0
Thursday October 02, 2025 - 15:00:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda , kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo han

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda , kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud. Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahortagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajikistaan. Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip