Shirweynaha xisbiga Haybad Qaran oo caawa ka furmay Muqdisho + Sawirro..

0
Friday January 09, 2026 - 21:29:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha xisbiga Haybad Qaran oo caawa ka furmay Muqdisho + Sawirro..

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa caawa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shirweynaha xisbiga Midowga Haybad Qaran.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax hore iyo siyaasiyiin badan oo dhawaan ku midoobay xisbigan cusub ee Haybad Qaran, kaasi oo door muuqda ka qaadanaya siyaasadda dalka.

Xisbigan ayaa waxaa musharax u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo ay hoggaanka sareay ka mid yihiin:

 

 

  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Inta badan siyaasiyiinta ka qeyb-galaya shirkan ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeeyay Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Talaadadii soo yimid magaalada Muqdisho.

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

 

 

Si kastaba, shirweynahan ayaa imanaya xilli ay xiisadda siyaasadeed ee dalka mareyso meel sare, isla markaana ay mucaaradka iyo hoggaanka dowladda ku kala tageen hanaanka doorashooyinka dalka, xilli ay billooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip