
Taliye Jaamac Afdhashiike iyo askar kale oo qarax lagu dilay
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu qarax culus ka dhacay jidka cusub ee Boosaaso iyo Dhaadaar, kaas oo lala eegtay ciidan ka tirsan kuwa Puntland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ku dhintay Taliyihii Saadka Ee Ururka Dayax, Jaamac Maxamed Caduur (Afdhashiike), miino-baarihii la socday gaariga iyo dareewalkii, sidoo kale waxaa dhaawacmay 5 ruux oo akale.
Xaaladda goobta ayaa haatan kacsan, waxaana gurmad deg-deg ah loo fidiyay ciidanka ay waxyeelada kasoo gaartay miinada loo dhigay.
Sidoo kale, Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo bilaabay howlgallo lagu sugayo amniga waddada Boosaaso, waxayna hakiyeen dhaq-dhaqaaqa guud ee gaadiidka iyo dadweynaha.
Kooxda Daacish ayaa badanaa weeraro qaraxyo ah ka fulisa aagga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo culus oo lagu jabiyay kooxda, maadaama laga saaray dhul ballaaran oo ku yaal Calmiskaad.
Horay sidaan oo kale, argagixisada ayaa u dishay saraakiil sar sare iyo askar ka tirsanaa ciidamada Puntland, kadib qaraxyo miino oo ay la beegsadeen.



0 



Taliye Jaamac Afdhashiike iyo askar kale oo qarax lagu dilay
.