Wasiir Fiqi oo guddoomiyey kulan ku saabsan miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga 2026

0
Wednesday October 01, 2025 - 15:08:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi oo guddoomiyey kulan ku saabsan miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga 2026

    Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga doodayay miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee sanadka 2026. Kulanka waxaa goob-joog ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga doodayay miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee sanadka 2026. Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka socday Taliska CXD. Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen qorshayaasha dhow iyo kuwa dhexe ee Wasaaradda, iyadoo la isku waafaqay in mudnaanta la siiyo hufnaanta iyo qorsheyn cad oo lagu fulinayo miisaaniyadda 2026. Wasiirka gaashaandhiggu waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaradda uga go'an tahay isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo xoojinta hay'adaha difaaca. Waxa uu xusay in natiijooyinka kulankan ay hagi doonaan hirgelinta barnaamijyada iyo dib-u-habaynta sanadka soo socda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip