
Wasiirka Gaadiidka XFS oo la kulmay madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud ee Waqooyi Bari
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa la kulmay Maamulka wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Goboledka Woqooyi Bari.
Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo Wasiirka uga warbixiyey hawlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa u kuur-gelidda hawlaha shaqo ee ka socda wasaaradda, qiimeynta heerka horumarineed ee mashaariicda socota, xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo la socodka caqabadaha jira ,si xal waara loogu helo, loona dardargeliyo horumarinta adeegyada gaadiidka.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee JFS ay sii xoojin doonto taageerada farsamo iyo tan siyaasadeed ee ku aaddan horumarinta adeegyada gaadiidka, si loo xaqiijiyo gaadiid hufan, ammaan ah, isla markaana u adeegaya bulshada.


0 



Wasiirka Gaadiidka XFS oo la kulmay madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud ee Waqooyi Bari
.