
Trump oo hoos u dhigay inay hadda weerarayaan Iran byLaacib15 January 2026
Ciidamada amniga ayaa soo xiray dad fara-badan oo ka mid ah kuwa dhigaya dibadbaxyada lagu diidan yahay sicirka bararka baahsan ee ka jira dalkaasi, iyadoona la sheegay in maxkamaduhu ay dadkaasi qaarkood xukuno dil ah ku xukumeen.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii sheegay in loo sheegay in Iran ay joojisay xukunadii dilka ahaa ee la qorsheeyay in lagu fuliyo dibadbaxayaasha.
Madaxweynaha ayaa Wariyeyaasha u sheegay in ay hubinayaan in arrintaasi ay sax tahay in iyo in kale, inkastoo sida uu muujiyay ay damaanad adag haystaan.
"Waxaan doonaynaa inaan aragno, sida ay wax u socdaan.” Ayuu yiri Trump oo daba jooga wareysi uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ku sheegay inuusan gebi ahaanba jirin qorshe lagu deldelayo dibadbaxayaasha.
Wasiirka ayaa Fox News u inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Tehran ay xukuno dil ah ku fulin doonto dibadbaxayaasha xiran.
Warka Trump ayaa loo fasirtay in Washington aysan hadda wax tallaabo militari ah ka qaadi doonin Dowladda Iran.
Trump ayaa Talaadadii ku goodiyay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan Iran, haddii xukuno dil ah lagu fuliyo dibadbaxayaasha.
Ugu yaraan 2,400 oo dibadbaxayaal ah ayaa la dilay, tan iyo markii bishii December ay bilowdeen mudaaharaadyada lagaga soo horjeedo dowladda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in tobankii maalmood ee ugu horreysay ay mudaaharaadyada dalka ahaayeen kuwo nabdoon, balse ay dib ka ogaadeen in mudaaharaadyadu yihiin kuwo dibadda laga abaabulo.
Wasiir Araghchi ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay toogteen oo ay dileen canaasiir argagixiso ah, oo sida uu yiri dibadda laga soo abaabulay, isla-markaana ay Israel ka dambeyso.









0 



Trump oo hoos u dhigay inay hadda weerarayaan Iran byLaacib15 January 2026
.