Golaha Wasiirrada oo ansixiyay darajooyinka loo asteeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir

0
Thursday October 23, 2025 - 15:58:58 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada oo ansixiyay darajooyinka loo asteeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee la qorsheynayo in dalka laga qabto. Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaanay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir. Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darajada (B) ah. Degmooyinka Darajada (A) 1. Hodan 2. Yaaqshiid 3. Deyniile 4. Kaaraan 5. Dharkeenley 6. Wadajir 7. Warta-Nabadda 8. Heliwaa 9. Howl-wadaag Degmooyinka Darajada (B) 1. Waaberi 2. Shibis 3. Xamar-jajab 4. Boondheere 5. Xamar-weyne 6. Cabdicasiis 7. Shangaani Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha, ahna Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip