
HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 23 NOV 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa xusay taariikhda muhiimka ah ee macallimiintu ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarnta jiilal karti leh oo dhisa mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo faray Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhameystirto tirada ka dhiman 10,000 ee Macalin.
"Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan farayaa Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii tobanka kun ee macallin, taas oo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay lix kun, kuwaas oo si buuxda uga howlgala goobaha waxbarashada ee kala duwan, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn la hayeen, lana siiyo tababar”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey sida ay dowlada uu hoggaamiyo uga go’an tahay in la xoojiyo aqoonta, tababarrada iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo in jiilashan ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah, waxa uuna ku baraarujiyey dhallinyarada in ay yihiin hogaamiyeyaasha shalay iyo beriba ee dalkeenna.
Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, hay’adaha waxbarashada, macallimiinta iyo ardayda qaar ka mid ah dugsiyada Caasimadda oo soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusayo macallinka macallinka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudoomey billad sharaf uga timi Bahda Waxbarashada intii ay socotay munaasabadda,wuxuuna bogaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah iyo adkeysiga ay muujiyeen xilliydii dalka uu soo marayey duruufaha adag, isagoo sheegay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelka macallinka iyo tayeynta waxbarashada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa: "Nidaam garsoor oo la isku hallayn karo waxa uu dalkeenna u abuurayaa maalgashi iyo mustaqbal wanaagsan”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo looga hadlayo horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad-dhis ah, isla markaana loo baahan yahay garsoor madax-bannaan, hufan, oo daboolaya baahida shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga, lana tayeeyo hey’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor lagu kalsoon yahay oo horseeda nabad waarta, iyo dowladnimo sal-adag leh.
"Haddii aysan jirin caddaalad la isku halayn karo, ma jiri karo amni waara, kalsooni shacab, maalgashi, iyo dowladnimada casriga ah ee ay Soomaaliya mudan tahay, dib-u-habeynta garsoorku waa arrin Qaran oo mudnaanta koowaad leh, waana jidka keliya ee lagu gaari karo Soomaaliya xasilloon.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Waxa uu intaas raaciyey in garsoorka uu muhiim u yahay doorasho xor ah caddaalad ah iyo xoojinta dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurku ay yihiin aas-aaska hirgelinta nidaamka sharciga iyo federaalka ee dalka, waxa uu xusay in dastuur dhammeystiran uu dalkeenna u keenayo, xasillooni siyaasadeed, hannaan shaqo oo mideysan, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo garsoor caaddil ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey bahda garsoorka qaban-qaabada shirka sanadlaha ah, waxa uuna ugu baaqay dhammaan ka qeyb-galayaasha in ay si dhab uga doodaan dib-u-habeynta garsoorka, isla markaana ay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo gaaray London
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO).
Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko) iyo masuuliyiin kale.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya UK Danjire Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha ee Heathrow si weyn ugu soo dhaweeyay.
Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo ansixiyey xisaab xirka miisaaniyadda 2024
Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka dalka.
Ajendaha kulanka ee shalay waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo ay soo gubbisay Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu horreyn guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa mudanayaasha labada aqal la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay si wadajir ah uga shaqeynayeen guddiyadda maaliyadda ee labada aqal.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u codeeyay xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 ayaa waxaa ogolaatay 167-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena hal xildhibaan ayaa ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay howlo muhiim ah u yaalaan kalfadhiga todobaad, wuxuuna sheegay in baarlamaanka labadiisa aqal ay kalfadhiga todobaad ka shaqeyn doonaan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo sheegay in ay Cambaarenayaan Boobka, Barakicinta iyo Dil Ka Dhacay Muqdisho
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaaraysay dhacdooyin ay sheegeen inay iskugu jiraan boob, barakicin iyo xadgudubyo kale ee ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Yaaqshiid, iyagoo si gaar ah uga tacsiyadeeyay geerida Cabdullaahi Cabdi Raage oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay xaafadda Buulo-Geesaale.
Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo Madashu soo saartay, Cabdullaahi Cabdi Raage wuxuu ka mid ahaa dadka danyarta ah ee muddo dheer ku noolaa xaafaddaas, kuwaas oo wajahaya barakicin qasab ah iyo boob ay geysanayaan ciidamo dowladeed.
Madashu waxay sheegtay in wiilka lagu dilay isagoo isku dayaya inuu ka hadlo cadaaladdarrada iyo gurigiisa oo xoog looga saarayay.
Madasha Samatabixinta ayaa sidoo kale canbaaraysay xarigga iyo handadaadaha loo geystay sawir-qaade Cabdullaahi Maxamed Cali (Saawey) oo ka tirsan Warbaahinta Himilo, kaas oo loo xiray gudbinta xaqiiqooyinka la xiriira barakicinta ka socota magaalada.
Madashu Sidoo kale waxay cambaaraysay xarig sharci-darro ah oo lagu hayo Kamil Cabdi Macow oo ka tirsanaa shaqaalaha D/Hoose ee Xamar.
Bayaanka ayaa ku eedeeyay hay’adaha amniga inay jebiyeen sharciga, ayna adeegsadeen awood ka baxsan xeerka dalka, taas oo sababtay dilka iyo dhaawaca muwaadiniin aan waxba galabsan.
Waxaa Madasha ay ku baaqday in la joojiyo barakicinta qasabka ah, lana dhowro xuquuqda dadka shacabka ah iyo madax-bannaanida saxaafadda.
Ugu dambeyn Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ugu baaqday Madaxweynaha DFS iyo madaxda amniga in ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan saraakiisha ku lug leh falalka lagu sheegay boobka, barakicinta iyo xadgudubyada ka dhanka ah dadka danyarta ah, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka iyo sumcadda qaranka.
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Maryan Naasir Cali
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxday Allah ha u naxariistee marxuumad Maryan Naasir Cali oo kamid ahayd fanaaniinta Qaranka.
Allaha u naxariistee Marxuumad Maryan Naasir Cali ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda fanka, isagoo Allah uga baryey in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumadda, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo. Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Soomaaliya oo mar Kale xaqiijisay ka go’naanta xoojinta amniga Badda iyo Ilaalinta Marin-Biyoodka Gobolka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta amniga badda ee xeebaha dalka, si loo ilaaliyo marin-biyoodka muhiimka ah ee caalamiga ah.
Wasiirka ayaa hadalladan ka jeediyay shirkii 4-aad ee Madasha Wasiirrada Midowga Yurub iyo Indo-Pacific, oo ka dhacay magaalada Brussels 20–21 November.
Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa iskugu keenay wufuud ka kala socotay in ka badan 60 dal, kuwaas oo ka wada hadlay caqabadaha amniga caalamiga ah, xasilloonida gobolka, iskaashiga multilateral-ka iyo saamaynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo tartanka awoodaha geopolitics-ka ee gobolka Indo-Pacific.
Wasiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay istaraatiijiyadda baddeed ee Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leedahay ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah, isaga oo xusay in wada-shaqayn isu-duuban ay lagama maarmaan u tahay sugidda amniga iyo xasilloonida biyaha gobolka.
"Dal ahaan, Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Bariga Afrika, doodahan waxay si toos ah ula xiriiraan mudnaanteenna qaran,” ayuu yiri.
Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dib u dhiseyso awooddeeda badda, ay xoojinayso maareynta iyo ilaalinta hawadeeda badeed, isla markaana ay sii ballaarinayso iskaashiga gobolka si loo sugo marinada ganacsiga ee muhiimka ah.
Waxa uu adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha la wadaago, oo ay ka mid yihiin falalka sharci-darrada ah ee badda ka dhaca, nuglaanta cimilada iyo khataraha amni ee ka dhasha tartanka xoogagga waaweyn ee dunida.
Wasiir Cabdisalaan waxa uu sidoo kale ka qaybgalay fadhi gaar ah oo wasiirrada ah oo dhacay Jimcihii, halkaas oo lagu falanqeeyay xoojinta wadahadalka, dhiirrigelinta xalinta khilaafaadka si nabadeed iyo kordhinta iskaashiga si wax looga qabto khataraha cusub ee caalamiga ah.
"Doodda shalay waxay ku qabsoomaysaa waqti ay cakiran tahay xaaladda geopolitics-ka, iyadoo tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysanayo. Silsiladaha sahaydu waxay wajahaan cadaadis cusub, halka baddaha dunida ay noqdeen goob tartan oo sii xoogeysanaya,” ayuu yiri Cabdisalaan.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay dalalka ka qaybgalay in ay si wadajir ah uga jawaabaan caqabadaha ugu degdegga badan ee dunida haysata.
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika.
Alle ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Cusmaan, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika, ayaa xalay lagu dilay gudaha dukaankiisa ku yaalla xaafadda Philipi ee magaalada Cape Town.
Wararka ayaa sheegaya in dilku ka dhacay dukaanka uu ka shaqeynayay, iyadoo aan la sheegin wax dhac ah oo dukaanka lagu geystay.
Booliska Koofur Afrika ayaa tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira falkaas.
Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika looma arko inay qaaddo dadaalladii looga baahnaa ee lagu difaaci lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaa ku ganacsada una badan dad danyar ah oo nolol u raadsaday.
Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan foosha xun, mana jiraan qorshe muuqda oo ay Dowladda Federaalka ugu wajahdo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika.
Sanad walba Soomaalida badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, iyadoo aan la arkin wax tallaabo amni ah oo dhab ah oo dowladda dalkaasi qaaddo si loo yareeyo dhibaatada.
Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis is afgarad ku saabsan kormeerka iyo baarista maaliyadeed
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu heshiis is-afgarad ah (MoU) la galay Hay’adda Isla-xisaabtanka ee dalka Masar, kaddib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Sharm El-Sheikh, halkaas oo uu ka socday Shirka 23-aad ee Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska hantidhowrka Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in heshiiskan uu ka tarjumayo dadaalka labada hay’adood ee lagu ballaarinayo iskaashiga dhinaca kormeerka iyo baarista maaliyadeed.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay kor u qaadaan tayada hantidhowrka, ay isla qaabeeyaan hababka lagula tacaalayo la dagaalanka musuqmaasuqa, islamarkaana ay is-weydaarsadaan khibradaha iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu sameeyo baarista hay’adaha dowladda, si loogu shaqeeyo heerarka iyo halbeegyada caalamiga ah.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka go’an yahay ballaarinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dalalka gobolka sida waddamada Carabta, taas oo kor u qaadaysa awoodda xafiiska iyo doorarkiisa ku aaddan daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo dhaqangelinta mabaadi’da dowlad-wanaagga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).
Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.
Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.
Wasiirku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xudunta xasilloonida caalamiga. Waxa uu sheegay in marinnada labada bad ay xoojiyaan ganacsiga caalamiga iyo shabakadaha dhijitaalka, weyninka bedka ay ku fadhiyaanna ay taageero u tahay nolosha malaayiin qof. Waxa uu intaa ku daray in caqabadaha ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaayada badeed ee sharci-darrada ah, nuglaanta cimilada, iyo horumarka degdega ah ee hanjabaadaha internet-ka, ay weli yihiin kuwo isku xiran oo adag.
Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in aan dal keli ahi waxba ka qaban karin caqabadahani. Waxa uu sheegay in amnigu uu isku xiran yahay, barwaaqaduna la wadaago, isaga oo ku baaqay in la sameeyo fal-celin iswaafaqsan oo ku dhisan xushmad-is-dhaafsi, mas’uuliyad wadaag, iyo iskaashi wax ku ool ah.
Wuxuu ku booriyay in wadahadalka loo beddelo tallaabooyin waxtar leh iyada oo la xoojinayo amniga badda, lana horumarinayo qaab-dhismeedyo dhaqaale oo la saadaalin karo, iyada oo la kordhinayo adkeysiga dhijitaalka iyo teknoolojiyadda, iyo in la horumariyo habab iskaashi oo wax looga qabanayo hanjabaadaha soo ban-baxaya.
Wasiirka oo ka hadlay arrinka Soomaaliya, ayaa waxa uu sharaxay in xeebaha dalka ay ka mid yihiin xuduudaha badda ee ugu istiraatiijiyadda badan gobolka, isaga oo yiri "Soomaaliya waxa ay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed, xoojineysaa maamulidda biyaheeda, qoto-dheeraynaysaa iskaashiga ay la leedahay gobolka si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo xiray muhiimadda ah in la hubiyo in wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig midkoodba kan kale uu xurmeeyo madax-bannaanidiis, qarannimadiisa iyo midnimadiisa, lana qiimeeyo iskaashiga, dal kastaba yeesho cod la siman kan kale oo qaabaynaya mustaqbal wadaagga . Waxa uu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee la shaqeynta dhammaan bah-wadaagta si loo gaaro hiigsiga wadajirka ah.
Ciidanka Puntland oo la wareegay ceelka Marraagane ee togga Baallade iyagoo qabtay labo Daacish ah
Ciidamada Amniga Puntland ayaa la wareegay Ceelka Marraagade, halkaas oo ahaa farriisimihii ugu dambeeyay ee ururka Daacish ay kaga sugnaayeen togga Baallade ee gobolka Bari.
Howlgal ay ciidanku ku qaadeen ceelka Marraagade ayaa sababtay inay halkaas isaga cararaan Daacishtii ku sugnayd. Sarkaal katirsan ciidanka Puntland ayaa u sheegay HOL in howlgalka shalayy uu dhacay maalmo kaddib markii halkaas laga geystay duqeymo xooggan oo lala beegsaday godad ay ku jireen Daacish
newsinsideDhinaca kale, Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo Soomaali ah oo katirsanaa Daacish, kuwaas oo lagu kala magacaabo Maadeey Xuseen Ibraahim iyo Xasan Ibraahim Cabdiraxmaan.
Labadan nin ayaa xalay lasoo xiriiray ciidanka Puntland, iyagoo u sheegay inay doonayaan in ay iskusoo dhiibaan dowladda. Labadan nin ayaa waxay kamid ahaayeen Soomaalida kooban ee ku sugnayd togga Baallade.
Laamaha amniga ayaa labadan nin kusoo bandhigay meel u dhow tuulada Yalho oo 40km u jirta magaalada Boosaaso.
Soo qabashadooda raggan iyo qabashada ceelka Marraagade ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay bishaan November ku dhawaaqayso in lasoo afmeeray howlgalka Daacish oo socday muddo sanad ah.
Trump oo joojinaya barnaamijka ilaalinta kumeel gaarka (TPS) ee Soomaalida Minnesota
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii inuu si degdeg ah u joojinayo ilaalinta kumeel gaarka ah ee ka dhanka ah musaafurinta Soomaalida ku nool Minnesota.
‘’Koox Soomaali ah ayaa argagax galinaya dadka gobolkaasi weyn, waxaana la waayay balaayiin doolar,’’ ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay Trth Social.
‘’Aniga, ka madaxweynaha Maraykanka ahaan, halkan ayaan ku joojinayaa, iyada oo dhakhso loo dhaqan galinayo, barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Minnesota,’’ ayuu yiri.
Museveni oo ku baaqay in la dhiso ciidan mideysan oo Bariga Afrika ah, Somalia-na qeyb weyn ka noqoto
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa mar kale soo celiyay fikraddiisa ku saabsan in la dhiso Midowga Bariga Afrika (East African Federation) oo leh hal ciidan oo mideysan, si loo xoojiyo difaaca gobolka loona ilaaliyo mustaqbalka dalalka Bariga Afrika.
Hadalkan ayuu ka jeediyay Mayuge State Lodge, isaga oo sheegay in isdifaaca dalalka Bariga Afrika uu shalay aad u kala daadsan yahay.
Museveni wuxuu soo jeediyay in ciidamada dalalka Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, iyo DR Congo la isku daro, si loo abuuro ciidan ka awood badan kan dal walba kaligiis leeyahay.
Sida uu sheegay, tani waxay inay keeni kartaa, difaac isku duuban, jawaab degdeg ah oo lagu wajaho khataraha amniga, qorshe amni oo fog, iyo in gobolka yeesho awood ciidan oo ka hortagta faragelinta shisheeye.
Museveni wuxuu ku adkaystay in dalalka Afrika ay muddo dheer ahaayeen kuwo u nugul faragelinta caalamka, sababa la xiriira midnimo la’aanta siyaasadeed iyo tan ciidan ee qaaradda. Wuxuu tusaale u soo qaatay Libya, oo uu sheegay in dalal shisheeye ay si fudud u burburiyeen iyada oo aan Afrika midaysani waxba ka qaban.
"Haddii aynaan qorshe ka yeelan difaac midaysan, dal walba wuxuu yeelanayaa ciidan u gaar ah oo aan isku xirnayn. Taas ayaa naga dhigtey in aanan ka jawaabi karin marka Afrika lasoo weeraro," ayuu yiri Museveni.
Museveni wuxuu sheegay in haddii la dhiso Midowga Bariga Afrika oo leh hal ciidan, gobolka uu yeelan doono xoog dhexe oo siyaasadeed iyo mid ciidan, taas oo wax badan ka beddeli karta kaalinta Afrika ee caalamka. Wuxuu ku tilmaamay arrintan tallaabo taariikhi ah oo dadka madow u dhisi karta awood la tixgeliyo.
Hadalka Museveni ayaa imanaya xilli dalalka Bariga Afrika ay hadda wadaan dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga amniga, gaar ahaan kaddib hadallo uu horey uga yiri muhiimadda istaraatiijiga ah dalalka Badweynta Hindiya.
Trump oo ugu baaqay Zelensky inuu qaato qorshihiisa soo afjarida colaadda Ukraine
Donald Trump ayaa ugu baaqay Ukraine inay aqbasho qorshaha maamulkiisu soo jeediyay ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, taasi oo ay ku jirto in Ukraine ay dhul ka tanaasusho.
Wuxuu sheegay in madaxweyne Volodmyr Zelensky ‘’qasab ku noqon doonto inuu raali ka noqd.’’
Wuxuu intaasi ku daray in Khamiista soo socoto ay noqon doonto wakhti ku haboon oo lagu aqbalo soo jeedinta Maraykanka, ayna u muuqato soo jeedinadu ay taageerayaan dhowr kamd ah dalabaadka Moscow.
Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa taageeray qorshaha Maraykanka. Balse ra’iisul wasaaraha Britaine Keir Starmer ayaa sheegay in heshiis kasta uu khasab ku yahay inuu ilaaliyo madax-banaanida Kyiv.
Wuxuu sheegay in xulufada Yurub ee Ukraine ay ka wada hadli doonaan siyaabaha loo xoojin karo soo jeedinta intii lagu guda jiray shir madaxeedka G20 ee toddobaadkan ka dhacay Koonfur Afrika,
Hoggaamiyaha xisbiga DCP ee Kenya oo Ruto ku eedeeyay in uu Kenya u maamulayo sida Soomaaliya
Hoggaamiyaha xisbiga DCP ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa si kulul u dhaliilay khudbad uu Madaxweynaha Kenya William Ruto uu ku sheegay in Kenya ay cagta saartay jidka horumarka oo ay noqonayso Singapore oo kale, isaga oo ku tilmaaamay "hadal madhan."
Gachagua oo muddo laba sano ah madaxweyne ku xigeen u aha Ruto lakiin baarlamaanku xil ka xayuubin ku sameeyay, ayaa sheegay in Madaxweyne Ruto looga baahnaa inuu ku dhawaaqo in la joojinayo xashuurta Housing Levy-ga oo ah canshuur 1.5% laga qaado mushaharka shaqaalaha, isla markaana la soo celiyo lacagaha laga qaaday dadweynaha.
Waxa uu si adag uga jawaabay hadalkii Madaxweyne Ruto ee ahaa in Kenya ay qaaday jihada waddamada horumaray sida Singapore, isaga oo sheegay in taasi ayna macquul ahayn.
"Haddii aad maskaxda ku hayso Soomaaliya garanmaayo,l lakiin Kenya ma gayn kartid heerka Singapore oo celceliska mushaharka halka qof uu yahay Sh700,000, halka kan Kenya uu yahay Sh70,000 oo weliba 50% canshuur looga qaado,” ayuu yidhi Gachagua.
Gachagua ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha cusub ee Madaxweyne Ruto aanu la jaanqaadi karin arragtida 2030, isagoo ku dooday in madaxweynuhu uu soo bandhigay riyooyin aan ku dhisnayn xaqiiq.
Waxa uu ku tilmaamay sheegashada dowladda ee ah in in ka badan Sh80 bilyan lagu kaalmeeyay 7 milyan oo Kenyan ah "sheeko aan run ahayn", maadaama dadku ay weli la liitaan amaah yar iyo dulsaaryo sare.
Waxa uu si gaar ah u beegsaday Hay'adda Caafimaadka ee SHA, oo uu ku tilmaamay "mashruuc musuq-maasuq ku dhisan” oo ay ka faa’iideysteen kooxo dhowr ah oo ku dhow madaxda talada haysa.
"Hay’ad caafimaad oo ku shaqaynaysa musuq qorshaysan, islamarkaana aan bixin deymaha lagu leeyahay, adeeg ma aha ee waa silica shacabka,” ayuu ku daray.
Gachagua ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay Ruto inuu ku faanayo inuu Kenya gaadhsiinayo heerka waddamada horumaray, iyada oo taliskiisa lagu eedeeyo musuq, xadgudub xuquuqda aadamaha iyo dhigasho isbaaro siyaasadeed.
Madaxweyne Ruto ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Kenya ay ku gaadhi karto "heerka dunida kowaad" haddii lagu maalgeliyo Sh5 trillion, isagoo sheegay in qorshahaasi ku salaysan yahay afar qodob oo kala ah: Kor u qaadista helitaanka waxbarashada, in la kordhiyo wax soo saarka, soo saarista koronto dheeri ah, iyo dhismaha ugu yaraan 28,000 km oo waddooyin ah 10 sano gudahood.
Laakiin Gachagua ayaa sheegay in qorshayaashaas aysan lahayn maalgelin muuqata, isla markaana aysan xallin karin dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda jira.


0 



HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 23 NOV 2025
.