Soomaaliya oo soo Dhaweeysay Arday Suudaani ah oo Deeq Waxbarasho laga siiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

0
Wednesday December 03, 2025 - 13:25:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo soo Dhaweeysay Arday Suudaani ah oo Deeq Waxbarasho laga siiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

    .Soomaaliya oo soo Dhaweeysay Arday Suudaani ah oo Deeq Waxbarasho laga siiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Facebook Facebook messenger Twitter WhatsApp LinkedIn Telegram Email Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Waxba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.Soomaaliya oo soo Dhaweeysay Arday Suudaani ah oo Deeq Waxbarasho laga siiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Facebook Facebook messenger Twitter WhatsApp LinkedIn Telegram Email Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho arday u dhalatay dalka Suudaan, kuwaas oo ay Dowladda Soomaaliya siisay deeq waxbarasho oo ay ku dhammaystiranayaan aqoontooda jaamacadeed. Xafladda soo dhaweynta oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay dowladda Federaalka u leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Suudaan taageeradii ay burburkii iyo dagaalladii sokeeye kadib siiyeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardaydii Soomaaliyeed ee fursadda u helay waxbarasho lacag-la'aan ah. "Suudaan waa dal aan marna la hilmaami karin, Xilligii adkaa, iyaga ayaa ardaydeena u furay albaabada jaamacadahooda, maanta annagana waxaa sharaf noo ah in aan qeyb ka noqono taageeridda jiilka cusub ee Suudaan," ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Ardayda soo gaartay ayaa ah qeybtii ugu horreysay ee deeqdan ka faa'iidaysata, iyadoo todobaadyada soo socda dalka ay imaan doonaan arday kale oo reer Suudaan ah oo qayb ka ah barnaamijka iskaashiga waxbarasho ee labada dal. Soo dhaweynta ardaydan ayaa loo arkaa tallaabo muujinaysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyo sida ay Soomaaliya uga go'an tahay in ay gacan ka geysato tayaynta waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed iyo tan waddamada ay walaalaha yihiin. Ardayda ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah u bilaabaan waxbarashadooda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed toddobaadyada soo socda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip