Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegaysa kursiga madaxtinimada…

0
Sunday December 21, 2025 - 14:22:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegaysa kursiga madaxtinimada…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ula wareegi doonta kursiga madaxtinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kursigan ayay Soomaaliya si rasmi ah ugu fariisan doontaa bisha soo socota ee Janaayo 2026. Tallaabadan ayaa astaan weyn u ah guul qaran, kaddib in ka badan 30 sano oo Soomaaliya dunida ugu suntanayd dagaal, abaar, qaxooti, qaraxyo iyo burbur dowladeed.

Guushan diblomaasiyadeed waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay miiska go’aamada caalamka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday la jaanqaadka iyo ka mid noqoshada bulshada caalamka.

Isbeddelkan waxaa ka marag kacaya horumarka gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay ee gole deegaan tan iyo xornimada, taas oo la filayo inay dhacdo 25-ka Diseembar 2025.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in sanadka cusub ee 2026 uu bilowdo qodista shidaalka badda, taas oo keeni karta fursado horumarineed iyo waji cusub oo dhaqaale.

Soomaaliya waxay muujinaysaa in ay dib isugu taagtay cagaheeda, isla markaana ay mar kale cod iyo kaalmo ku yeelanayso arrimaha nabadda iyo ammaanka caalamka.

Soomaaliya ayaa 54 sano kaddib, horraantii sanadkan, si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip