FARMAAJO oo ku wajahan Kismaayo xilli la soo xiray shirkii mucaaradka

0
Sunday December 21, 2025 - 14:56:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FARMAAJO oo ku wajahan Kismaayo xilli la soo xiray shirkii mucaaradka

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar ku tegaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Farmaajo oo dhawaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa socdaalkiisa Kismaayo wuxuu kusoo aadaya xilli ay meel sare gaartay kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee dalka.

Safarka Farmaajo ee Kismaayo ayaa noqonaya kiisii labaad uu magaaladaasi ku tago tan iyo 2017 markii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Tan ayaa imaneysa xilli xalay magaalada Kismaayo lagu soo gaba-gabeeyay shirkii mucaaradka, kaasi oo u dhaxeeyay dhinacyada ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dhinacyo kale oo wehelinayay.

Shirweynahaas ayaa waxaa si wadajir ah usoo qaban-qaabiyay Madasha Samatabixinta, iyo maamullada Puntland iyo Jubaland, iyadoo gunaanadkiisi laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan xaaladda dalka.

Farmaajo ayaa shirweynahan uga maqna kala aragti duwanaanta ka dhex jirta mucaaradka, iyo in uusan haatan kamid aheyn isbaheysiyada mucaaradka.

 

 

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Kismaayo ayaa eedeymo culus loogu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo Golaha Mustaqbalka uu sheegay inuu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, uuna la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa sheegay "in Madaxweyne Xasan Sheekh uu beddelay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, uuna afduubay hay’adihii dastuuriga ahaa ee dheelitiri lahaa awoodda laanta fulinta,” isla markaama uu ogolaaday in qaar kamid dowlad-goboleedyada ay muddo dhaaf xileed iskaga joogaan madaxtinimada, taas oo ay sheegeen "inay ugub ku tahay siyaasadda.”

"Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.

 

 

Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in siyaasad xumadiisa ay sababtay fashil amni iyo in ay dhuntay kala dambeyntii, niyaddii iyo caqiiqadadii ee ciidanka, taas oo ay sheegeen inay sabab u tahay musuq, eex iyo ku tagri-fal awoodeed oo lagula kacay ciidanka.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip