Soomaaliya oo taageertay qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ah oo xoojinaya amniga Badda Cas

0
Thursday January 15, 2026 - 10:43:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo taageertay qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ah oo xoojinaya amniga Badda Cas

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u codeysay ansixinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2812, kaas oo lagu xoojinayo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo amniga Badda Cas, oo ka mid ah marin-badeedka ugu muhiimsan caalamka marka loo eego ganacsiga adduunka iyo dhoofinta tamarta.

Qaraarkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya halista sii kordheysa ee ka taagan marin-badeedkan istiraatiijiga ah, iyadoo ay sare u kaceen falalka khatar gelinaya maraakiibta ganacsiga, amniga tamarta, iyo isku socodka badeecadaha caalamiga ah. Badda Cas ayaa ah marin isku xira qaarado kala duwan, waxaana maalin walba adeegsada boqolaal maraakiib ah oo xambaarsan shidaal, badeecooyin ganacsi iyo sahay caalami ah.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ka qeyb galay doodaha Golaha Ammaanka ayaa adkeeyay in amniga badda uusan noqon karin mid waara haddii aan si buuxda loo tixgelin madaxbannaanida dowladaha ku teedsan aagga, isla markaana aan wax laga qaban sababaha dhabta ah ee keena colaadaha iyo qalalaasaha amni.

Waxay sheegeen in xalalka ku-meel-gaarka ah aysan ku filneyn, ayna lama huraan tahay in la wajaho caqabadaha salka u ah khataraha amni ee badda.

Soomaaliya ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan qodobbo asaasi ah oo ay rumeysan tahay in ay horseedi karaan amni waara, kuwaas oo ay ka mid yihiin in si buuxda loo ixtiraamo madax-bannaanida iyo karaamada dowladaha mandiqadda, isla markaana la joojiyo dhibaatooyinka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee keena isku dhacyada halista ah.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan sharciyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa quseeya badaha, maraakiibta ganacsiga iyo xuquuqda dowladaha xeebaha leh. Soomaaliya ayaa tilmaantay in jebinta shuruucdan ay abuureyso jawi amni-darro oo saameyn ku yeesha dhammaan caalamka, gaar ahaan dalalka nugul.

Qodob kale oo muhiim ah oo Soomaaliya ay carrabka ku dhufatay ayaa ah in hoggaaminta dadaallada amniga Badda Cas ay hormuud ka noqdaan dalalka leh xeebaha ku teedsan baddan, maaddaama ay yihiin kuwa ugu saameynta badan uguna xog-ogaalsan xaaladaha dhabta ah ee ka jira aagga. Hoggaan mas’uuliyad leh oo maxalli ah, ayay Soomaaliya ku tilmaantay mid fure u ah xal waara.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ku baaqday in la xoojiyo iskaashi caalami ah oo dhab ah, kaas oo ku saleysan isku-duwid, kalsooni iyo wadaagidda xogta amniga, si looga hortago khataraha sida burcad-badeedda, argagixisada, tahriibinta sharci-darrada ah iyo falalka kale ee amniga lidka ku ah.

Soomaaliya oo taageertay qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ah oo xoojinaya amniga Badda Cas

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip