Sawirro: Muxuu yahay amarka Muungaab ee maanta ka dhaqan-galay Muqdisho?

0
Monday January 12, 2026 - 12:31:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Muxuu yahay amarka Muungaab ee maanta ka dhaqan-galay Muqdisho?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Waxaa haatan si rasmi ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan uga dhaqan-galay amar culus oo uu soo saaray guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho oo dhawaan amar ku bixiyay in la burburiyo dhammaan dhismayaasha sharci darrada ah ee soo galay waddada Jamhuuriyo oo haatan dhisme lagu bilaabay.

Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa amray in guri kasta oo soo galay waddada cagta la mariyo, taas oo hadda dhaqan-gashay, waxaana si rasmi ah haatan loo guda galay dhismaha waddada oo muhiim u ah dadka deegaanka.

"Guri kasta oo waddada Jamhuuriya saaran anigaa kansal gareeyay, warqad been been ayaan haystaa cid aan ka yeelaayo malahan, haddana go’aan ayaan soo saarayaa” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu hore u yiri "Rinji ayaan marinaya laamiga qofka uu ku yimaado 30-ka mitir ama 25-ka mitir cidda uu ku yimaado labada qaybood ee waddada jaraafada jug ayaa lagu siinaaa xittaa lama sugaayo.”

Intaas kadib waxaa haatan dhaqan-galay amarkii duqa magaalada Muqdisho, iyada oo cagta la mariyay dhismayaasha sharci darrada ah, waxaana kadib la bilaabay dhismaha waddada oo la saari doono laami cusub.

"Maalin dhaweyd ereyga uu yiri guddoomiyaha gobolka ee ahayd tan igu sawir ma’aha tii in laga dhabeeyay ayay u muuqataa, waa nala jabinayaa cagaftiinaa waa la keenayaa aniga gurigaas ayaa isoo haray oo sharci ah,” ayuu yiri mid kamid milkilayaasha uu sameeyay go’aanka soo baxay.

Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isguna soo dhaweeyay tallaabada uu maanta qaaday maamulka gobolka Banaadir. "Jidkaan aad ayaa loogu dhibanaa waana jirtay qaadac dariiqnimo oo dad ayaa iska daganaa waddada qayb kamid ah wuxuu Ilaahey noo soo diray faraj, waana u jeednaa waxqabadka”.

Dhanka kale, dadka deegaanka oo iyaguna hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhismaha waddada Jamhuuriya, waxayna mahadcelin ballaaran u jeediyeen guddoomiye Muungaab iyo maamulkiisa.

"Waxaan u mahadcelineynaa guddoomiyaha degmada iyo guddoomiye Muungaab waddada sida dardarda leh ay noogu dhisaayaan mahad Alle haka gaarsiiyo meeshaan waxaa lala joogi la’aa bacaad iyo dabeyl haddana waxaan soo dhaweyneynaa in laami naloo saaro,” ayuu isna yiri odey kamid ah dadka deegaanka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorshe guud oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip