Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee ku sugan Guumays

0
Thursday January 15, 2026 - 12:43:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee ku sugan Guumays

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee ku sugan difaacyada aagga Guumays.

Wasiirka ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha kula dardaarmay xoojinta nabadda, ilaalinta midnimada dalka iyo ka hortagga mashruuca shisheeye ee kala goynta dalka.

"Waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ay ka babanayaan Guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa, waxaana rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaannada gooni-goosadka gacantooda ku haray Soomaalinimadu ha guulaysato,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

XIGASHO:-SONNA.SO


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip