Bannaabax lagu diidan tahay xadgudubka Israa'iil oo ka Dhacay M/ Muqdisho

0
Sunday January 18, 2026 - 11:14:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaabax lagu diidan tahay xadgudubka Israa'iil oo ka Dhacay M/ Muqdisho

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

 Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliha ayaa hadda ka socda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala yimid xaafadaha degmada, mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee Bulshada, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah gardarada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay maamulka Soomaaliland.

Shacabka bannaanbaxaya ayaa wacad ku maray in ay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka kana hortegayaan duulaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa fagaarayaasha caalamka kaga guuleysatay in ay beeniso aqoonsi beenaadkaas, waxay heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duulaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip