Ciidamada ICE oo qof kale ku toogtay Minneapolis

0
Thursday January 15, 2026 - 13:10:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada ICE oo qof kale ku toogtay Minneapolis

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa nin ka toogtay lugta magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, halkaas oo sarkaal ka tirsan ICE uu toddobaadkii hore ku toogtay haweeney.

War qoraal ah oo ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay, in saraakiisha federaalka ay markii hore ku daba jireen ninka iyagoo gaari ku eryanaya, sababto la xiriira inuu si sharci darro ah ku joogay Mareykanka isagoo ka yimid Venezuela.

Magaalada Minneapolis ayaa xaqiijisay in ninka la toogtay loo qaaday isbitaal

Sarkaal ka tirsan ICE ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaal si kadib dhaawacyo soo gaaray, sida ay sheegtay DHS.

Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa barta X ku qoray:

"Waannu fahamsannahay in caro jirto. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay is dejiyaan.”

Magaalada Minneapolis waxay mar kale dalbanaysaa in ICE ay si degdeg ah uga baxdo magaalada oo ay gobolka ka baxdo,” ayay raaciyeen.

Ninkan ayaa gaarigiisa ka degay, waxaana is qabqabsi dhex maray isaga iyo sarkaal ka tirsan ICE, sida ay sheegtay DHS. Waxay intaas ku dartay in intii uu shilku socday laba qof oo kale ay ka soo baxeen dhisme dabaq ah oo u dhow, waxaana la sheegay inay "weerar ku qaadeen” sarkaalka.

BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin karto waxa lagu faahfaahiyay bayaanka la soo saaray.

Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara ayaa sheegay in FBI-du ay baarayso dhacdada.

"Isagoo ka baqaya naftiisa iyo badqabkiisa maadaama ay saddex qof weerar gaadmo ah ku qaadeen, sarkaalku wuxuu riday rasaas difaac ah,” ayaa lagu yiri bayaanka DHS, iyadoo lagu daray "labada weeraryahanba waa la xiray”.

Isagoo ka jawaabaya toogashadii ugu dambeysay ee ICE, duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey wuxuu ku eedeeyay saraakiisha federaalka inay "abuurayaan fowdo” gobolka oo dhan.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii joogay halkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna absi gelisay.

UPDATES INFORMATION ON PERSON GETTING AID: Emergency medical technicians administer aid to a person who was shot by a Immigration and Customs Enforcement officer in Minneapolis on Wednesday, Jan. 7, 2026. (Ellen Schmidt/MinnPost via AP)




 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip