
Shaqaale UN-ka ka tirsan oo u afduuban Al-Shabaab oo ka codsaday Qaramada Midoobay iyo Dowladda Kenya in la sii daayo
-Ambrose Kimiti, oo ah dhakhtar Kenyan ah kana tirsanaa kooxda daad-guraynta caafimaadka ee Qaramada Midoobay (UN) ee ka hawlgasha Soomaaliya, ayaa fariin muuqaal ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo shacabka Kenya, isagoo sheegay in isaga iyo xubno ka mid ah kooxdiisa ay ku jiraan gacanta Al-Shabaab in ka badan hal sano iyo bar.
Kimiti ayaa sheegay in diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay 10-kii Janaayo 2024 gudaha deegaan ay maamusho Al-Shabaab, xilli ay ku jireen hawl daad-gurayn caafimaad.
Wuxuu xusay in, inkastoo ay isku dayeen inay la xiriiraan Qaramada Midoobay shilka kadib, aysan jirin gargaar ama wada-xaajood rasmi ah oo loo sameeyay.
"Waxaan aaminsanaa inaan u adeegayno arrin bani’aadannimo, balse Qaramada Midoobay way ku guul-darraysatay inay ka shaqeyso sidii aan xorriyadeenna ku heli lahayd,” ayuu yiri Kimiti.
Wuxuu ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inuu si degdeg ah u farageliyo, isagoo sheegay in UN-ku uu mas’uul ka yahay badbaadinta shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha loo qafaashay iyagoo ku jira gudashada waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale, Kimiti ayaa ka codsaday Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu saameyntiisa u adeegsado sidii loo heli lahaa xorriyaddooda, wuxuuna shacabka Kenya ku boorriyay inay codkooda ku biiriyaan dadaallada lagu doonayo sii-dayntooda.
Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midna kama aysan bixin wax jawaab ah oo rasmi ah.
Dhawaan, ayay ahayd markii sidaan oo kale kabtankii diyaaraddaas duuliyaha ka ahaa oo u dhashay dalka Ukrain uu codsi u diray Qaramada Midoobay iy Dowladdiisa Ukraine, isagoo ka codsanayay inuu wada xaajood la furaan Alshabaab, si ay xorriyaddooda u helaan.


0 



Shaqaale UN-ka ka tirsan oo u afduuban Al-Shabaab oo ka codsaday Qaramada Midoobay iyo Dowladda Kenya in la sii daayo
..