Mareykanka oo joojiyey barnaamijka caanka ee Lottery-ga kadib dhacdo argagax leh

0
Sunday December 21, 2025 - 13:53:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo joojiyey barnaamijka caanka ee Lottery-ga kadib dhacdo argagax leh

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu hakad gelinayo barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ee dal-ku-galka Mareykanka (Green Card Lottery), tallaabadaas oo ka dhalatay markii la xaqiijiyay in ninkii geystay xasuuqii Jaamacadda Brown iyo dilkii barre ka tirsan Jaamacadda MIT uu dalka kusoo galay barnaamijkan.

Baarayaasha dambiyada ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Claudio Neves Valente, oo ah 48 jir u dhashay dalka Portugal, uu ahaa gacan-ku-dhiiglihii hubaysnaa ee xoogga ku galay dhismaha jaamacadda caanka ah ee Brown University, halkaas oo uu toogasho ku dilay laba arday, sagaal kalena ku dhaawacay dhamaadkii toddobaadkan.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkani uu laba maalmood kaddib weerarkaas dilay professor wax ka dhigayay Machadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts (MIT), kaas oo ay horey wax u soo wada barteen.

 

 

Dhacdadan ayaa dhalisay tallaabo degdeg ah oo dhanka socdaalka ah. Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka, Kristi Noem, ayaa shaaca ka qaadday in Neves Valente uu Mareykanka kusoo galay barnaamijka Diversity Visa lottery sannadkii 2017-kii, sidaasna uu ku helay sharciga degenaanshaha rasmiga ah (Green Card).

Noem ayaa ninkan ku tilmaamtay "bahal” aan marnaba mudneyn in loo ogolaado inuu cag soo dhigo ciidda Mareykanka.

"Iyadoo la raacayo amarka Madaxweyne Trump, waxaan si degdeg ah u farayaa Hay’adda Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (USCIS) inay hakiso barnaamijka DV-ga, si loo xaqiijiyo inaanay dhibaato dambe kasoo gaarin dadka Mareykanka barnaamijkan masiibada ah,” ayay tiri Noem.

 

 

Go’aankan ayaa dib u soo celinaya xusuusta muddo-xileedkii hore ee Madaxweyne Trump, xilligaas oo uu wacad ku maray inuu meesha ka saarayo bakhtiyaa-nasiibka Green Card-ka kaddib weerar argagixiso oo ka dhacay New York. Noem ayaa qoraalkeeda ku xustay dhacdadaas hore.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, Leah Foley, oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Neves Valente uu waxbarasho u joogay Jaamacadda Brown intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2021, isagoo markii dambena helay sharciga degenaanshaha, inkastoo aysan bixin faahfaahin dheeri ah. Foley waxay intaas ku dartay in dableyga iyo borofisoorka la dilay, Nuno Loureiro, ay horey isugu yaqaaneen dalka Portugal intii u dhaxeysay 1995 ilaa 2000. Professor-ka ayaa lagu toogtay gurigiisa oo ku yaalla Brookline, ee duleedka Boston.

Ilaa hadda ma cadda ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya toogashadan ruxday xarumaha waxbarasho ee ugu magaca dheer gobolka New England.

 

 

Meydka Neves Valente ayaa laga helay qol wax lagu keydsado oo ku yaalla gobolka New Hampshire, isagoo ay ag yaallaan laba qori. Taliyaha Booliska Providence, Oscar Perez, ayaa xaqiijiyay in ninku uu is-dilay, lana rumeysan yahay inuu keligii fuliyay weerarka kaddib hawlgal baadi-goob ah oo maalmo qaatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Portugal, Paulo Rangel, ayaa muujiyay "tiiraanyo weyn” kaddib markii la ogaaday in eedeysanaha ugu weyn uu yahay muwaadin u dhashay dalkiisa, iyadoo booliska Portugal ay sheegeen inay la shaqeynayaan baarayaasha Mareykanka.

Ardayda la dilay ayaa kala ahaa Ella Cook, oo ahayd guddoomiye ku-xigeenka ururka xisbiga Jamhuuriga ee jaamacadda, iyo Mukhammad Aziz Umurzokov oo u dhashay dalka Uzbekistan. Lix kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa weli ku jira isbitaalka oo xaaladdoodu deggan tahay.

 

 

Foley ayaa sheegtay in Neves Valente uu ahaa nin aad u xeel-dheer oo si farsameysan u qarinayay raadkiisa, isagoo beddelay taarikada gaarigii uu kiraystay, isla markaana isticmaalayay taleefan ay adkeyd in la raad-raaco. Sidaas oo ay tahay, raadadka maaliyadda iyo kaamirooyinka CCTV-ga ayaa ugu dambeyn horseeday in la helo halka uu ku dhuumaaleysanayay.

Mareykanka ayaa sanadkan diiwaangeliyay in ka badan 300 oo dhacdo oo ah toogasho wadareed, xilli weli ay jirto is-mari-waa siyaasadeed oo ku aaddan xakamaynta hubka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip