Shirkii arrimaha Diinta ee u socday Soomaaliya iyo Jabuuti oo lasoo gabagabeeyay

0
Thursday October 23, 2025 - 15:58:21 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii arrimaha Diinta ee u socday Soomaaliya iyo Jabuuti oo lasoo gabagabeeyay

    Waxaa maanta oo Khamiis ah lasoo gaba gabeeyay ka shirkii Aqoon isweydaarsiga ahaa ee ay yeelanayeen Wasaaardda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS iyo Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee jamhuuriyadda Jabuuti. Shirkan oo mudo 5 maalmood ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta oo Khamiis ah lasoo gaba gabeeyay ka shirkii Aqoon isweydaarsiga ahaa ee ay yeelanayeen Wasaaardda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS iyo Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee jamhuuriyadda Jabuuti. Shirkan oo mudo 5 maalmood ah ka socday Jabuuti ayaa maanta Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Islaanka XFS Sh, Mukhtaar Roobow iyo Wefdigiisa oo hor kacayo dhigiisa wasiirka Wasaaradda Diinta ee dalka Jabuuti Muumin Xasan Bare waxay booqdeen goobo badan oo uu kamid yahay Machadka Al wasaatiya ee faafinta dhaqanka nabadda oo wax barasho xoog leh ay ka socotay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Ibraahim Aadan Ibraahim Nadaara ayaa dowladda Jabuuti kaga mahad celiayay soo dhoweyntii qiimaha badnayd ee loo sameeyay, wuxuuna sheegay in Machadka Al wasaatiya ee Jabuuti uu yahay maxad goboleed ka shaqeeya nabadda mandiqadda, kaas oo si gaar ah u quseeya dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan afkaarta xagjirnimada ah. Shirka ayay ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada shaqeynta labada Wasaaradood iyo khibrad isweydaarsi ku aadan dhinacyada Awqaafta iyo Diiwanka Sakada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip