Xamza oo kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaashii tegay magaalada Laascaanood

0
Sunday January 18, 2026 - 07:34:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamza oo kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaashii tegay magaalada Laascaanood

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 R’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ayaa weli kulamo ka wada magaaladaasi, isaga oo maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan halkaas oo ka mid ahaa wufuudda kala duwan ee booqasho ku tegay caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeyb-galaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi.

 

Ugu horreyn Xamza ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka, kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan/

 

Sidoo kale wuxuu xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyey in odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay masuuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka, isaga oo bogaadiyey dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay bahda dhaqanka in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

 

 

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu xalay madaxweynuhu Laascaanood kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha, isimada iyo cuqaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Puntland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Booqashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaraha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip