Soomaaliya iyo Baxrayn oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna

0
Thursday October 02, 2025 - 15:03:10 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Baxrayn oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna

    Qunsulka Guud ee JFS u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, Cabdiwali Xersi Cabdulle ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Baxrayn, Musa Abdullah Al-Nuaimi. Kulanka oo ay labada mas'uul ku yeesheen Qunsuliyadda dalka Baxrayn ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qunsulka Guud ee JFS u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, Cabdiwali Xersi Cabdulle ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Baxrayn, Musa Abdullah Al-Nuaimi. Kulanka oo ay labada mas'uul ku yeesheen Qunsuliyadda dalka Baxrayn ee magaalada Jiddah ayaa waxay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo iskaashi dhinacya badan leh. Mas'uuliinta ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyagoo isla soo qaaday ka faa'iideysiga dhoofinta Xoolaha, kalluunka, qudaarta, miraha beeraha iyo macdanta qaybaheeda kala duwan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip