Cabdiqani Hilowle Cabdikariin oo lagu dilay dalka…

0
Tuesday January 13, 2026 - 07:42:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiqani Hilowle Cabdikariin oo lagu dilay dalka…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Warar laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay tuulada Greenbushes oo ka tirsan magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape, lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed xilli uu ku sugnaa dukaankiisa ganacsi.

 

Marxuumka ayaa Alle u naxariistee waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqani Hilowle Cabdikariin, waxaana lagu toogtay goobtiisa shaqo, taas oo naxdin weyn ku reebtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.

 

 

Dilkan ayaa waxaa geystay koox burcad ah oo hubeysan kana soo jeeda Koonfur Afrika, kuwaas oo tiradoodu gaareysay saddex nin, islamarkaana si dhaqso ah uga cararay goobta falka uu ka dhacay.

Ciidamada booliska Koonfur Afrika oo tegay goobta dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, balse illaa hadda lama shaacin wax faahfaahin ah ama cid loo qabtay kiiskaas.

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.

 

 

Dilkan ayaa la sheegay inuu yahay kiiskii saddexaad ee muwaadin Soomaaliyeed loogu dilo dalkaas tan iyo bilowga sanadkan cusub.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip