Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

0
Sunday September 28, 2025 - 19:51:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaarad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dalka Sacuudiga Mudane Abdulmuhsen Bin Sa'ad Alkhalaf iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Wadankaas. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhanka dhaqaalaha, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaana mahadcelin kadib waxa uu si faah-faahsan uga hadlay qorsheyaasha maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, kheyraadka Badda, Xoolaha, Beeraha iyo dhanka Tamarta, Waxaana lagu heshiiyay in wada hadalkan loo bedelo heer farsamo oo miro dhal ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip