Xog: Imaaraadka oo bilaabay in agabka ciidan uu kala baxo Soomaaliya

0
Saturday January 10, 2026 - 08:09:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Imaaraadka oo bilaabay in agabka ciidan uu kala baxo Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay bilowday inay daad gureyso agabka ciidan iyo shaqaalaha ka jooga gudaha Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay todobaadkii hore soo saartaygo’aan culus oo lagu mamnuucay diyaaradaha milatariiyo kuwa xamuul (cargo) ee ka imaanaya waddankaasi.

 Arrintan ayaa daba socotawarbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u gada gashay inay fuliso amarka kasoo baxay dowladda federaalka, iyadoo ilaa iyo hadda ay dhowr duulimaad ka baxeen Muqdisho iyo Boosaaso.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in ilaa 4 diyaaradood oo agab iyo rakaab qaadayo ay ka baxayaan Muqdisho, halka 6 kalena loo fasaxay in ay Boosaaso ka daad gureeyaan wixii agab ciidan oo ka yaalla halkaasi.

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

Sacuudiga ayaa si weyn u taageera midnimada Yemen ee hoos timaadda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha (PLC), halka Imaaraadkuna uu taageero aragtida STC ee ku wajahan in koonfurta Yemen yeelato maamul gooni ah.

Si kastaba, Xiisaddu waxay sare u kacday toddobaadkan kaddib markii dowladda ay Sacuudigu taageerto ay al-Zubaydi ku eedeysay "khiyaano qaran” iyo dacwado kale, taas oo la xiriirtay maqnaanshihiisa wada-hadalladii Riyadh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip