waxaanu bari doonnaa casharo aanay weligood ilaawin.”

Cirro ayaa intaasi ku daray inaanay somaliland ku duuli doonin laascaanood, wuxuuna ka digay in laascaanood ay noqoto meel somaliland lagaga soo duulo.

"anigu laascaanood duulaan kuma ihi, waxaana ka digayaa inay laascaanood noqoto meel lagaga soo duulo somaliland.” Ayuu yiri cirro.

Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu shalayisugu yeeray goleyaasha somaliland, isagoona warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee ay somaliland gashay, ka dib aqoonsigii israel.

Trump oo wacad ku maray in uu jinsiyadda kala noqon doono soo maalida lagu helo

madaxweynaha mareykanka donald trump ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu ay qaadi doonto tallaabooyin lagu laali karo dhalashada muwaadiniin mareykan ah oo asal ahaan soo-galooti ah, haddii lagu helo dambiyo

Trump ayaa tusaale u soo qaatay dadka ka yimid soomaaliya, isagoo hadalkan ka jeediyay kulan ay soo qaban-qaabisay detroit economic club, halkaas oo uu ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo dambiyo khiyaano ah ay wajihi doonto xabsi, isla markaana laga saari doono dalka.

"qofkii u yimaada mareykanka inuu khiyaameeyo shacabka, waan xiraynaa, kadibna waan ku celinaynaa halkii uu ka yimid,” Ayuu yiri trump.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynuhu sii xoojinayo doodda ku saabsan eedeymo musuqmaasuq iyo khiyaano la xiriira barnaamijyo dowladeed oo lagu taageero daryeelka carruurta iyo cuntooyinka la kabay.

Madaxweyne trump ayaa si gaar ah u xusay gobolka minnesota, oo ay deggen yihiin soomaali-mareykan tiro badan. Deegaanka twin cities ayaa hoy u ah bulshada soomaaliyeed ee ugu weyn ee mareykanka ku nool.

Hay’adaha federaalka iyo kuwa gobollada ayaa wali wada baaritaanno la xiriira eedeymahaas, hase yeeshee ilaa hadda lama shaacin wax natiijo rasmi ah oo dhammeystiran.

Iyadoo baaritaannadu socdaan, haddana maamulka trump ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay qaybo ka mid ah maalgelinta federaalka ee barnaamijyada daryeelka carruurta ee shan gobol, kuwaas oo ay maamulaan dimuqraadiyiin.

Gobolladaasi oo kala ah california, colorado, illinois, minnesota iyo new york ayaa tallaabadaas ka dhan ah u gudbiyay dacwad maxkamadeed, iyagoo ku andacoonaya inay ka hor imanayso sharciga federaalka.

Garsoore federaal ah ayaa toddobaadkii la soo dhaafay soo saaray amar si ku-meel-gaar ah u joojinaya go’aankaas, inta ay dacwadda socoto.

Madaxweyne trump ayaa marar badan horey u adeegsaday hadallo ku saabsan waxa uu ku tilmaamay dambiyo iyo khiyaano ay ku lug leeyihiin muhaajiriin, si uu u difaaco adkeynta siyaasadaha socdaalka.

Dhaliilayaal ayaa sheegaya in eedeymahaasi badankood aysan ku saleysneyn caddeyn dhameystiran, isla markaana ay si gaar ah u beegsanayaan bulshooyinka soo-galootiga ah.

Cilmi-baarisyo kala duwan ayaa muujiyay in muhaajiriintu guud ahaan ka hooseeyaan dadka mareykanka ku dhashay marka la eego ku lug lahaanshaha dambiyada rabshadaha wata.

Stin davis oo loo magacaa bay ku-simaha safiirka marey kanka ee soomaaliya

Dowladda mareykanka ayaa justin davis u magacawday ku-simaha safiirka (chargé d’affaires, a.i.) ee soomaaliya, tallaabadan oo lagu xaqiijinayo sii socoshada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya washing-ton iyo muqdisho.

Justin davis ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo howlaha safaaradda mareykanka ee soomaaliya, isagoo ka shaqeyn doona hirgelinta siyaasadda "america first” Ee madaxweyne donald trump, taas oo mudnaan siinaysa danaha mareykanka ee dibadda.

Magacaabistan ayaa timid kaddib markii madaxweyne trump uu soomaaliya ku daray dalalka afrika ee uu dib ugu yeertay safiirradii mareykanka, arrintaas oo keentay in safiirkii hore ee mareykanka ee soomaaliya la macsala ameeyo maalin ka hor.

Mas’uuliyiinta mareykanka ayaa sheegay in xilka uu justin davis la wareegay uu muhiim u yahay ilaalinta xiriirka diblomaa siyadeed, iskaashiga amniga, iyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda iyo horumarinta ee u dhexeeya labada dal.

Safaaradda mareykanka ee muqdisho ayaa hore u xaqiijisay in isbeddelkan uusan saameyn doonin joogitaanka iyo howlaha mareykanka ee soomaaliya, balse uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaas adda dibadda ee mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip