
Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo taageeray go'aanka DF ee Imaaraadka
Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.
Bayaan ka soo baxay maamulka ayaa lagu caddeeyay in Jamhuuriyadda Soomaaliya tahay dal mid ah, madax-bannaan oo aan la kala qaybin karin, isla markaana dhammaan dhulkeedu yahay hanti qaran oo aan laga goyn karin qayb ka mid ah.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa tilmaamay in Dastuurka Soomaaliya uu caddeynayo in siyaasadda arrimaha dibadda, heshiisyada caalamiga ah, difaaca, amniga qaranka, hawada, dekedaha iyo hantida istaraatiijiga ah ay si buuxda ugu xiran yihiin Dowladda Federaalka, isla markaana ku xadgudubkooda uu khatar ku yahay midnimada iyo xasilloonida dalka.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in doodaha iyo sheegashooyinka ay Somaliland ku dooneyso gooni-isu-taag ama madax-bannaani aysan lahayn wax sharci ah, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayaan Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
Bayaanka ayaa si gaar ah u xusay in Dekedda Berbera ay tahay hanti qaran oo istaraatiiji ah, lagana wada siman yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sharci-darro tahay in maamul gaar ah uu keligiis heshiis kula galo dowlad shisheeye ama uu ka taliyo arrimaheeda iyada oo aan fasax ka haysan Dowladda Federaalka.
Sidoo kale wuxuu mar kale adkeeyay in go’aanka Golaha Wasiirradu yahay mid sharciyad leh oo lagama maarmaan u ah dhowrista madaxbannaanida, midnimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya, isagoo beesha caalamkana ugu baaqay inay si rasmi ah ula macaamilaan Dowladda Federaalka marka laga hadlayo arrimaha qaran.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay baabi’iyey dhamaan heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.
Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.
Tallaabadan ayaa la xiriirta warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.


0 




Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo taageeray go'aanka DF ee Imaaraadka
.