MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE CUMAR CARTAN

0
Sunday November 23, 2025 - 11:07:05 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE CUMAR CARTAN

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Gar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF. Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed. Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dafaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip