HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 18- JAN-2026

0
Sunday January 18, 2026 - 08:26:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 18- JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne xasan oo ka hadlay asakrtii somaliland looga qabtay dagaalkii laascaanood ee wali xiran

Jamhuuriyadda federaalka soomaaliya xasan sheekh maxamuud oo ka hadlayay askartii somaliland looga qabtay dagaalkii laascaanood ee wali xiran ayaa sheegay in aysan sax ahayn islamarkaana aysan xaq u lahayn in wiilal soomaaliyeed ay ku sii jiraan xabsiyo sababo la xiriira aragtiyo siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka shaqaynayso sidii loo sii dayn lahaa dhalinyarada u xiran arrimo siyaasadeed oo qalloocan, kuwaas oo aan waafaqsanayn mabaa’diida cadaaladda iyo dowladnimada.

Waxa uu sidoo kale xusay in cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada, isla markaana aysan jiri karin horumar iyo xasilooni haddii muwaadiniinta lagu cabburiyo aragtidooda siyaasadeed.

Hadalkan ayuu ka jeediyay caleema saarka hoggaanka maamulka waqooyi bari oo manata ka dhacday magaalada laascaanood.

Xamza oo weerar culus ku qaaday deni iyo axmed madoobe

Ra’iisul wasaaraha soomaaliya, mudane xamza cabdi barre oo shalaykhudbad xasaasi ah ka jeediyay xafladda caleema saarka madaxweynaha dowlad-goboleedka waqooyi bari oo lagu qabtay magaalada laascaanood ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada jubaland iyo puntland.

Xamza ayaa marka hore shaaca ka qaaday in uusan madaxweyne u aqoonsaneen axmed madoobe oo ay weli isku hayaan siyaasadda dalka, iyaga oo horay ugu kala tegay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo jubaland.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro wayn ku tilmaamay in madaxweyne saciid deni uu ka maqnaado laascaanood, qoor qoorna uu tego, isaga oo la dareen ah shacabka waqooyi bari oo u istaagay midnimada dalka.

"madaxweyne qoor qoor waa fadhiyaa laakiin deni ma fadhiyo kan kale anigu madaxweyne uma aqaano balse waxa ay ahayd deni inuu fadhiyo waa nasiib darro wayn taariikhdaa meel ayay ku qormeysaa” Ayuu yiri xamza.

Waxaa kale oo uu inaas sii raaciyay "inuu axmed cabdi kaariye (qoor qoor) fadhiyo denina uu maqan yahay waxbaa is-daba maray soomaalinimo timid waxaan ka baxnay jees-jeeskii iyo qoy qoyskii, waxaan aadnay fikir iyo caqli”.

Ra’iisul wasaaraha soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo kasoo horjeedo dowladnimada iyo horumarka dalka, isla markaana xilligan adag la safanayo cadowga ummadda soomaaliyeed.

"kuwa soomaali ah oo hangoola ah ayaa meel kasta ka buuxa oo lugta saa inoogu qabanayo oo cadowga innoo lag-daya” Ayuu mar kale yiri xamza.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan jubaland iyo puntland oo uu horay khilaaf culus ugala dhexeeyay dowladda federaalka ay ka horyimadeen go’aanka villa somalia ee dalka looga cayriyay dowladda imaaraadka carabta.

Madsxweyne xasan oo qaabilay wafdiga ay jabuuti u dirtay laascaano oda turday

Madaxweynaha soomaaliya, mudane xasan sheekh maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa halkaas kula kulmay wafdi culus oo ka socda dalka jabuuti, kaas oo ka qayb-galaya caleema saarka madaxweynaha waqooyi bari.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu madaxweynaha ka degan yahay magaalada laasacaanood, halkaas oo ay isku arkeen wasiirka diinta iyo awqaafta jabuuti, mudane mu’min xasan barre, wasiirka isgaarsiinta dalkaas, mudane ridwaan cabdullaahi bahdoon, safiirka jamhuuriyadda jabuuti u fadhiya soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Somaliland: "Reer Laascaanood, nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin"

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriya dda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxb annaanida Somaliland Maxamed Yuusuf oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay askar ayaa ka hadlay joogitaanka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa "xasarad wadaan" wuxuuna baaq u diray shacabka Laascaanood, isagoo yiri: "Waxaan leeyahay diyaarad bey ku yimaadeen shalay galab, galabtana diyaarad bey ku tagayaan. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa nimaan kuu fureynin yaanu kuu rarin, waxaan leeyayay reer Laascaanood, Xasan wuu tagayaa laakiinse hareeraha waxaa idinka xiga Somaliland iyo Puntland oo la idiin kala tagayo," ayuu yiri.

"Waxay halkan u yimaadeen kala qeybin iyo inay bulshada ku abuureen dhibaato iyo colaad." Ayuu intaa ku daray.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa ku sugan wufuud isugu jirta madax ka socota dowladda federaalka ah, madax dhaqameed iyo dadyow kale oo dhamaantood ka qayb galaya xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.

Madaxweyne Firdhiye ayaa la doortay shan bilood ka hor, waxaana muddo la sugayay tagitaanka Madaxweyne Xasan ee Laascaanood.

Ilhaan Cumar ‘’Arrintan weligeed kuma saabsanayn fulinta sharciga mar walba waxay ku saabsanayd aargoosi siyaasadeed.’’

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanka uu dhinacooda yahay ayna dagaalami doonaan si ay u difaacaan, iyada oo ku eedeysay maamulka Trump aargoosi siyaasadeed.

Barteeda bulshada ayay kusoo qortay ‘’Trump iyo maamulkiisa socdaalka kama badbaadin doonaan weerarada ay ku hayaan gobolkeena. Arrintan weligeed kuma saabsanayn fulinta sharciga — mar walbana waxay ku saabsanayd aargoosi siyaasadeed’’

Waxay intaasi ku dartay Trump iyo fulinta sharciyadiisa socdaalka kama badbaadi doonaan weerarradooda sharci-darrada ah ee ay ku hayaan gobolkeenna. Dastuurku waa dhinaceenna, waxaanan u dagaallami doonnaa inaan difaacno annagoo adeegsanayna wax kasta oo aan hayno’’

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin adag u diray raysal wasaaraha Israa’iil

Madaxweynaha oo khudbaddiisa sii wata ayaa ka hadlay aqoonsigii ay dhowaan Israa'iil aqoonsatay Jamhuur iyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

"Waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtogal ma aha in Israa’iil ay ka sameysato Soomaaliya dhexdeeda dowlad fulisa istaraatiijyaddeeda gurracan. Suurtogal ma aha in istaraatijayadahaas gurracan ay gobolkan ka hana qaadaan ama dowlad Israa’iil wakiil uga noqota, u shaqeysa sidii ay iyadu rabto suurtogal nagama ah.

"Dabcan sida ay rabtana waan gara neynaa dhammaanteen. Netanyahu waxaan leennahay dadka Soomaali yeed waa diideen arrintan dunida oo dhanna waa diidday damacaagga gurracan. Waxaan leeyahay Gobolkan ma ahan meel si qasab ah loogu soo raro dulmanayaasha reer qasa ee guryahoodaii la dumiyay, dhulkoodii la qaatay, inta kalena in la qaato la rabo hadda. Sidoo kalena ma aha meel la rabo in loo soo rararo collaadda gaamurtay ee muddada dheer ka jirtay Bariga Dhexe." Ayuu yiri.

Koonfur galbeed oo u gar dhigatay maamulka waqooyi bari

Xidhibaan cabdullahi black oo kamid ah xubnaha ku metala koonfur galbeed baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in ay u gar dhigteen maamulka waqooyi bari, ayna doonayaan inay kala xaajoodaan dadkoodiii lagu dhibaateeyay magaalada laascaanood.

Xildhibaanka oo ka qayb-galaya caleema saarka madaxweyne cabdulqaadir firdhiye ayaa sheegay in wada-hadallo hordhac ah la galeen, isla markaana ay doonayaan in xal loo helo arrintaasi oo keentay in laascaanood laga soo raafo dadkii kasoo jeeday koonfur galbeed, waxaana howlgalkaas horay u fulisay somaliland.

"Annaga reer koonfur galbeed ayaa nahay, waana kasoo qayb-galnay caleema saarka, wax kala tabashada soomaalida waa 40 sano jirsatay sababaha aan u nimid, isla markaana aan kala hadalna maamulka curdunka ah dadkiinii lagu dhibaateeyay laascaanood” Ayuu yiri cabdullaahi black.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay doonayaa in hantidii ay lahaayeen dadkaas dib loogu soo celiyo, isla markaana loo ogolaado deegaanka.

"Dadkaas waa dad soomaaliyeed waxaana dhibaateeyay system-kii markaas jiray waxaan rabnaa in waxoodii loo soo celiyo eedda noocaas ahna eed qabato maha maamulka waqooyi bari” Ayuu sii raaciyay.

Xildhibaan black oo hadalkiisa sii wata aya si weyn ugu mahaceliyay shacaka iyo maamulka waqooyi bari oo uu ku amaanay sida ay uga shaqeynayaan midnimada dalka, oo ay usoo galeen dagaal adag.

"Magaalada laascaanood waxaan kula kulanay dad soomaaliyeed oo ay midnimadu u tahay waxa ugu wayn ee ay haystaan, ayna usoo halgameen” Ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la soo warinayo in madaxweyne cabdicasiis laftagareen uu ka cudur daartay ka qayb-galka caleema saarka firdhiye, iyada oo arrintaas lala xiriiriyay dadkii looga dhibaateeyay halkaasi.

Maxay dowladda turkiga ka ballan-qaaday laascaanood?

Dowladda turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay u heyso midnimada iyo madaxbannaanida soomaaliya, inkastoo ay jiraan isbeddello diblomaasiyadeed iyo khataro amni oo gobolka ku soo kordhay, waxaa sidaas sheegay safiirka ankara u fadhiya soomaaliya oo ka hadlay magaalada laascaanood ee waqooyiga dalka.

Danjire alper aktaş ayaa hadalkan jeediyay khamiistii, kadib markii uu u safray laascaanood si uu goobjoog uga noqdo dhaarinta madaxweynaha la doortay ee maamulka waqooyi bari (north east state), cabdulqaadir axmed caw-cali.

"Waan garab taagnayn walaalahayo soomaaliyeed xilliyadii wanaagsanaa iyo kuwa adagba, waana sii wadi doonnaa inaan sidaas sameyno,” Ayuu yiri danjire aktaş.

Hadallada safiirka ayaa imanaya xilli turkigu uu masraxyada caalamiga ah si joogto ah uga sheego taageerada uu u hayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee soomaaliya, isagoo dhanka kalena sii xoojinaya iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Aktaş ayaa sheegay in safarkiisu uu qeyb ka yahay taageerada ballaaran ee turkiga uu u hayo midnimada soomaaliya, uuna ka weyn yahay oo kaliya ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka oo qorsheysan maalinimada sabtida.

"Maalintan qiimaha badan ee xoojinaysa midnimada iyo isku-duubnida soomaaliya, sharaf weyn ayay noo tahay inaan garab istaagno walaalahayo soomaaliyeed,” Ayuu raaciyay.

Caleemo-saarka ayaa ku soo aadaya xilli geeska afrika ay ka jiraan xiisado diblomaasiyadeed iyo khataro amni oo soo cusboonaaday, oo ay ka mid tahay ku dhawaaqistii israa’iil ee aqoonsiga maamulka somaliland, tallaabadaas oo dowladda federaalka soomaaliya ay diiday, saaxiibadeedna ay dhaliileen.

Turkiga ayaa taageeradiisa siyaasadeed ku lammaaniyay waxqabad dhab ah oo gudaha soomaaliya ka socda, sida gargaar bani’aadannimo, tababar ciidan, iyo mashaariic kaabayaal ah oo ay ku jiraan dekedo iyo garoomo diyaaradeed, iyadoo ay u dheer tahay taageerada hay’adaha federaalka.

Joogitaanka danjire aktaş ee caleemo-saarka hoggaanka maamulka waqooyi bari — maamul lagu tilmaamay mid la jaanqaadaya nidaamka federaalka soomaaliya — ayaa loo arkaa farriin cad oo muujinaysa in ankara ay taageersan tahay midnimada soomaaliya, heer gudaha iyo heer caalami ahba.

Trump oo ugu hanjabay canshuuro cusub dalalka ka soo horjeeda la wareegitaanka greenland

Madaxweynaha mareykanka donald trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur cusub kusoo rogi doono dalalka aan raacin damaciisa ah in uu la wareego greenland.

Trump ayaa ka yiri kulan ka dhacay aqalka cad, "waxaan canshuur ku soo rogi karaa dalalka haddii aysan nagu raacin greenland,” Taas oo ah dhul iskiis isu maamulo hoos yimaada denmark.

Wuxuu ka gaabsaday inuu sheego dalalka la saari karo canshuuraha cusub, ama awoodda uu adeegsan lahaa si uu u isticmaalo hiigsigiisa canshuuraha soo dejinta.

Denmark iyo greenland waxaa ku weheliya dalal kale oo kasoo horjeeda qorshihiisa, waxaana dad badan oo mareykanka ah ay muujinayeen shakiga ku aaddan iibsashada. Intii uu trump ka hadlayay, wakiillo ka socday labada xisbi ee kongresska ayaa booqanayay greenland si ay taageero ugu muujiyaan dhulkaas.

Stin davis oo loo magacaa bay ku-simaha safiirka marey kanka ee soomaaliya

Ugu horreyn xasan sheekh ayaa mas’uuliyiinta jabuuti la wadaagay abaalka taariikh-iga ah ee dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee jabuuti oo mar weliba garab siiya soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay garab istaagga ay xilligan adag u fidiyeen soomaaliya, gaar ahaan waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Dhankooda, mas’uuliyiinta wafdiga jabuuti ayaa dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee dowladda jabuuti ee ku aaddan ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu isla xalay madaxweynuhu la yeeshay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka waqooyi bari, isaga ookala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Xasan sheekh maxamuud ayaa isimida ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka soomaaliyeed, isagoo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Si kastaba, ha’ahaatee booqashada madaxweynaha ee laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Somaliland oo ciidamo cusub ku soo bandhigtay g/sool.

Xukuumadda somaliland ayaa sheegtay in ka badan 6,000 askari ay tababar ugu soo xirtay gobolka sool, xilli madaxweynaha soomaaliya, xasan sheekh maxamuud, uu ku sugan yahay magaalada laascaanood, islamarkaana uu ka qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha maamulka waqooyi bari soomaaliya, cabdulqaadir aw-cali firdhiye.

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka somaliland ayaa hadal adag ka jeediyay munaasabada, isagoo sheegay in sool ay tahay dhul somaliland ka tirsan, islamarkaana aanu waxba ka beddeli karin qof uu ku tilmaamay "qof diyaarad dhuumasho ah ku yimid,”.

Dhanka kale, madaxweynaha somaliland, cabdiraxmaan maxamed cabdullaahi (cirro), ayaa si adag uga hadlay booqashada madaxda dowladda federaalka ee ku sugan laascaanood, isagoo ku tilmaamay "faragelin qaawan” Oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida somaliland.

Madaxweyne cirro ayaa beesha caalamka uga digay in tallaabooyinkan ay halis ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan geeska afrika, isagoo sheegay in somaliland ay u aragto arrintan mid sii hurin karta xiisado hor leh.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan oo qirasho sameeyay

Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa markii ugu horreysay si cad u qirtay in kumannaan qof lagu dilay, "qaarna loola dhaqmay si bini'aadantinimada ka baxsan oo arxan darro ah", intii ay socdeen dibadbaxyadii dhawaan dhacay.

Jawaabta rabshadaha wadata ee looga fal-celiyay kacdoonka ayaa galaafatay nolosha 3,090 qof, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha ee Iran (HRANA) oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, iyadoo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda qaarkood ay sheegayaan in khasaaruhu uu intaas aad uga badan yahay. In internet-ka laga gooyay dalka ayaa ka dhigtay mid aad u adag in la helo macluumaad cad.

Khudbad uu jeediyay shalay, Ayatol lah Ali Khamenei wuxuu sheegay in kumannaan qof la dilay, isagoo dhima shadaasna dusha uga tuuray dowlad da Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan ku boorriyay dibadbaxayaasha Iran inay "sii wadaan mudaaharaadka," isagoo ugu hanja bay faragelin militari haddii ciidamada ammaanku ay dilaan bannaanbaxayaasha.

Weerar hubeysan oo xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee garowe.

Ciidamo ka tirsan daraawiishta puntland oo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigga dhexe ee magaalada garowe, kaddib markii ay doonayeen in ay xoog ku ka xeystaan labo nin oo horay loo soo xiray, taas oo sababtay rasaas culus oo muddo ka socotay saldhigga iyo nawaaxigiisa.

Inta la xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof uu ku geeriyooday dhacdadan, halka ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaaday, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada garowe si loogu daweeyo.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso howlgal ay ciidamada booliska garowe ka sameeyeen magaalada, kaas oo lagu soo qabtay labo eedeysane, islamarkaana uu ku dhaawacmay hal nin, taas oo kaddib keentay in ciidamo ka tirsan daraawiishta ay weerar ku qaadaan saldhigga si ay u sii daayaan raggii la xiray.

Guddoomiyaha gobolka nugaal, cabdiraxmaan xaaji abshir, ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee garowe.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay taliska qeybta booliska gobolka nugaal ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamo ka tirsan daraawiishta puntland, isla markaana uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale oo ka tirsan ciidamada daraawiishta.

Guddoomiye cabdiraxmaan ayaa xusay in khasaaraha ka dhashay dhacdadan uu yahay mid xaddidan marka loo eego rasaastii iyo iska horimaadkii dhacay, wuxuuna tilmaamay in shaqaaqadu ka dhalatay howlgal amni oo lagu doonayay in lagu soo qabto askar eedeysanayaal ah oo ka tirsan daraawiishta puntland.

Guddoomiyaha gobolka nugaal ayaa sheegay in xaaladda amniga ee garowe ay hadda degan tahay, islamarkaana ciidamadii weerarka soo qaaday ay ku laabteen xeradoodii, iyadoo la bilaabay baaritaanno ku saabsan dhacdadan si loo ogaado sababihii rasmiga ahaa iyo cidda ka dambeysay.

Danjireyaal caalami ah oo u safray caleemo saarka madaxweynaha waqooyi bari soomaaliya

Danjireyaasha dalalka boqortooyada sucuudiga, turkiga iyo suudaan ayaa goordhow ka dhoofay magaalada muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada martigelinaysa munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha dowlad-goboleedka waqooyi bari soomaaliya.

Wafdiyadan diblomaasiyadeed ayaa la filayaa in ay ku biiraan safiiro iyo ergooyin kale oo caalami ah oo ka kala socda dalalka shiinaha iyo masar, kuwaas oo iyaguna ka mid noqon doona martida heer caalami ee ka qeyb galaysa munaasabaddan muhiimka ah.

Tagista danjireyaashan iyo wufuuddan shisheeye ayaa muujinaya xiisaha sii kordhaya iyo taageerada ay beesha caalamku u hayso geeddi-socodka dowlad-dhiska soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo xasillinta amniga, midnimada qaranka iyo dhismaha dowlad-goboleedka waqooyi bari.

Munaasabadda caleemo-saarka ayaa la filayaa in ay noqoto mid ay ka qeyb galaan masuuliyiin heer federaal iyo dowlad-goboleed ah, iyada oo loo arko tallaabo muhiim ah oo horumarineysa wada-shaqeynta gudaha iyo xiriirka caalamiga ah ee soomaaliya.

 

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Soomaaliya oo yeelanaya isbahaysi Milatari

Sida ay daabacday mareegta Blooberg Sacuudi Carabiya ayaa gabagabayn aysa heshiis cusub oo ku saabsan isbahaysi milatari oo ay la yeelanayso Soomaaliya iyo Masar, qayb ka mid ah dadaalkeeda ‘’lagu xakameynayo saameynta Imaaraadka Carabta ee gobolka’’ ayaa lagu yiri.

Qoraalka Bloomber ayaa intaa raaciyay in Madaxweynaha Soomaali ya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan u safraya Sacuudi Carabiya si uu u dhammeystiro heshiiska, kaasoo ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ammaanka Badda Cas iyo sidoo kale wada shaqeyn milatari oo qoto dheer, sida ay sheegeen’ laba qof oo xog ogaal ah’

Toddobaadkan, Soomaaliya waxay laashay heshiisyadii ammaanka iyo dekedaha ay la lahayd Imaaraadka Carabta, iyadoo ku eedeysay dalka Gacanka inuu xadgudub ku sameeyay madaxbannaanideeda.

Xabaal-wadareedyo tariibayaal ah oo laga helay Libya

Meydadka ugu yaraan 21 tahriibayaal ah. Helitaanka ayaa daba socday weerar lagu qaaday beer ku dhow magaalada Ajdabiya, oo ay sidoo kale ku jireen dad ka badbaaday; waxaa kale oo ka muuqday calaamado rafaad.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, saraakiisha ammaanku waxay sheegeen in arrintan naxdinta leh uu ka dhacay meel 10 kilomitir koonfur bari ka xigta magaalada, ka dib markii ay soo baxeen warar xan ah oo sheegaya in qaxootiga ka imaanaya dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika lagu haysto beerta.

Sarkaal ayaa sheegay in dhowr qof oo rag, dumar iyo carruur ah laga soo badbaadiyay beerta, kuwaasoo u badnaa kuwo dhaawac qaba.

Isbitaal ayaa loo qaaday dhowr kalena waa la la'yahay, ayuu yiri.

Mulkiilihii beerta ayaa isla markiiba la xiray oo qirtay xabaal wadareedkii laga helay dhulkiisa.

Baarayaasha ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahaayeen sida dhibbanayaasha ay u dhinteen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan goobta.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marinka ugu weyn ee ay maraan muhaajiriinta ka imaanaya dalal kala duwan oo Afrikaan ah oo isku dayaya safarka halista ah ee ka sii gudbaya badda Mediterranean-ka ee Yurub. Xaalada ayaa aad uga sii dartay tan iyo markii uu meesha ka baxay taliskii Mucamar Al-Qadaafi

Dalka saliidda qaniga ku ah ee Waqooyiga Afrika ayaa sidoo kale soo jiita muhaajiriinta shaqo-doonka ah. Si kastaba ha ahaatee, gaar ahaan dammaanadaha amniga ee hadda jira, kumannaan qof ayaa u nugul ka ganacsiga, rabshadaha, iyo xadgudubyada.

Xabaalahan oo laga helay meel u dhow Ajdabiya, ayaa tusaale u ah dhacdo muujinaysa dhibaatada haysat a qaxootiga Liibiya.

Xabaalo wadareedyo noocaan oo kale ah ayaa ah kuwo caadi ah, waxaana bishii February ee sanadkii hore meydadka 28 qof oo qaxooti ah laga helay god ku dhow magaalada Kufra ee koofurta galbeed ee dalka Liibiya, sida uu sheegay dacwad oogaha magaaladaasi.

Goor sii horreysay, god ay ku jiraan 19 meyd ayaa laga helay beer ku taal waqooyiga magaalada Kufra.

Maamulka Liibiya ayaa helay godad ka dib markii nin wax tahriibiya uu weerar ku qaaday xero qaxooti.

Bishii Luulyo, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay sii daayeen in ka badan 100 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan shan dumar ah, kuwaas oo ay madax furasho ugu haysteen koox mukhalasiin ah isla deegaanka Ajdabiya.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ugu yaraan 50 qof ay dhinteen ka dib markii doon ay saarnaayeen qaxooti u badan Suudaani ay ku gubatay xeebaha Liibiya.

Bishii Oktoobar ee xigtay, kow iyo lixdan mayd ayaa laga helay xeebta Mediterranean-ka ee galbeedka Tripoli.

Sida laga soo xigtay tirooyinka Qaramada Midoobay ee la soo ururiyay intii u dhaxaysay Agoosto iyo Oktoobar 2025 oo keliya, qiyaastii hal milyan oo qaxooti ah oo ka yimid 44 waddan ayaa ku noolaa 100 degmo iyo magaalooyin ku yaal Liibiya.

Kulan ay dhawaan Qaramada Midoobay ku yeelatay magaalada Geneva ayaa dalalka Yurub iyo Afrika waxay si adag ugu baaqeen in la xiro xerada qaxootiga ee Liibiya.

Hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa muddo dheer ka digayay in xarumahan lagu hayo qaxootiga ay yihiin goobo lagu jirdilo, lagu tacaddiyo iyo mararka qaar dilal aan loo meel dayin.


Dawada Paracetamol-ka ee Trump uga digay haweenka oo la sheegay wax dhib ah aysan lahayn


Dib-u-eegis weyn oo lagu sameeyay caddaynta sayniska ayaa lagu ogaaday in uusan jirin wax xiriir ah oo qaadashada paracetamol-ka oo saamaynaya uurka, autism-ka, ADHD ama naafanimada maskaxda ee carruurta.

Natiijooyinkani waxay ka hor imaanayaan sheegashooyinkii Madaxweynaha Trump sanadkii hore ee ahaa in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan qaadashada daawadan oo Maraykanka looga yaqaan Tylenol – taasoo caadi ahaan loo isticmaalo in lagu yareeyo xanuunka iyo qandhada.

Cilmi-baarayaashu waxay eegeen 43 daraasadood oo ay ku lug leeyihiin boqolaal kun oo haween ah.

Waxay sheegeen in haweenka la dejin karo oo lagu kalsoonaan karo in paracetamol si nabad ah loo isticmaali karo. Waaxda caafimaadka ee Maraykanka ayaa dhaleeceysay daraasadda, iyaga oo sheegay in khubaro kale ay muujiyeen walaac.

 

Dib u milicsi: Booqashadii Madaxweyne Siyaad Barre 1984

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaa hoggaamiyihii xilka madaxweynenimo la wareegay kaddib geeridii Madaxwey ne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo lagu dilay magaalada Laascaanood sanadkii 1969-kii. Sidaas awgeed, boo qashadii uu Maxamed Siyaad Barre ku tagay Laascaanood sannadkii 1984-kii waxay lahayd miisaan taariikhi ah iyo muhiimad gaar ah, maadaama ay ahayd markii labaad oo madaxweyne qaran uu cagta dhigo deegaannada Waqooyi-bari tan iyo dilkii naxdinta lahaa ee loo geystay AUN Madaxwey ne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Booqashadaasi waxa ay ku soo beegantay xilli uu dalku ku jiray marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana xukuumaddii markaas jirtay ay dadaal ku bixinaysay xoojinta midnimada qaranka iyo joogitaanka dawladda ee gobollada dalka. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa uu safarkiisu ahaa mid dhulka ah, isaga oo ka soo galay dhinaca gobolka Togdheer, taas oo muujinaysay muhiimadda uu u arkayay socdaalka iyo sida uu ugu talo-galay in uu si dhow ula kulmo shacabka deegaannad a uu marayey.

Booqashadaas waxay qayb ka ahayd safarradii uu ugu kuurgalayay xaalad da gobollada iyo dhismaha mashaariic da horumarineed ee xilligaas ka soc day dalka.

Duqeymo ka dhacay Itoobiya oo ay dad badan ku dhinteen

Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo ka qaybgalayay kulan ay lahaayeen qowmiyadda Wag Khumra ee gobolka Amxaarada, sida ay BBC-da u sheegeen hoggaanka degmada Sehala Seyyemt, khubaro caafimaad iyo dadka deegaanka.

Maamulka degmada ayaa ku dhawaa qay in weerarkaas ay ku dhaawac meen 16 qof, isla markaana lagu bur buriyay xeradii iyo hubkii ku jiray dhexdeeda.

Hoggaanka degmada iyo dadka dee gaanka ayaa sheegay in taliyay aasha ciidamada difaaca deegaanka ay ku tilmaameen weerarkaas mid "aan ku talogal ahayn."

Weerarka drones-ka ayaa dhacay subaxnimadii Khamiista, kaas oo lala beegsaday xero maleeshiyo oo ku taal degmada Sehala Seyyemt ee Maamulka Qaranka Wag Khumra, sida ay xaqiijiyeen shan ilo-wareed oo ay la hadashay BBC-du.

Museveni oo ku guuleystay doorashada Uganda

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa si rasmi ah ugu guule ystay doorashadii guud ee dalkaas isagoo helay 71.65% wadarta codadkii la dhiibtay (7,946,772 cod).

Madaxweynaha xilka haya ayaa hadda lagu wadaa inuu xilka sii hayo 5 sano oo kale, isagoo kordhinaya xukunkii 40-ka sano ahaa ee uu ku maamulayay dalkaas ku yaalla Bariga Afrika.

Bobi Wine, oo ahaa musharraxa sida weyn u loollamayay, ayaa galay kaalinta labaad isagoo helay 24.72% (2,741,238 cod) ee wadarta codadka. Codadkii soo harayna waxaa qaybsaday 6 musharax oo kale.

Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahaayeen 52.5% dadka is-diiwaangeliyay (11,366,201 qof).

Ku dhawaaqistan ayaa lagu sameeyay shir jaraa’id oo uu qabtay guddiga doorashada ee Uganda.

Minneapolis: Garsoore xaddiday awoodda ay ciidamada ICE u adeegsan karaan mudaharadayasha

Garsoore Maraykan ah ayaa xaddiday xeeladaha ay adeegsadaan ciidamada laanta socdaalka federaalka ee ka hawlgala Minneapolis marka ay la macaamilayaan mudaaharaadayaasha.

Garsooraha ayaa mamnuucay in ay xiraan ama ay sunta dadka ilmaysiisa u adeegsadaan mudaaharaadayaal nabadeed, ama ay joojiyaan baabuurtooda, haddii aanay jirin shaki loo qaateen ah.

Waxay kaloo sheegtay in kaliya la socodka ama daawashada hawlaha ciidamadu ay tahay arrin sharci ah.

Kumanaan saraakiil laanta socdaalka ah ayaa la buux dhaafiyay Minneapolis oo ay maamulaan Dimuqraadiyiintu, taasoo dhalisay mudaaharaadyo sii xoogaystay tan iyo markii mid ka mid ah saraakiisha uu toddobaad kahor toogasho ku dilay haweeney.

Wasaaradda caddaaladda ee Maray kanka ayaa baaritaan ku wadda duqa magaalada (Jacob Frey) iyo guddo omiyaha gobolka (Tim Walz), iyadoo looga shakisan yahay inay hadalladoo da ku carqaladeeyeen hawlaha ciida mada ICE.

Ciidamada Uganda oo beeniyay wararka sheegaya afduub loo geystay Bobi Wine

Ciidamada ammaanka ee Uganda ayaa beeniyay warar sheegaya in hog gaamiyaha mucaaradka Bobi Wine iyo xaaskiisa laga afduubtay gurigooda oo ku yaalla caasimadda Kampala.

Afhayeenka booliska qaranka ayaa sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sax ahayn, isagoo ku adkaystay in Wine uu joogo gurigiisa. Ciidanka milatariguna sidoo kale way diideen wararka sheegaya in lagu hayo xabsi guri.

Horey, wiilka Wine ayaa ku eedeeyay in aabbihiis uu ka baxsaday weerar lagu qaaday guriga, halka hooyadiisna la xiray, askartuna ay xireen waddo oyinka loo maro hoygooda.

Iyadoo inta badan codadkii laga dhiibt ay doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii la tiriyay, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa lagu soo war amayaa inuu si weyn u horreeyo dada alkiisa ku aaddan helitaanka mar kale xilka, markii toddobaad, natiijooyin kana la filayo in la shaaciyo goor dam be shalay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip