
Wafdi ka socda Midowga Yurub oo kormeeray Dekadda Muqdisho
Wasiirka wasaaradda maliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo maareeyaha Dekadda Muqdisho mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa Dekadda magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wafdi balaaran oo ay hogaaminayeen Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro iyo Mr. Sander Van Kooten oo ah Sarkaal sare oo ka socda Banggiga maalgashiga Yurub u qaabilsan dhinaca deymaha ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Ugu horeyn wafdiga sare ee ka socda Midowga Yurub ayaa DFS, ugu hambalyeeyay in Dekadda Muqdisho ay kaalinta Koowaad ka gashay Dekadda ugu wanaagsan Bariga Afrika, Sidoo kale ay kaalinta Afaraad ka gashay Dekadda ugu horumaraan qaarada Africa.
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), iyo Maareeye ku-xigeenada ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Dekadda, iyaga oo uga warbixiyay wafdiga Midowga Yurub howlaha baaxada leh ee sida maalin laha ah uga socda Dekadda.
Wafdi ka socda Midowga Yurub oo kormeeray Dekadda Muqdisho
Wasiirka wasaaradda maliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo maareeyaha Dekadda Muqdisho mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa Dekadda magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wafdi balaaran oo ay hogaaminayeen Saf