Xisbiga Xaqsoor oo si weyn u taageeray go'aankii ka dhanka ahaa Imaaraatka

0
Thursday January 15, 2026 - 12:31:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Xaqsoor oo si weyn u taageeray go'aankii ka dhanka ahaa Imaaraatka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Xisbiga Xaqsoor ayaa si buuxda u taageeray go’aankii Golaha Wasiirrada ee lagu baabi’iyay heshiisyadii dowladda Soomaaliya la gashay Imaaraadka Carabta, iyagoo ku tilmaamay tallaabo lagu difaacayo midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida qaranka.

Xisbigu wuxuu ku baaqay in muxaafad iyo mucaaradba ay u midoobaan difaaca dalka, isla markaana dowladda Federaalka ay dejiso qorshe mideynaya shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xisbiga Xaqsoor wuxuu dalbaday in la joojiyo tallaabooyinka kala fogeynaya shacabka, sida hadallada xanafta leh, isbeddellada iyo doorashooyinka aan loo dhammeyn, heshiisyada qarsoodiga ah iyo ku takri-falka hantida qaranka.

Ugu dambeyn, xisbigu wuxuu adkeeyay muhiimadda wadajirka ummadda, gaar ahaan dhageysiga tabashooyinka walaalaha Waqooyi Galbeed, wuxuuna muujiyay diyaar garowgiisa ka-qaybgalka dadaallada lagu xaqiijinayo midnimo ku dhisan caddaalad iyo sinnaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip