Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0
Sunday December 21, 2025 - 21:17:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin oo loo sameeyay sannad-guuradii 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil sare iyo xubno kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidamada Booliska, isagoo uga mahadceliyay guddiga qaban-qaabada dadaalka ay ku bixiyeen xuska sannad-guuradii 82-aad ee aasaaska ciidanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ammaanay guulaha ay ciidamada amniga ka gaareen sugidda amniga caasimadda, wuxuuna ku dardaarmay in ay sii xoojiyaan nabadda iyo amniga ay maanta ku naaloonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa isna hambalyo kadib sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sameeyeen horumarro kala duwan, isagoo Taliyaha Ciidanka Booliska ku ammaanay waxqabadka muuqda iyo dadaalka joogtada ah ee ay ciidanku ku tallaabsadeen.

"Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed markaad dheehato ama daawato kiisaska maxkamadaha laga soo daayo, waxaa ka muuqata xirfad iyo aqoon.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aasaasay sannadkii 1943-kii, ayaa ka mid ah ciidamada qalabka sida, door muhiim ahna ka qaatay sugidda amniga iyo kala dambeynta guud ahaan dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip